Hayada Wadaniga ah ee GAVO oo ku Maamuustay Xuska Maalinta Aidska Xaflada iyo Koob kubada cagta ah

 



Berbera (TNN)-Maalinta AIDS-ka Aduunka Dec 1 2010 ayaa laga xusay magaalada Berbera ee xarunta u ah gobolka saaxil xaflad balaadhan oo ay soo qaban qaabisay hay'ada wadanig ah ee GAVO ayaa  la gu qabtay xarunta dhalinyarada ee Gavo waxaana kasoo qeybgalay masuuliyiin ay kamid ahaayeen Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan oo dhalinyarada ku booriyey inay ka  digtoona adaan halitsta cudurkan waxaanu tibaaxay inay muhiimtahay in la iska kaashado wacyigalinta dhalinyarada.

Agaasimaha Fulinta ee GAVO Axmed Cumar Xirsi ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey waxa uu ku  shee gay in gavo ay mudooyinkii u danbeeyey ku hawlaneed ka hortaga iyo ka wacyigalinta halitsta  cudur kani leeyahay waxaanu Agaasimuhu u mahadnaqay gudoomiyaha gobolka kasoo qeybgalka xafladan waxaanu tibaaxay in muhiimada kowad ay dhalinyaradu leeyihiin si loo taabo galiyo mustaqbalkooda Gavo waa hay'ad ku hawlan hirgalinta dhaliyaro mustaqbal wanaagsan gaadha ayuu yidhi Axmed.

Xafladan ayaa waxa sidoo kale ka hadashay Marwo Amran Cali Xiis oo ku dheeraatay in dhalinyaradu ka digtoonaato cudurkan kuna dhaqmaan diinta islaamka si ay uga badbaadaan halista cudurkani  wa xaanay hay'ada gavo uga mahadnaqday qaban qaabada xuskan maalintan caalamiga ah ee ay dunida uun laga xusayo.

Xafladan ayey dhalnyaradu ku baranayeen khtaraha cudurkan aidska iyo sida looga hortago culuum ku saabsan cudurkani waxaana lagu baraarujinayey sidii ay u noqon lahaayeen dhalinyaro ka fayow cudurkaasi dilaaga ah waxaanay xafladaasi ku dhamaatay jewi degan.

Xuska Waxa ka mid koob kubada cagta ah oo lagu ciyaaray garoonka Berbera

Dhinaca kale Ciyaar kubada cagta ah aya lagu xusayey sidoo kale maalinta 1 dec 2010 ee aidska  adu unka waxaana ku wada ciyaarayey labo kooxood oo reer Berbera ah waxaanay ciyaartan iska  kaash aday hay'ada gavo oo maalgalinaysa iyo wasarada dhalinta iyo ciyaaraha oo oo qaabilsanayd  diyaar nta ciyaartan caalamiga ah heerka labaad ah waa algu magacaabo New Star vs Hilaac waxaanay lagu kala badiyey rikoodhayaal sida uu sheegay Abdixakin Kobre oo ka tirsan Wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha G/saaxil waxaana la gudoonsiiyey jaaisadihii ay mutaysteen dhalinyaradaasi guud ahaana xafladahaasi waxay ku dhamaadeen jewi degan waxaanay Hay'ada wadaniga ah ee GAVO oo tan iyo sanadkii 1993 kii oo ay ku hawlanayd la shaqeynta dadka tabaalaysan ee somaliland gaar aahaana gobolka saaxil, waxaanay sanadkasta maalintan oo kale qabataa xuskan lagu xusayo maalinta aidska.

 

 

 



Abdikarim Said Salah.

Journalist For Horn Cable TV,
Sahil Region Area Based
Geeska Afrika Journal,
in sahil region
Berbera Press Editor
website: www.berberapress.com
Regional Journalist

Mobile: +25224441209
Email: clkarim_3@hotmail.com