“Telesom Waa Horyaalka Is Gaadhsiinta Dalkana Iyagaa Maanta Halkaa
Uu Marayo Soo Gaadhsiiyey” Wasiirka Madaxtooyada-Telesom oo
shaqaalaheeda ku maamuustay Abaal marino

Shirkadda Telesom Oo Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaheeda Guddoonsiisay
Abaal marino
Hargeysa (TNN)-Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa abaalmarino
iskugu jira Shaahahdo sharaf iyo lacag ku maamustay qaar ka mid ah
shaqaalaheeda ka kala shaqeeya Gobolada,Magaalooyinka iyo Tuuliy
oonika dalka dalka. Abaalmarintan oo ah Abaalmarintii Sagaaleeed ee
shirkada Telesom ku maamustay shaqaalaheeda, ayaa waxa xalay
Xafladii lagu bixinayey Abaalmarinahaas lagu qabtay Hotelka Mansoor
ee Magaalada Hargeysa,Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo
agaasimay isla markaana si toos ah loo ga baahinayey guud ahaan
Gobolka ee dalka ayaa waxa ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay
Munaasibada as Wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale,Wasiirka
Qorshaynta Sacad Cali Shire,Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh
Khaliil Cabdillaahi Axmed,Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji
Xasan maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahim Siyaad, Xildhibaano,
Hogaanka sare ee shirkadda Telesom,shaqaalaha aba almarinta la
siinayey iyo Marti sharaf aad u tiro badan.
Sheekh Yuusuf Aadan oo ka mida culimada caanka ah ee reer Somaliland
oo ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa amaan balaadhan u soo
jeediyey shirkada Telesom, waxaanu sheegay inay Shirkadda Tel esom
tahay Shirkad dadka iyo dalkaba wax badan u qabtay waxaanu yidhi
“Shirkadda Telesom waxay dal ka iyo dadka u qabtay waa la ogaa,
inkasta oo ay shaqaalaha wanaajiyaan haddana waxaan leeyahay
shaqaalaha u kordjiya mushaharka oo ogaadaa waayo kuwo xaasas leh
ayaa ku jira”.
Dhanka kalana waxa uu la hadlay shaqaalaha qudhooda waxaanu u soo
jeediyey inay si hufan ula shaqe eyaan shirkadda isla markaana
ogadaan daacadnimada “shaqaalahana waxaan odhan lahaa inaad ogaat
aan in wakhtigiinii laydinka iibsaday waana inaad ILLAAHAY dartiisa
ugu shaqaysaan shirkadda maadaa ma ay shirkaddu indin aamintay”.
Waxa isna halkaa ka hadlay Madaxa shaqaalaha shirkadda Cabdiqaadir
Sahal waxaanu ka waramay dadaalka shaqaalaha iyo sida hufan ee ay
maanta shirkaddu u guranayso mi dhihii ay soo dhaliyeen, waxaanu
sidoo kale sheegay inay shaqaalaha ku soo xushaan kartidooda, aqoont
ooda, dadaalkooda iyo akhlaaqdooda, isaga oo arimahaas ka hadlayana
waxa uu hadalkiisi ku bilaabay “Runtii shaqaalaha Shirkaddu waxay
muujiyeen aqoon,karti iyo amaano, Albaabada shirkadda Telesom cid
walba way u furan yihiin oo waxaanu nidhaanaa yaani cidinka ku qadin
Telesom, qofka aanu doona yno inuu Shirkadda Telesom ka mid noqdo
waxaanu eegna kartidiisa,aqoontiisa, akhlaaqdiisa iyo hab dh
aqankiisa, ugu yaraaa Lix qof oo xafiiskayaga ah ayuu qofkaasi soo
hor fadhiistaa, xitaa haddii uu qofkaa si Imtixaanka ku soo baxo,
dabagal ayaanu ku sameeyna si aanu u ogaano habka uu ula dhaqmo
bulsha da dhexdeeda. Dhanka kale anagu waxaanu xidhiidh la leenahay
Jaamacadaha dalka waxaanan kala shaqaynaa sidii aanu shaqo ugu
abuuri lahayn dhalinyarada ka soo baxday Jaamacadaha dalka”.
