WAR-SAXAAFADEED

 


 

Taariikh:9 January 2012



Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u diray aa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyad aynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM AADAN MAXAMED MIRE (WAQAF) oo ku geeriyooday Dalka Maleysiya, xilal kala duwana ka soo qabtay Dalka JSL, markii ugu dan baysayna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Xisbiga UCID.


Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka wa raabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 


Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.