TACSI GEERIDA MARXUUMAD HOOYO HIBO SOOFE Inaalilaah wa innaa ileyhi raajicuun

Anigoo ka wakiil ah reer Cabdi Carwo iyo xaaskeyga Amaal Cumar Carte, w axaan tacsi u diryaa Reer Calisalaan Axmed Daad iyo Reer Soofe geerida ku timid Hooyo Hibo Soofe oo shalay ku geeriyootay magaaladan Cardiff.

Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa tafiirteeda joogta Cardiff ee ay  hor moodka u yihiin Eid Calisalaan, Xasan Calisalaan, Cabdikarim, Mahad, iyo  Ro oda Calisalaan, tafeertooda iyo tafiirta marxuumadda meel kasta ooy  jooga anba. Sidoo kale waxaan tacsideynayaa ehelka kale ee marxuumada, duriy adooda, asxaab, qaraabada, xigto iyo xigaal meel kasta ooy joogaanba, waxaan leeyahay samir iyo iimaan.

Hooyo Hibo, waxay u jiiftay xanuun ayna ka kicin oo muddo dheer hayey. W axay ahayd ruux adkeysi badan oo wajigeeda farxad iyo soo-dhoweyn ku salaami jirtay cid kasta oo soo siyaarata. oon tasbiix iyo duco afka ka  qaa din. Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu dhibta soo martay iyo  samirke eda ugu deeqo naxariistiisa oo uu ka yeelo kuwa uu ku manaysto Janatul fardows. Waxaan si gaar ah ugu ducaynayaa Inanteeda Rooda oo  muddad aas xanaano iyo adkeysi u lahayd xanuunka marxuumada oon habeen iyo maalin ka daalin xanaano joogta ah. ILLAAHAY waxaan uga baryayaa inuu samirka iyo kheyrka ay hooyo Hibo u fidiyeen ubadkeedu uu ka abaal mariyo if iyo aakhiraba. Aamiin.
 

 



Ahmed Arwo

Cardiff, U.K
07961 600 896
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com