Taliye Maxamed Faarax Taariikhda Gabiley ayaa Xusi Doonta

 

 

Aduunyadda nin nooloow maxaa aragti kuu laaban, Somalidu waxay tidhaahdaa," Ilayn talo iskuma kaa sheegto,"  taladu waxaa la yidhi ,"waa mar aad gaadhi waydo,  iyo mar aad garan waydo."


Aan u soo daadago ujeedada maqaalkaygan, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley General  Ma xamed Faarax Nuur ,oo ahaa Rukun ka mid ah Tiirarka Nabad Galyadda Dalka Somaliland, ka mid aha ana Mujaahidiintii Dhigooda u soo huray Dalkan , aynu maanta dushiisa ku naaloonayno ,ayaa waxa la sheegayaa in laga baddelay Gabiley oo loo badalay Gobolka Sool.



In Qof meel haysta la badalaa ceeb maaha,  balse Qofku meesha uu wax ka dhigo , ayuunbaa wax noqota, Maxamed Faarax, waxa uu ka midho dhaliyay Hamigiisa ahaa inuu isku xidho bulshadda  Go bolka, Nabad galyona ka dhaliyo ,iyada oo mudadii dhawrka Sanadood ahayd ee uu joogay ,aanay jirin wax cabasho ah oo ka dhacay Gobolka.


Taliye Maxamed Faarax , waxa Xilal kala duwan ka soo qabtay Ciidanka Booliska , Ciidanka Nabad Gal yadda Wadooyinka iyo meelo kale oo badan.


Taliye Maxamed Faarax,  waxa uu ahaa Nin ay Gabiley u baahantahay , balse muu ahayn nin Gabiley isagu u baahan, qofka waxaa la qiimeeyaa sumacadda iyo karaamadda uu bulshadiisa ku dhex leey ahay.


Waxaa ugu yar oo aan la ilaawi Karin , kaalintii dhalinyaradda iyo Sportska ay kaga jireen, Maxamed Faarax iyo Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Maxamed Xabiib , oo ahaa runtii rag dhalinyarta d hiiri galiyay,  aadna u jecel nabad galyadda iyo isku xidhka bulshadda walaalaha ah.



General Maxamed Faarax Nuur ,waa Halyay , ka soo dhalaalay goob kasta oo loo baddalo horumar la taaban karona ka sameeyay, waad ogaydeen wakhtigii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Nabad galyad da Wadoonka Somaliland, qaabkii wanaagsanaa ee uu u dhisya ciidanka Traffic Boliska.



Guntii iyo gabo gabadii , Gabiley Kulmiye wuu uga daray Taariikh ahaana marna Dadka Gabiley illaawi maayaan Badhasaabkii hore ee Xabiib iyo Taliye Maxamed Faarax ,oo laga badalay Gobolka Gabiley, waana xaqiiq inaanu Kulmiye,  keenayn Gabiley Rag noocaas oo kale ah oo kartidooda Taariikhdu Qo rto.

 

 

 

 

 

Maxamed Yuusuf Aw Axmed
Wajaale  Somaliland