WAR-SAXAAFADEED

 

Rashid Nur Gaaruf
Somaliland Representative in USA

 

Waxa dalka Maraykanka, gaar ahaan nawaaxiga caasimadda Washington D.C. lagu qaban doonaa shir ballaadhan oo dhacaya maalmaha Jimcaha ee bisha May 18-keeda iyo Sabtida 19ka.

Shirkan waxa si wadajir ah u qabanqaabiyey jaaliyadaha Somaliland ee ku nool dalalka Maraykanka iy o Canada iyo xafiiska Wakiilka Somaliland ee Washington DC.

Jaaliyadaha hawshan qayb libaax ka qaatay waxa ka mid ah jaaliyadda Washingon DC iyo nawaaxigee da, jaaliyadaha Connecticut, Ohio, Minnesota, California, Seattle, Indiana, Massachusetts iyo Toronto/ Canada, waxaannu shirkaasi ku qabsoomi doonaa hudheel la yidhaa Hilton oo u dhow garoonka diyaar adaha Dulles Airport ee magaalada Washington.



Shirkani wuxu soconayaa laba maalmood iyo laba habeen, waxaannu u dhacayaa sidan:


Maalinta koowaad ee Jimcaha May 18-keeda 2012, waxa shirka ka qaybgalaya jaaliyadaha reer Somal iland ee ku dhaqan waddamada Maraykanka iyo Canada, dad ka socda dawladda Maraykanka, gaar ah aan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Difaaca, xildhibaanno barlamaanka ka tirsan iyo khu baro Ameerikaan ah oo ku xeel dheer arrimaha Geeska Africa oo khibradooda inala wadaagi doona.

Waxa kaloo ka qaybgelaya shirkaas wefti ka imanaya Somaliland oo isugu jira xukuumadda, barlamaan ka, xisbiyada muxaafidka iyo kuwa mucaaridka ah, ururrada cusub ee siyaasadda iyo xubno ka socda ururrada bulshada rayidka ah, waxana habeennimada 18-ka bisha May ee sannadkan 2012 dhacaysa xaflad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay xafladdaas ka heesi doonaan labada fannaan ee Nimco Yaasiin & Nuur Daalacay iyo fannaaniin  ka le.



Maalinta labaad ee 19ka May (Sabti) waxa shirku bilaabmayaa 9:00 subaxnimo, wuxuuna dhammaana yaa 5:00 galabnimo, waxaannu shirkaasi u qabsoomayaa si la mid ah habkii maalinta 1aad ee furitaan ka (Jimcaha).



Habeenimada May 19-keeda (Sabti) waxa dhacaysa xafladda gebagebada shirkaas caalamiga ah.


Ujeeddada shirkani wuxuu ka turjumayaa xaaladda maanta Somaliland marayso oo u baahan midnimo iyo wada-tashiga reer Somaliland, waxana lagu gorfayn doonaa arrimaha siyaasadda, nabadgelyada, caafimaadka, himilada Somaliland, xorriyadda saxaafadda, dimoqraadiyadda iyo sidii dadka Maraykan ka ah u caawin lahaayeen Somaliland, khaasatan xilligan dalka Maraykanku ku jiro doorashada madax weynaha iyo barlamaanka labadaba.

Sidaa awgeed, waxaannu ogeysiinaynaa dhammaan jaaliyadaha Somaliland ee degan Maraykanka, Ca nada iyo Yuruba inay ka soo qaybgalaan shirkaas oo 18-ka iyo 19ka bisha May ee soo socota ka dhici doona caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC.



Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad ka helaysaa website-ka www.somalilandconference.com ama telephonka 703 745 2199 ama emailka registration@somalilandconfrence.com.