Taariikkda ILbaxnimada
Iskudhafka beeraha iyo xoolaha ee gobalka Gabiley iyo sidii looga
tabaysan lahaa cunto yarida dalka ka jirta
 
Deegaanka
Gabiley waxa muddo imika laga joogo qarni ka dhalatay ilbaxnimo mug
balla aran oo ku salaysan habka iskudhafka beeraha iyo xoolaha. Hab
nololeedkan waxa sam eeyey culumodiin reer Gabileya oo diinta
iyo falsafada ku soo bartey magaalada Herar ee imika dhacda bariga
dalka Itoobiya.
Herar oo ah magaalada afraad ee ugu barakeysan Islaamka. Herar waxay
saldhig u ah aan jirtey culumodiin ku taxan Dariiqada
Suufiyada oo Ilaahay cilmi ku manayste y.Dad muslina oo
qaaradaha dunida oo dhan ka kala yimid ayaa u soo aqoon raadsi iman
jiray. Culumodiinka macalimiinta ahayd ee dadka waxbari jirtey waxay
u badna ayeen Soomaali.
Soomaalidii dadka kale ee dunidu
usoo cilmi doonan jireen waatan imika Wahaabiyaha la gu soo
hurgufay ee ay noqotay, Foodsaar dabasaar loo celi. Geyiga Soomalidu
degt an waxa meelkasta jooga qaar sheekhyo sheeganaya oo Wahaabiyaa
oo ama xabad la ord aya ama dadkii dhego barjeeyey. Dalalka
shisheeye ee dhulka Soomaalida ku fidiya Wa haabiyaha
waxay doonayaan in ay dadka ka leexiyaan sidii fiicneyd ee aynu
waligeenba dhaqmi jirney diinteena suuban ee Islaamka iyo inay
cidhib tiraan dhaqankeen hodan kaa. Dalalkaas
ujeedadoodu waxa weeyi oo ay doonayaan in ay Sooma lida
dadnimo gu uriyaan, oo ay Soomaalidu noqoto Duurjoog muuqaalka
dadka leh.
Intaana dadka aan Xog badan ka heyn Herar ayaan u yara dulmarayey
taariikhdee da aan usoo noqdo dulucda qoraalkeyga. Culumadaa reer
Gabiley ee wax ku soo bar atey Herar waxay arkeen in reer
guuraanimadu caqabad ku tahay horumar bulsho oo la gaa dho.
Culumadii iyo Beeldaajiyaashii reeruhu waxay isku afgarteen in dadka
lagu guubaa biyo faa,iidada beeruhu u leeyihiin nolosha
aadamaha.
Gabiley waxa muddo kooban ka hirgalay isbedel bulsho oo weyn.
Dadweynihii waxay ka digo rogteen reer guuraanimadii, waxay noqdeen
dad deegameysan oo ku dhaq ma ha bka iskudhafka beeraha
iyo xoolaha. Habkani si fudud ayuu Gabiley uga hanaq aaday oo
waxay dadkii aqoon ballaran u yeesheen beeraha iyo sida beeraha Loda
loogu dhaqo.
Culumadii iyo Hogaamiyaashii dhaqmeedkii kale ee xiliyadaa reer
Gabiley u talinayey wa xay sameeyeen mabda loo yaqaano Guuska.
Guusku waa mabda iskaashi oo bulsh adu maskax, muruq iyo
maalba meel iskugu geynayso. Nidaamkan Guusku wuxuu xeer ka
dhi gayaa in dadka intii aag ku wada noolba in maalinba qoys beerta
loo qodo, sid oo kalena marka dalagu bislaado caanomaalba reer
beerta loo jaro.
Habkan Guusku wuxuu bulshadii degaanka Gabiley u fududeeyey inay
muddo yar isku fil aansho cunto ku gaadhaan. Taana waxa
tusaale u ah, dagaalweynihii labaad ee aduun ka waxa
Somaliland ka dhacdey abaar xun oo xoolihii ledeen. Gumeystihii
Ingiriisku wux uu sheegay in dadka ku nool Somaliland inay
qarka u saaran yihiin inay macaluul u madh aan. Nasiib
wanaagse soortii beeraha Gabiley ka soo goday ayaa dadka Soma
liland iyo soomaalida bariga Itoobiyaba ka badbaadisay masiibo cunto
la,aaneed oo k u habsata. Gumeystihii Ingiriisku wuxuu qeyb ka
mida amadkii beeraha Gabiley ka soo go,ay u qaad ay
ciidankiisii Cadan deganaa.
