“Ummadeenu Hada Way
Kala Qaybsan Tahay, Waxaana Kala Qaybiyey Saddexdan Xisbi ,Wax Ka
Badan Ma Qaadi Karno”Abwaan Hadraawi
Hargeysa, March 17, 2011 (TNN) – Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)
ayaa aragti diisa ku wajahan furista ururadda siyaasada ka hadlay,
waxaanu sheegay in wakhtigan dalku aanu qaadi karin ururo
Siyaasadeed, taas oo ku tilmaamay inay
shacbigu ku kala qaybsami doonaan ur
uro horleh oo la furo, isaga oo
xusay in saddexdii xisbi ee Kulmiye, Udub iyo Ucid ay shacbiga re er
Somaliland markii hore-ba kala qaybiyeen, isla markaana haddii ururo
siyaasadeed oo kale yima adaan inay bulshada
sii kala fogaynayaan.
Abwaan Hadraawi waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka
taagan deegaanada Buuh oodle, taas oo uu sheegay in loo baahan
yahay in dhibaatadda halkaas ka dhacday in si dagdag ah looga wada
hawlgalo oo nabad laga islaaxiyo deegaanadaas, isaga oo Ilaahay uga
baryey in colaa ddaa uu ka bakhtiiyo.
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi waxa uu sidaas ku sheegay
mar uu xalay wargeys ka Haatuf khadka Telefoonka Waraysi ku
siiyeye isaga oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka
Togdheer.
Abwaan Hadraawi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay dawladda cusubi
u baahantaya in wakhti la siiyo, maadaama oo ay muddo kooban xilka
haysay, balse ka dib wixii dhaliil ah ee ay la timaado la sheegi
doono, isla markaana dedaaladda ay sidoo kale la timaado lagu dhiiri
galin doono, ugu ho rayna Abwaanku isaga oo ka hadlaya
aragtidiisa ku wajahan furista ururadda siyaasada, waxa uu yidhi
“Marka hore waxa wanaagsan in aynu garano in marka hore aanay tiro
badani waxba tarayn, balse ay tayo mihiim tahay, arin-kasta oo laga
hadlayaana waa inay sababi jirtaa, hadii aynu u ba ahanahay in
la badiyo ururadda waa in sabab loo sameeyo. Ummadeenu hada waynu
ognahay oo way kala qaybsan tahay, waxaana kala qaybiyey saddexda
xisbi ee dalka ka jira, Anigu haddii aan ka hadlo fikirkayga in
intan wax ka badan aynaan qaadi karayn, waxaanay noqonaysaa in
majar ahii laga baydho sababta oo ah saddexda xisbi ayeynu dirqi ku
qaadnay markaa waxaan anigu ku talin lahaa in aynaan culays kale sii
saarin dalkeenan yar ee aan dhaqaalaha badana lahayd. Maadaama oo
aynu nahay dalyar oo iska kooban dhaqaale wayna aan haynin waxa
haboon inaynu talada rog rog oo aynaan ummada culays kale sii saarin”.
Isaga oo arinta ururadda ka hadlaya waxa uu intaa ku daray Abwaan
Hadraawi “Anigu waxaan qa baa hadii ay jiraan ururo kale oo
dalkan uga wanaagsan kuwan hada jira in la eego iyagana, laakiin
hadii ay la mid yihiin sadexdan hada jira oo kolba labada kale aanay
dhaliisha ka markaa talinaya aanay eegeyn, waxaan aamin-sahay
murtidii ahayd talo aan la ruugin waa lagu rafaadaa, markaa arimaha
yaan la ilduufin ee ha laga fiirsado marka wixii dalka dani ugu
jirto halagu dhaqaaqo”.
Abwaan Hadraawi mar uu ka hadlayey sida uu u arko isbadalka dalka ka
dhacay iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin dawladan cusub iyo tii
Rayaale, waxa uu yidhi “Anigu waxa aan aamin-sahay in dawladdan
cusub sababta loo doortay ay tahay saluug ka yimid xukuumadii hore
ee dalka ka talinaysay 8 –da sanadood, waxaana iswaydiin leh xisbiga
maanta talada hayaa miyuu ogsoon yahay sababtaas in lagu doortay?
Inkasta oo aanay xukuumaddan cusub joogin wakhtigii wax laga
sheegayey oo ay dalka maamulaysay mudo aad u kooban, hadana waxaan
anigu qabaa hadii aanay waxba soo kordhin anagu khaladkeeda iyo
saxdeeba waanu sheegaynaa, markaa waxaan qabaa in marka hore aynu
dawladda wakhti ku filan siino, markaa waxay gasho iyo waxay gudo-ba
way soo bixi doonaan. Hadii ay waxba dalka u qaban waydo xukuumadda
cusubi waxa u taala tii u ooli jirtay dawladii ka horaysay”.
Mar uu ka hadlayey siyaasada arimaha dibada, waxa uu yidhi “Hadii ay
jiraan horumar laga samee yey xaga khaarajiga way ku mahadsan
tahay dawladu, inagana waxa inala gudboon hadii xukuum addu la
timaado dadaal in la sheego oo lagu dhiiri galiyo hadii ay dib u
dhac la timaadana in la shee go oo sidii xukuumadii hore-ba
loo sheegayey khaladkeeda iyo saxdeeba in loo sheego, inkasta oo
aanan anigu siyaasada aanan u dhuundaloolin hadana waa in khalad iyo
saxba la sheego. Waxaanan ku celinayaa oo aan aaminsanahay wali may
gaadhin dawladu xiligii la dhaleecayn lahaa, markaa waa in aynu
wakhti aynu ku qiimayno siinaa”.
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi mar wax laga waydiiyey
xaaladda deegaanada Kal shaale iyo sida ay ula muuqdaan colaadaha ka
taagan deegaankaas, waxa uu yidhi “Ilaahay waxa an ka baryayaa
inuu dabkaa Kalshaale inaga bakhtiiyo, oo uu beelaha walaalaha ah ee
deegaan kaas wada daga uu bogooda burcad isku mariyo, dabka halkaas
ka holcayna waxa haboon in loo guntadda in halkiisa lagu bakhtiiyo,
maxaa yeelay waa dab oo hadii aan halkiisa lagu bakhtiin wuu fidaa
oo meel walba wuu soo gaadhayaa. Run ahaantiina waynu ogayn oo
dirirta bakhtiinteeda looma yaraysan, oo waxaynu ogayn ay Kalshaale
iskugu tageen labeentii dadku, oo ay halkaas u tageen sidii loo soo
afjari lahaa dhibtaa ka dhex dhacday dadkaa wada dhashay. Mida hada
jirtaa waxay la odhan karaa colaada hada deegaankaa ka jirtaa
Ishinkeedii ayaanay gaadhin, had iyo jeer marka la rogmado ee dhib
baaxad lihi dhacdo, markaasay dadku wada baraarugaan oo talo la
iskugu yimaadaa oo ay fududaataa in la heshiiyo, markaa wali hadii
aanay wali dhinacna u dhicin waxay noqonaysaa sheekadii Qabaalka ee
la yidhi Qabaalku kabis lahaayee oo ka tagis lahaayee, anigu waxaan
xasuustaa ummadeenii hore waa loo yar kaadin jiray oo markay labadii
dhinacba dareemaan dhibta colaada oo ay leeyihiin waar tolow yaa
idin soo kala dhexgala oo idin kala qabta ayaa arinta la gali jiray,
ugu danbayn waxaan soo jeedinayaa in arintaa wadadeedii loo maro oo
dabkaa halkiisa lagu bakhtiiyo”.
Source: Haatuf
|