Taliska Ciidamada Qaranka Iyo Asluubta Oo Qado Sharaf Ku Qaabilay Moh Farah


 


Hargeysa (TNN)-Cidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland, Taliye Xigeenka Asluubta, iyo saraakaiil ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland, a yaa maanta qado sharaf ugu sameeyay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa orod yaha nka caanka ah ee Moh Farah.

Taliyahaciidanka qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo ugu horeyan halkaasi hadal koo b an ka jeediyay ayaa wuxuu yidhi “Waxaa sharaf noo ah inkasta oo uu ciyaartoyga Moh Fa arax ku ciyaaraayay magaca Dawlada Ingriiska, hadana waxa uu Maxamed u dhashaya Som aliland, taasina shacbiga Somaliland sharaf bay u tahay. Waxaa hore u jiray nin kale oo reer Somaliland ahaa oo orodyahan ah, waxaanu ahaa Cabdi Bile Cabdi, adiguna waxaad tahay n inkii labaad ee orodada ku soo baxa , Aniga oo ku hadlaaya magaca ciidamada Qaranka ee k ala duwan waxaan halkan kaaga soo jeedinayaa hanbalyo ,waxaa kale oo aanu kuugu duca ynayaa in orodada danbe ee aad gasho ILLAAHAY kuu fududeeyo oo aad noqoto ninka ku guulaysta.”

“Marhadii aad adigu noqotay ciyaartoy heer caalami ah waxaa lagaaga baahan yahay in aad wallaalahaaga reer Somaliland ee aan fursadaa helin aad uga faa’iidayso khibradaada iyo w aayo aragnimada aad u leedahay orodada, si ay iyaguna meeqaam sare uga gaadhaan orod ada.” Ayuu hadalkiisi ku soo gabagabeeyay taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani.

Mr. Moh Faarax oo isaguna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa ciidamada Qaranka ee kala duwan ee maanta Xafladan ii sameeyay aadna way ii raali galisay sida aan kala hadhka lahayn ee la ii soo Dhaweeyay, waana dalkaygii Hooyo wal igayna ilaabimaayo sida la ii soo dhaweeyay. Anigu waligay ilaabi maayo dalkayga iyo dadka yga, wixii aan tari karana waan tari-doonaa.”

Source:Somaliland.org