Gabiley isku filaanshahaa cunto ee ay gaadhay xiligaa waxay werwer
iyo walaac ku rid ay gumeystihii Ingiriiska. Gumeystuhu wuxuu
ka cabsanayey inuu habkani dalkoo dhan ku faafo oo dadku ku
tiirsanaadaan cunto dalkooda ka baxda. Dadkuna markay fahmaan
dheefta dhulka inuu dareen wadaniyii ku abuurmo, oo aanu rubiyadihii
uu jiilaalka afmiis haarka siinayey anu ku kala qeybin doonin.
Gumeystihii Ingiriisku wuxuu bilaabay qorshayaal uu ku curyaaminayo
soorta dalka ka baxda. Ingiriiskii wuxuu lacag siiyey ganacsatadii
Hindida iyo Carabta ahayd ee dalko o dhan ku baahsaneyd, si ay
dalka bariis jaban u keenaan. Ingiriiskuna wuxuu bariis kaa
ugu talagalay inuu ku suuq tiro cuntada dalka laga beero.
Caalimiintii iyo Beeldaajishaashii reer Gabiley markay ogaadeen
shirqoolka gumeystu hu ku suuq tirayo waxsoosaarka dalka,
waxay dadweynihii ku sii dhiiri galiyeen inay sii xoojiyaan
waxsoosaarkooda oo aanay hagardaamada gumeystuhu xagal daacin.
Dhulkii culumadu calaamadeysay inay biyuhu dhow yihiin , waxa laga
qoday ceelal kh udaarta lagu waraabiyo. Waxa kale oo soo
kordhay habka loda bustaanada loogu xanaaneeyo.
Nolosha beeruhu waxay keentay inay deegaanka Gabiley ka sameysmaan
goobo bad an oo diinta lagu barto. Gabiley waxa kale oo ay
noqotay xarun dhaqan, waxa xooge ystay maansadii waxa soo
kordhay heeso hawleedyo xaga beeraha ku saabsan. Gab iley
wa xay noqotay meel ay ku soo biyo shubteen ciyaarihii hidaha iyo
dhaqanka soo maliyeed intoodii badneyd. Ciyaaraha hidaha iyo
dhaqankuna waa aasaaska dhaqan, halka laga ogaankaro faca iyo
taariikhdii hore ee Soomaalida.
Gobanimada markii la helay 1960kii, Gabiley waxsoosaarkeeda cunto
wuxuu ahaa mid ka badan oo loo iibgeyn jiray ilaa Jabuuti.
Hadhuudhka iyo arabikhida beeraha Gabiley ka baxaa wuxuu ka badnaa
inta beeraha gobalada Jubada hoose iyo Baay oo laysku daro ka soo
go,da. Beeraleyda koonfurta soomaliya waxa ugu wacneyd in wax
soo s aark oodu hooseeyo gacanta ayey wax ku qodan jireen, ee may
aqoon habka Dibiya da loogu adeegsado waxbeerida. Wasaaradii
beeraha ee Soomaliya waatii markii dan be shaqaaleysatey rag
ka tirsan beeraleyda deegaanka Gabiley ,oo xirfada Dibiyada loogu
adeegsado waxbeerashada ku tababara Iskaashotooyinkii beeraleyda
koonfu rta.
Waxa Waxyaabihii la beeri jiray lagu daray Jaadka. Qaadka sababta
loo beeray wax ay ahayd in la joojiyo lacagta adag ee maalin
walba Itoobiya tageysa.Reer Gabileyna wax ay doonayeen inay ka
helaan hanti culus oo ay waxsoosaarkooda beeraha ku horoma
riyaan.
Taliskii Siyaad Barre wuxuu u arkay dhaqaalaha weyn ee Gabiley ka
tisqaaday mid ha lis ku ah maamulkiisii kaligii talisnimada ku
dhisnaa. Dowlaldii Siyaad Barrena waxay madnu u cday Qaadkii,
si ay dhaqaalaha dadweynaha u curyaamiso.
Hadaba dunida waxa soo wajahay cunto yaraantii eu xumeyd ee waligeed
soo marta. Dalalka dunida oo dhani waxay wadaan olololayaal
ballaaran oo ay kor ugu qaadaya an waxsoosaarkooda beeraha.
