OGaysiis: Naadiga Akhriska Timacadde iyo Bandhiga Buuga Diiwaanka Qosolka.

 

 


Naadiga Akhriska Timacadde {Timacadde Readers Club (TRC) waxa uu ku Marti qaadayaa Dhamaan Bahwaynta akhriska Jecel In uu Naadigu kuu soo Bandhigi Doono Buugoodii Seddexaad Habeenka Jimcuhu soo galayo ee ay Taariikhdu tahay 01/04/010.


waa Buugga Caanka noqday ee uu qoray Aqoonyahanka Caanka ah ee Jamaal Cali Xuseen, ee  Ma gaciisu yahay Diiwaanka Qosolka, oo ay ku dheehantahay Murti, iyo Madadaalo, Xiiso Gaara leh,
waxaa soo Akhriyay isla markaana Soo naqdiyay Xubin ka mid ah Naadiga Akhriska ee Timacadde Mr.Axmed Sh.Nuur Ducaale (Ahmed Biito) oo Cawayskaasi inoo daadihin doono Bandhiga Buuga.


Taariikhdu: 01/04/010.
Wakhtiga: 7:00 PM fiidnimo
Goobta: Gabiley

Timacadde Readers Club (TRC) waxa uu dhiiri galinayaa Cid kasta oo jecel inay Wax akhrido, wax Qorto, Suugaan diyaariso, Buug Soo bandhigto, kana Qayb qaadato wacyi galinta Dhalinyarada iyo Dhaqanka Suuban



Ka soo Qayb Galkaagu Waa Muhiim.



 



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
TRC Coordinator
timacaddereaders@hotmail.com
Gabiley/Somaliland