“UDUB Marka Hogaankeeda meel Lagu Ogaado Maxkamad ayaanu Geynaynaa,Siillaanyo-na” Xasan Bacaad
 

 



Hargeysa (TNN)-Xasan Jaamac Bacaad oo ka mid ah Siyaasiyiinta Garabka Isbedel doonka Xisb iga Siyaasiga ah ee UDUB ayaa si adag u cambaareeyey siyaasiyiin reer Somaliland oo uu ku til maamay Budhcad siyaasadeed caadaystay Aflagaadada iyo hadalo qabyaalada Xambaarsan ee ay qalabka Warbaahinka u marinayaan Madaxda Qaranka.

Xasan Jaamac Bacaad oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Xisbiga UDUB ka soo sharaxay Gobolka Tog dheer, hase yeeshee ku guul daraystay ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay Shir jaraa’id oo uu Huteel Imperial, ayaa waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin Xisbiga UDUB oo uu hore u bur bur ay, isla markaana aanu jirin Gole dhexe iyo mid fulineed oo uu Xisbigaasi leeyahay.

Xasan Jaamac Bacaad oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Maanta waxa aan Jeclaaday in aan soo bandhigo dareeneyga oo ka bilaabantay wakhtigii maalintii dhawayd eeXisbiga UCID iyo hadhaagii Afwayne amase dhashii Rayaale ay u jawaabayeen Madaxwaynaha Jamhuriyadda So maliland Axmed Maxamed Siillaanyo oo aan dareemay run ahaantii inay Gaf bulshada Somaliland ay ka galeen. Waxa jira wax Puntland ka jira wax la yidhaahdo Budhcad-badeed, qolyahan maali ntii dhawayd hadlayna waxa ay ahaayeen oo ay noqonayaan Budhcad Siyaasadeed ku caan ba xday Boob iyo aflagaado iyo ceeb aanay u kala dayeyn Madaxda qaranka iyo cuqaasha qaran ka, Run ahaantiina ay ku heleen magac iyo maalba, waxaynu arkaynay rag madax ka ahaa xisbi gii Udub iyo dawladdii hore oo si toos ah warbaahinta caalamka oo dhan laga wada dhageysto ee laga wada akhristo isla soo hortaagay Madaxwaynaha Somaliland wuu waalan yahay, run a haantii waa wax laga xumaado oo dhib u keeni kara ummada iyo guud ahaanba shacbiga Somalil and”.

Xasan Jaamac Bacaad oo ka hadlayey hadalkii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaan yo ugu jawaabay Xisbiyada Mucaaradka waxa uu yidhi “Dad badan aaya la yaabay oo yidhi Mad axwaynuhu muxuu sidan deg dega ah ugu jawaabay wakhtiga danbe, walaalayaal warbaahinta warkeeda waxa lagala socdaa aduunka dacal ilaa ka dacal oo uu gaadhayaa. Dadka warka soo gudbinayeyna waxa ay sheeganayeen Axsaabta qaranka ee xisbigii Udub, hadaanu markaa Mad axwaynuhu si toos ah uga jawaabin maxaa caalamku qaadanayaan in wixii Mucaaridku sheegee n ay wax ka jiraan, anigu waxa aan aaminsanahay in inuu Madaxwaynuhu ku saxsanaa hadalkiis aas, hadii uu dib uga dhici lahaa oo bulshada qaarkood ay u dareemi lahaayeen hadii aanu hadal inay waxan run yihiin oo war faafay ayuu ahaan lahaa”.

Isaga oo Hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi

“Raga leh dalku jarbuu ka laalaadaa oo uu ka sii dhacayaa waa kuwama, hadii aynu is barbar dhigno Axmed Maxamed Siilaanyo iyo raga saxaafada ka ceebaya ee leh dalkuu burburinayaa Madaxwaynuhu, ragaasi miyeyna ogayn dalkan in loo soo daadiyey oo dhuux iyo dhiig loo shub ay xagay joogeen ragaasi wakhtigaas. Miyaanay ahayn ragii Burco iyo Hargeysa lala dhacayey Miig 17-ka ciyaalka soo ururiyey ee lahaa Burco iyo Hargeysa ayaa wadda ciyaaraya, waa rag aas raga lahaa Jamhuriyadda Somaliland jarbay ka sii laalaadaa. Axmed Maxamed Siilaanyo wax a uu ahaa ragii dalkan qabtay duurka u galay iyaga oo 25 jir ah ee waliba caruurtiisii iyo shaqa diisii uga tagay, ee xabada qaatay”.

Mr. Bacaad waxa uu shacabka uga digey hadallada ka soo yeedhaya dadka uu ku tilmaamay B udhcad siyaasadeedka dalka ku soo badanaya, waxaanu yidhi “Dadka qaarbaa yidhaahda Axm ed Siilaanyo dalka muu xorayne waxa xoreeyey C/raxmaan Tuur, arimahaas oo dhami waa been aan raad lahayn, Madaxwaynihii ugu horeeyey ee Somaliland C/raxmaan Tuur yaa keenay runt u waxay tahay Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kursiga saaray oo ku dagaalamay oo isla barbar taagay. Waxaan shacbiga uga digeyaa warka aan sal iyo raadka toona lahayn ee ay faafinayaa n budhcad Siyaasadeedku ee ay iskaga horkeenayaan Qabaa’ilka Somaliland.

Axmed Siilaanyo lama hayo guri shacbi oo uu boobay, xoolo shacbi oo uu boobay, waxaan leeya hay siyaasiyiin isku sheega Mucaaridka gaar ahaan Udub bal is eega guryaha aad ku jirtaan iyo xoolaha aad haysataan, Masuuliyiintii hore ee xukuumaddii hore iyaga oo qaawan ayey xilalka qabteen maantana guryaha ugu dhaadheer iyagaa iska leh, mushaharka wasiirkuna inta uu yah ay waynu ognahay, xagay markaa guryahan waawayni ka imaadeen miyaanay ahayn hantidii Ummadda ee la boobay, Masuuliyiinta Udub ee filimka xaga danbe ka hagayaa miyaanay ahayn kuwii dalkan Somaliland u gacan galiyey cadawga ee cid waliba diiday Salaadiintii iyo dadkii ugu mudakarsanaa Somaliland iyo Somali oo dhan”.

Xasan Jaamac Bacaad waxa uu sheegay Isbedel Doonkii UDUB Maxkamada sare u gudbinayaan Dawcad ka dhan ah Xisbiga UDUB, waxaanu yidhi “Waxaanu u sheegaynaa golayaasha, xukuum adda, xisbiga UCID inaydaan odhan Karin xisbiga UDUB waa xisbi jira, laba garab ayaanu kala nah

ay, hadhagii Af-weyne ama dhashii Rayaal oo xukuumadda gacanta ku hayey, laakiin aan maanta xukuumad gacan ku hayn, waana dambiilayaal, laakiin waxaanu sugaynaa inta ay is-habaynayaan ee cidii aanu maxkamada geyn lahayn aanu arkayno, waayo imika cid aanu geynaa ma jirto oo habeen-ba meel ayay ku shiraan.”



Source:Somaliland.Org