"Tog-Wajaale Shacabkeedu Waxey Halis U yihin Xiligan Roobabka In ay
Xanuuno Halisi ahi ka Dilaacaan Maadaama aan Xashiishkii Cidi Xilka
Iska Saarneyn Oo Uu Meel Walba Buux Dhaafiyay Qadh muu nk iisiina Aad
Looga Dareemayo Magaalada" Maamulaha MChka Tog-Wajaale ,Maxamed
Miigane Suldaan

Wada shaqeyntayadu ma fiicna Maamulka Degmada iyo D/Hoose nagamana
dhageysanayaan talooy inka aanu uga jeedino Xili roobaadkan
dhibaatada khashinku leeyahey ..........
Tog-Wajaale (TNN)-Maamulaha Xarunta Mchka Degmada Tog-Wajaale ,ayaa si
adag uga deyriyay Xaa lada Guud ee Fayodhowrka Magaalada Tog-Wajaale
,halkaas oo uu ku tilmaamay in uu buux dhaafiyay Xiligan Roobabku
da,ayaan Khashinka Gudaafada oo Magaalada Gudaheeda xoog uga buuxda
Isla mark aana halis u ah in ay ka dilaacaan cuduro halis ahi.
Maamulaha Xarunta MCH ka Tog-Wajaale, oo Xafiiskiisa MCH ka
Magaaladaasi ugu Waramey Shabakad a Wararka Timacade News ,ayaa si
adag uga deyriyay Xaalada Fayo-Dhowrka Guud ee Gudaha Magaala da Tog-Wajaale
isagoo ku sababeeyay Khashinka buux dhaafiyay Gudaha
Magaalada oo ay si dhib yar suurtagal u tahey in ay ka dilaacaan
Cuduro halis ah maadaama aanay D/ Hoose ee Degmada Tog-Wajaale wax
xil ah haba yraatee iska saarin nadiifinta khashinkaas isla mark aana
ay Maamul Caafimaad ahaan durtadiiba dareemayaan Culeyska iyo
halista ka soo fool leh khashin kaas buux dhaafiyay Gudaha Magaalada
Tog-Wajaale.
"Runtii waxa kasoo Fool leh khatar iyo halis Caafimaad daro, waana
mid si dhib yar ku suurta galeysa in ay ka dilaacaan Cuduro halis ahi
dhibaatada fayo-dhowrka Nadaafada Magaalada Tog-Wajaale maadaa ma uu
khashinkii buux dhaafiyay meelo badan oo ka mid ah Gudaha Magaalada
Waxaana ka muuqda Ma suuliyad daro aan Xil la iskaga saarin
dhibaatada ka soo fool leh kahshinkaas" Sidaa Waxa yidhi Maamul aha
Mchka Tog-Wajaale Maxamed Miigane Suldaan.
Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in aan iyaga Maamul Caafimaad
ahaan aanay Maamulka Degmada Tog-Wajaale iyo ka D/Hoose midna aanay
ka dhageysanin war bixinaha Fayo dhowrka iyo Talooyinka ay uga
jeediyaan sidaa daraadeedna aaney fiicneyn wada Shaqeyntoodu isagoo
arintaa ka hadlaya Waxa uu yidhi Maamulaha Mchka Tog-Wajaale.
"Wada shaqeyntayadu ma fiicna Maamulka Degmada iyo D/Hoose nagamana
dhageysanayaan talooy inka aanu uga jeedino Xili roobaadkan
dhibaatada khashinku leeyahey, wey jirtaa in meheradaha
waja hadahooda laga qaado waxoogaa khashin ah oo ay Ganacsatadu lacag
ku bixiso laakiin Magaalada int eeda kale gudo iyo divbadba hal
khashin ah lagama qaado, Tog-Wajaale Shacabkeedu waxey Halis u yi hiin
Xiligan Roobabka In ay Xanuuno Halisi ahi ka Dilaacaan Maadaama aan
Xashiishkii Cidi Xilka Iska Sa areyn oo uu Meel Walba buux dhaafiyay
Qadhmuunkiisiina aad looga Dareemayo, Gudaha Magaalada, Waxaanu
leenahay wacyigalintayadaa Maamulka Caafimaadka Gobolka iyo Maamulka
Gobolka Gabiley iyo Wasaaradaha Caafimaadka iyo Arimaha Guduhuba si
deg deg ah ha uga Howl galaan, oo qeylo dhaa ntaasi ha ka
digtoonaadaan"Ayuu yidhi Maamulaha Mchka Tog-Wajaale.
Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi ,oo aanu qeyla
dhaantan wax ka weydiin ay ayaa Sheegay in aanay Maamulka MCH ka
Tog-Wajaale kala hawl galin howsha Nadaafada Guud Isla markaana, aanay
qeylo dhaantoodani macquul aheyn.
"Anaga maxey nagala Howl galeen mey nala gureen khashinka waa
dhaleeceyn uun waxey wadaan e" ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada
Tog-wajaale ,Xaashi Muxumed Cabdi
D/Hoose ee Degmada Tog-Wajaale ayaa indhawaale wadey olole
nadaafadeed oo aan shisleyn iyadoo, wakhti Roobaadkan si weyn looga
dareemayo Gudaha Magaaladaasi khashin ciida ka badan isla marka ana,
halis Caafimaad khatar u ah iyadoo, aanay sideedaba ku fileyn adeega
lagu daabulo khashinka oo ah Hal baabuur oo kaliya, taas oo ay
Magaaladaasi khashinkeedu aad uga xajmi badan yihiin, hadana si weyn
ayaa loo dareemayaa qeylo dhaanta Caafimaad ee Howl wadeenada
Caafimaadka Tog-Wajaale xiligan ka bixiyeen Xaalada Fayo dhowrka
Degmadaasi.
Timacade News Desk
Tog-Wajaale,Somaliland
|