UDUB, Waaheen & Qarannews: Somaliland Waa Argagixiso Iyo Siyaasad Mooryaanta Cusub Ee Kusoo Korodh


 

UDUB, Waaheen & Qarannews: Somaliland Waa Argagixiso
Siyaasad Mooryaanta Cusub Ee Ku soo Korodhay Hab-dhaqanka Siyasada Somaliland


Waxa dhacday tan iyo intii ay dhamaatay doorashoyinki Madaxtooyada Somaliland ee lagu  ka la guulaystay ayaa masraxa siyaasada Somaliland waxa kusoo kordhayay oo lagu arkayaa  ha b-dhaqan cusub oo aan hore loogu aqoon saaxada siyaasadda Somaliland. Hab dhaqankaasi waa mid aan hore looga aqoon Somaliland, hase yeeshe, aad loogaga dhaqmo wadamada aynu jaarka nahay, sida Somalia. Waa hab-dhaqan magaciisa la yidhaahdo ‘Siyaasad Mooryaan’.

Isla markii Madaxweynaha cusub ee Somaliland ku dhowaaqay golahisi wasiirada, waxa xubno ka tirsanaa xukuumadii hore ee Madaxweyne Rayale, iyo saxaafadii taageeri jirtay  xukuumad di UDUB ee dhacday, sida waaheen, qarannews iyo Yool, waxay bilaabeen olole horleh oo  lagu la dagaalamayo xukuumadda cusub ee xisbigii talada dalka kaga guulaystay.

Tusaale ahaan arrinka ay aad u wad wadaan qolyahan UDUB waxa ugu weyn in ay  xukuumad da cusub ku canbaareeyaan Xagjirnimo Diini (Islamic terrorist) iyo inay xukuumadda Ethiopia shaki ka muujisay xukuumadda cusub ee Md Silanyo. Waxa ka mid ah cinwaanada wararka ay saxaafadda UDUB soo qorto in xukuumadda Ethiopia ka dalbatay xukuumadda Md Silanyo inuu xukuumadiisa ka saaro sideed wasiir oo xagjirnimo loga shakiyey. SIdoo kale waxa ka mid aha wararkay qorayeen:
 


‘Madaxweyne Siilaanyo iyo Safiirka Itoobiya oo maryo Dhiigleh kala furtay (http://waaheen.com/?p=1410 – August 26, 2010)


Safiirka Ingiriiska oo la Kulmay Xubno TILMAAMAN oo ka Tirsan Xukuumada Axmed Siilaanyo http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=8770&Itemid=62


Iyo Ethiopia oo Safiirkedi u fadhiyay Hargeysa dib ugu celisay Ethiopia


Waxa ugu danbaysay aakhirkii war ay qoreen hadhwanaagnews iyo ramaasnews taarikhdu markay ahayd 28.08.2010 oo cinwaankiisu ahaa: Warbixino Xaasaasi Ah Oo Ay Daabacday Barta Internetka Ee Oil Price Oo Ka Waramaysa Xidhiidhka Kooxaha Xadjirka Ah Iyo  Xukuuma da Cusub Ee Somaliland. http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=4402

Waxa xusid mudan in dhamaaan wararkaasi been abuur yihiin. Sidoo kale waxa xusid mudan in safiirki Ethiopia ee Somaliland weli ku sugan yahay Hargeysa. Xukuumadda Ethiopia iyo safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland ayaa labaduba beeneyay in ay shaki ka mujiyen xukuumadan  Ma daxweyne Silanyo. Sidoo kale waxa xukuumada Md Siilanyo iyo xafiiska arrimaha dibedda ee Ethiopia qireen in xidhiidhka Somaliand iyo Ethiopia sidiisi u fiican yahay.

Dhinaca warbixinta hadhwanaagnews iyo ramaasnews qoreen ee warka shabakada  internet ka ee Oil Price daabacday oo xukuumada Somaliland ku sheegtay in xidhiidh ay la leeyihin Al Shabab. Waxa xusid mudan in marka aad warkaa raacdo link ku qoran, waxa kuso baxaya in warku ahaa war la daabacay kowdii bishii July ee 2010, ka hor intan lagu dhawaqin natiijadi doorashada. Hadaba waa run oo ramaasnews iyo hadhwanaagnews maaha shebekadaha xukuumadi UDUB adeegsato, sidaa darted waxa is weydin mudan warkan labada bilood ka hor la daabacay ee been abuurka ah maxay usoo qoreen. Sida muuqata hadhwanaag iyo ramaas waxa warkan usoo diray masuliyinta UDUB iyo xukumadi hore oo raba war iyo arrin aan jirin oo laba bilood ka hor la qoray in marba dib loso noleyo. Iyaguna labadas shebekadod marki looso diray warbixinta, iskamay eegin taariikhda ee way soo daabacen, iyada oo warkaasi ahaa mid la daabacay laba bilood ka hor o been abuur ahaa.

