Taliyaha Hore ayaa ka hadlay in Erigiisa ama Bedelkiisaba ay ka danbaysay Arrintii Galbeedka ka dhacday,Genaral Nuux Taani Ismaaciil

 

 

Gen. Nuux Taani


Hargeysa,17 December 2011 (TNN)-Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somalila nd, Gen. Nuux Taani , ayaa maanta xaflada xil wareejinta Taliyaha Cusub uu xilka ugu Wareeji nayay Khudbad Dheer ka jeediyey kaga Warbixiyey Xaaladihii iyo maraaxilkii uu soo maray Cii danka Qaranka iyo waxqabadkii uu sameeyey intii uu xilka hayay.

Taliyaha hore ayaa ka hadlay in rrigiisa ama bedelkiisaba ay ka danbaysay arrintii Galbeedka ka dhacday .

Gen. Nuux ayaa sheegay in ay tahay in xaalada Galbeedka la xalilo ,oo wax laga qabto dadka na run loo kala sheego ,dadka walaalaha ahna ha la heshiisiiyo..



Gen. Nuux , ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey ereyo ka mid ah Gabaygii Alle ha u naxariis tee Gabayaagii Salaan Carabay.. Waxba yaanu xeer kay imarin, Xoolana i siinne, Xaasha nin lib in kaa xisdiyey , Xumihii waa yaab….
 

 

 


 

Source:TH