Tog-Wajaale:Ururka Shaqaalaha Ganacsatada oo Loo Furey Tababar La Xidhiidha Xisaabaadka iyo Isticmaalka Kumbiyuutarka

 


Tog-Wajaale(TNN)-Ururka Shaqaalaha xoogsatada ah ee u shaqeeya meheradaha Ganacsiga T og-Wajaale ayaa, loo furey tababar la xidhiidha xisaabaadka iyo Isticmaalka Kumbiyuutarka ee aalada (IT)ga .

Tababarkan oo uu soo qabanqaabiyay Instuteka IMIT, islamarkaana ah kii ugu horeeyay ee nooc iisa ah oo loo qabto shaqaalaha Ganacsatada Somaliland, furena u ah Barnaamij Instutekani wad o oo loo qaban doono guud ahaan shaqaalaha Ganacsatada Somaliland.

Tababarkan oo socon doona, mudo laba todobaad ah waxa ay mudada uu socdo Ururka Shaqaal aha Ganacsatada Tog-Wajaale ee Magaciisa layidhaa Employ Youth Organisation ku baran doon aan, sida loogu isticmaalo Kumbiyuutarka Xisaabaadka meheradaha ee shaqo maalmeedka dhin acyada iibka, amaahda iyo agabka yaala intaba.

Yuusuf Cusmaan Taani, oo ah Macalinka Duruustan bixinaya islamarkaana ka socda Instuteka IMIT, oo warbaahinta uga waramay Barnaamijkan Tababarkan iyo qeybihiisa kala duduwan ayaa sheegay, in ay Barnaamijkan ka fulinayaan dalka oo dhan isagoo, xusay in ay hada ka bilaabeen Tog-Wajaale islamarkaana ay gaadhsiin doonaan Magaalooyinka kale ee Somaliland.

Waxa kale oo Mr Yuusuf sheegay , in ujeedada Barnaamijkani la xidhiidho sida ay shaqaaluhu u maamulayaan xisaabadka meheradaha iyagoo isticmaalaya kumbiyuutarka taas, oo farsamadan looga wareegayo xisaabtii qalinka iyo buugaagta ee dhibaatada badani ka iman karto,waxaanu ku sheegay Barnaamijkani in uu yahey kii u danbeeyay isticmaalka Itga oo kala ah A-Quick Book B-PeachTree C-Tally Erpg.o

Ugu danbeyntii Ururka Shaqaalaha Ganacsatada Tog-Wajaale, ee Tababarkan loo furey ayaa iyaguna siweyn usoo dhaweeyay Barnaamijkan iyagoo sheegay in ay wax badan ka faa,ideysteen, oo ay kamid yihiin sida looga maarmayo madmadowga dhinaca Xisaabaadka ee ay keeni karto mushkiladaha ku yimaada buuga iyo qalinka.

Source: Waaheen