Olole lagu waxyeelaynayo qaranimada Somaliland

Halkaas waxa ka cad olole UDUB iyo xukuumadii hore ay wado oo war been ahaa oo beri hore la qoray ay marba dib ugu soo dirayso shebekadaha, yaguna yagoon iska hubini soo  dabaca yn. Ololahaas ay UDUB iyo saxaafada ay adeegsato ee waaheen iyo qaran wadaan ma aha mid lagu wax yeelaynayo xukuumadda Somaliland ee waa mid wax yeelo weyn ku ah qaranka  Som aliland.

Hadaba maxaa ku kalifaya masuuliyinta xukuumadi UDUB ee dhacday iyo saxaafada ay  adeegs ato ee waaheen iyo qaran in ay dhaawaca iyo waxyeelada intaas le’eg ula badhedhan  Somal iland. Waa maxay sababta ay Somaliland uga bilaabayan hab dhaqankii ay ku dhaqmi jireen  M ooryaanka Xamar ee ay isku eryan jireen kaasaa argagixiso ah iyo kaasa ah.

Jawaabtu wa laba mid. Mida hore, waxa jirtay oo sideedi sanadood ee ugu danbaysayba in  xi sbiga Kulmiye markuu mucaaridka ahaa aad u canbaarayn jiray xukuumadii UDUB ee Rayale. Sidaas darteed, waxa laga yaabaa in UDUB iyo saxaafadedu is leeyihin mucaaridad xoogan kala hor imaada xukuumadan Kulmiye, sidii ay yaguba idiin mucaaradi jireen. Hase yeeshe, waxa ay khaldayaan oo ku kala duwan yihin labada mucaradod. Markii Kulmiye uu mucaaradka ahaa  wa xa uu dhaleecayn jiray xukuumadi Rayale iyo UDUB. H ase yeeshee marnaba warxumo qaranka Somaliland waxyeelaysa oo ah waa Al Shabaab iyo Argagixiso weeye Somaliland may odhan jirin.

Sababta labaad ee ku kalifaysa masuuliyintan iyo saxaafada u adeegta inay dhaawacas ula  b adheedhan qaranka Somaliland ayaa noqon karta in ay ujeedo kale ka leeyihin. Dadka qaar ayaa aaminsan in UDUB iyo xukuumadi hore, gaar ahaan, sadex nin oo hore wasiiro uga ahaa xukuumadi dhacday ee Md Rayale, kuwaas oo qadiyad gaar ah wata, iyaga oo adeegsanaya saxaafada taagerta ee Yool, waaheen iyo qaran, ay rabaan in addunka ay kusoo jeediyan Somaliland oo yidhaahdaan Alshabab iyo argagixiso aya ka talisa, si qas iyo wareer u dhaco, isla markaana Somalilanad looga mid dhigo Somalia.

Waxay doonto ha noqoto ujeedadodu, laakin waxa hubaal ah in aanay dadkaasi waxyeelo u  g eysanayn xukuumada Somaliland laakin ay dhaawac u geysanayan qaranimada Somaliland iyo ictiraafki ay rabtay. Waxa wax lala yaabo ah wararkan been abuurka ah ee qaarna aduunka ay ku leeyihin Somaliland waa argagixiso, qaarna ay xaalad abuur wadanka gudahiisa ka  wada an, in ay yagu ka badbaadi doonan hadii ay u hirgasho qorshaha ay wataan.

Waxaan usoo jeedinaya dhamaan shacabka Somaliland in ay meel uga soo wada jeestaan  she bekadahaa Waaheen iyo Qaran News ee u adeegaya cadawga Somaliland. Isla markaa waxan u soo jeedinaya masuuliyinta jaraa’idka iyo shebekadaha Somaliland in ay ololahaa qorshaysa n ee lagu waxyeelaynayo qaranimada Somaliland aanay ka aamusin ee farta ku fiiqan dadka w ada.
 

 

 

 

Ali M. Abdirashid