Ururka Haweenka Somaliland ee Dalka Holland, Hooyo Waa Lama Huraan-Nomad, oo xuskii maalinta Haweenka adduunka ee 8  Mars,xaflad ballaadhan soo bandhigay

 

 

Amsterdam, Holland  (TNN)-Xaflad balaadhan oo si heer sare ah  loo soo agaasimay,  oo lagu xusayey maliin ta Haweenka Adduunka ,ee  8 da March ,  ayaa lagu qabtay habeenkii Sabtidii, 12 March ,2011,  magalaada Amsterdam,ee Dalka Holland. Waxaa xafladdaasi soo abaabulay, soo agaasimay,kuna far yereystay, ururka Haweenka Somailand ee Dalka Holland, ee lagu magacaabo,  Hooyo Waa Lama Huuran - Nomad.

Xafladdaasi oo ahayd tii  ugu horeysey ee Haweenka Somaliland ay ku xusaan 8-March,waxaa ka so qayb g alay haween aad u tiro badan oo reer Somaliland ah, iyo haween kale oo ka kala yimid daafaha aduunka.W axa madasha lagu soo bandhigey waxyaabo fara badan oo ay dadku aad u xiiseeyeen,  sida ciyaar Somaliga , hidaha iyo dhaqanka iyo  alaaboyiin la iibinayey. Lacagta halka ka soo baxday,  waxaa loo qorsheeyey in  l agu caawiyo  Cusbitaalada Somaliland , Xarumaha  Agoomaha , Hooyooyinka xanuusanaya,iwm.

Waxa madasha ka hadley Gudoomisada Ururka iyo dumar kale, oo ururka ka mid ah, waxaney ka hadleen si da loogu baahan yahay   in haweenku  wax u taraan dadkooda iyo wadankooga Hooyo ee baahan, iyo in ha ddii  haweenku gacmaha is qabsadaan , ay baahi badan dabooli karaan ( Gacmo wada jir bey wax ku gooy aan).

Xafladaasi oo  si qurux badan ku soo gaba gawday,dhammaan haweenkii ka soo qayb galaynna ay ka muuq ato  wajiyadooda   farxad iyo ray rayn , ayaa madashaasi ku wada casheeyey , in badan  oo muddo dheer  ay isugu danbeysayana ,  goobtaasi ku  wada caweeyeen.

 

 


Halgan Maxamed Yuusuf Buux
Timacade News Desk
Amsterdam , Holland