Cabdiqaadir Sahal waxa uu
sheegay inay qiimayn ku sameeyaan shaqaalaha sanad kastaba si loo
dhiiri galiyo shaqaalaha shirkaddooda “waxaan caawa (Xalay) ku
faraxsanahay shaqaalaha ugu badan ee aad arkaysaani inay yihiin
kuwii ka yimid goballada kale ee aan Hargeysa ahayn. waxaan
abaal-marino shah aadooyin ah iyo kuwo maaliyadeedba halkan ku
gudoonsiin-doonaa shaqaalihii ugu sareeyey qiimayntii aanu samaynay”
ayuu yidhi Cabdiqaadir Sahal. Madaxa shaqaalaha ee shirkadda Telesom
waxa uu intaa ku daray inay darajooyin kala leeyihiin shaqaalaha
abaal-marinnada kala duwan la siiyey “kuwa gobalka Hargeysa waa 16
kuwa gobalada kale ka yimidna waa 19. Shaqaalaha Hargeysa waxaan
leeyahay waxaad abaal-marintiina ka eegan doontaan Accounnadii aad
ku lahaydeen Salama Bank Sabtida” ayuu hadalkiisa yidhi Cabdiqaadir
Sahal Madaxa xafiiska shaqaalaha ee shirkadda Telesom.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed) oo ah
gudoomiye ku xigeenka Shirkadda Telesom kana mid ahaa aas
aasayaashii shirkadda Telesom,waxaanu sheegay inay had iyo jeerba ku
dadaalaan inay hoos u eegaan shaqaalaha shiradda oo ah laf-dhabarta
iyo tiirarka ay shirkaddaasi ku taagan tahay Shirkaddu. Waxaanu
yidhi “Maamulka iyo Boodhka Shirkadda Telesom waxay ku dadaalaan
inay shaqaaluhu helaan xaqooda, sababta aanu sidaa ugu yeelaynaa
shaqaalaha waxay tahay inay dareemaan caddaalad, qofku waa inuu
dareemaa inuu si cadaalad ah ku yimid ee aanu qabiil iyo eexasho
kale toona ku iman, annagu ka shirkad ahaan waxaanu leenahay laba
shaqaale oo midi waa dadweynaha midka kale oo mihiimada ugu weyn noo
lihi waa shaqaalahayaga.waxaanu munaasibaddan ugu talo galay in
Shirkadda Telesom tahay mid dhexdhexaad ah oo caddaalad ah dadka
warbaahinta naga daawan doonana waxaanu leenahay shirkaddu waa
shirkaddiinii”. Waxaa isna halkaa ka hadlay Wasiirka Madaxtooyada
Xirsi Cali Xaaji Xasan waxaanu sheegay inay shaqaaluhu yihiin kuwa
laf-dhabarta u ah hormarka Somaliland isla markaana ay ka xukuumad
ahaan dhiiri galinayaan. Dhanka kalana waxa uu sheegay inay
Shirkadda Telesom tahay horyaalka is gaadhsiinta shirkadaha dalka ka
shaqeeya maanta ay dalka halkaa soo gaadhsiiyeen “Telesom waa
horyaalka shirkadaha is gaadhsiinta dalkana iyagaa maanta halkaa uu
marayo soo gaadhsiiyey, sababtoo ah Somalidu waxay tidhaadaa ninkuu
ILLAAHAY xoolo la damcay waxa uu siiyaa dadkeeda, waxaana amaan
balaadhan u soo jeedinaya Shaqaalaha Telesom oo runtii karti iyo
dadaal muujiyey waxaan kale oo aan ku faraxsanay shaqaalahan Telesom
ee caawa (Xalay) halkan lagu abaalmarinayo shaqadii wacnayd ee ay ku
mutaysteen. Dhinaca kale waxaan iyana u hambalyenayaa aniga oo aad
iyo aad ugu han w eyn Maamulka shirkadda ee gartay inay
shaqaalahooda abaal-marin siiyaan”.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Sheekh Aadan Siiro oo ku hadlayey magaca
ganacsatada dalka waxaanu ka hadlay asal ahaan meesha ay Telesom ku
abtirsato taas oo uu sheegay inay ka timid baraarugii islaamiga ahaa
ee dalka ka hana qaaday, waxaanu yidhi “Waxaan ka waramayaa inay
Telesom ka dhalatay baraarugii Islaamiga ahaa ee dalka ka hana
qaaday waxaanan ku faraxsanahay inay ku jiraan dad badan oo aan
aqoon fiican u leeyahay”. Sheekh Aadan Siiro waxa uu sheegay inuu ka
mid yahay dadka aadka ugu dhegan magaca Somaliland-nimda sidaa
daraadeed waxaanu yidhi “Anigu waxaan kamid ahay dadka aadka ugu
adag Somalilanad-nimada markaa waxaan idin leeyahay bal xaggaana
eega, oo Shirkadda balaadhaliya, dhinacna ha ka rarina” Dhanka
kalana waxa uu ganacsatada ku booriyey inay canshuuraha bixyaan si
dalka looga gargaaro marxaladdan aan ku jiro ee shaqo la’aanta ah”.
Ugu danbeyntiina waxa Munaasibada ka hadlay Wasiirka Qorsheynta
Qaranka Sacad Calli Shire, oo she egay inay shirkada Telesom ay
tahay shirkad horumarka dalka qeyb weyn kaga jirta, waxaanu ku boori
yey inay ilaaliso Shirkaddu xaqa iyo xuquuqda ay Shaqaaluhu ku
leeyihiin, waxaanu yidhi “Shirkadda Tel esom, waa Shirkadda qeyb
weyn kaga jirta horumarka dalka, maxa yeelay cashuuraha si wanaagsan
ayey u bixisa, sanadkii ugu danbeyeyna wey iska bixisay Cashuurtii,
dalka qeyb weyn ayey kaga jirta, waxaana ku aamaanay uguna
mahadnaqaya dhiirigalintaas balaadhan ee ay shaqaalaha u shaqeeya ay
u sameeynayso, waxaana ugu baaqaya oo aan ku boorinay inay dadaalka
halkaas ka sii wado, hoosna u eegto shaqaalaheeda” Ugu danbeyntiina
Wasiirka Qoreynta ayaa abaalmarinhii kala duwan ee ay ku guuleysteen
Shaqaalaha Telesom gudoonsiiyey.
source:togaherer
|