Dalal badan ayaa joojiyey cuntada dalkooda ka baxda inay dibada u
iibgeeyaan.
Dalalka Carabta ee saliida dhoofiya iyo kuwo kale o badaniba waa
kuwa dalal ay suuda an ka mid tahay lacag ku sixraya, ee dadka
beerahoogii ka qaadanaya. Dadkii dhul kaa lahaana ay
noqonayaan kuwo dhaxal wareegay oo shisheeye geyigoodii qaatay.
Dadka somaliland waa bulshada kaliya ee ka dhegola halistaa dunidoo
dhani ka tabay sanayso.Wali dalka laguma qaban shirweyne
kaliya oo laga hadlayo sidii wax soo sa arka beeraha kor
loogu qaadi lahaa. dadka Somaliland waxay u muuqdaan kuwo bara
arugu doona, markay xeedho iyo fandhaal kala dhacaan.
Saddexda xisbi ee doonaya iney hoggaanka dalka u tartamaan. Waxa
leydinka doona yaa inaad keentaan oo aad dadka u soo
bandhigtaan qorshayaal waxa laga qabana yo baahida cunto ee
dalka jirta. Saddexdan xisbi ee dalka ka jiraw hadaan u haysat
aan kaalmo cunto oo dadka hagar tiraysa galaamadan WFP ujeeda u
keento, arrinkii nu mar kaa waa Doqoni hoosiis bay hadh moodaa.
Sannadkasta dalka waxa ka dhacda abaar, taas oo sababta in cunto
la,aani dadka s oo foodsaarto. Ilaahay markuu roobka ina siiyo
kama tashano sidii ayniu jiilaalka dan be uga gaashaaman
laheyn.. Hadaba dhibaatada dalka jirta waxa laga bixi karaa
Isk aashi iyo inagoo isku haleyn cidkale oo wax inoo qabata. Haani
gunbay ka tolantaaye , ee waa in beelaha reer guuraagii qoys qoys u
qaybsadaan dhulkooda xoolo daaqs inkaa si xaq soora.
Xooluhu marka la deegaameeyo weey ka manfac badnaa doonaa, dadkuna
waxay noqon kuwo isku filan oo ku tiirsan cuntada beerahooga ka
baxda.
Beelkastaa haday tolfiiq yeelato oo ay dhexdeeda is kaalmayso
horumar bay si fudud u gaadheysaa. Tolka macnihiisuna waa dad dhib
iyo dheef wadaaga. Tolku wuxuu ah aan jiry dad is taakuleeya
oo qoyska xooluhu ha gudhan yihiin xoolo maala la siiyo, kaan
xoo la heysana loo mijin qabto oo la xooleeyo. Qabyaaladan xinka iyo
xiqdiga ree rkale loo qabo oo kaliya tolka loo yahay, waxa
laga dhaxley siyaasadii gumeystaha ee qaybi oo xukunta ku dhisneyd.
Beeluhu hadii siday asal ahaan jireen loo noqdo waxay dadka u
horseedi doonaa hor umar iyo wanaag. Beelkastaana haday
qofkasta oo baahagala ka qaado qaadhaan joo gto ah sanadkii,
waxay helaysaa miisaaniyad sanadeed. Hantidaana Reerkastaa wuxuu ku
horumarin waxsoosaarkooda cunto iyo adeegyada bulshada ee kale.
Dal iyo dadtoona ma yeeshaan cudud dhaqaale ilaa ay waxsoosaarka
beerahooga k or u qaadaan. England iyo Faransiisku markay
horumar ka gaadheen beeraha waatii keen tay kacaankii
warshadaha. Dalalkan koonfur Aasiya markay xoojiyeen
waxsoosaarka b eerahooga waakan dhaqaalahoogu sanadkasta sii
xoogaysanayo.
Ugu danbeyntii, Somaliland waxaynu u baahanay in dheelalowga laga
baxo oo dadweyn aha iyo xisbiyada siyaasadaba la wada
arrinsado. Dadweyne iyo dawladba hadii lays ka ashado waa laga
baxayaa dhibaatadan cunto la,aaneed ee dalka ka taagan, umana
baa hnaan doono gacmo hoorsi shisheeye.
Mukhtaar Ibraahin
Fadan
gabilay8@yahoo.com |
|