Taariikhda Waxbarasho ee gobolka Togdheer

 

Sida aynu kawada dharagsannahay dalkeenani Somaliland waxaa soo maray burbur balaadhan oo ay u gaysteen xukuumadii kaligeed taliska ahayd ee Siyaad barre, waxaa guud ahaan baaba’ay dha maan xarumihii caafimaadka waxbarashada, waxaana xusid mudan in taliskaasi weerarro dhina cirka iyo lugtaba kula kacay dadkii rayidk ahaa ee ku dhaqnaa dalkani Somaliland.

Burburkaa uu gaystay keligii taliye Siyaad barre ayaa waxa uu saameeyay waxbarashadii waxaana uu cagaha u laabay jiil dhan oo uu dhaafiyay da’doodii waxbarashada,hadaynu u soo laabanno  gob olkan Togdheer waxaa dhulka la sinmay dhammaan dhismayaashii gobolka,waxaa kale uu saamayn wayn ku yeeshay dhanka waxbarashada da’ yarta gobolka Togdheer.

Kadib ka bogsashadii dagaalkii uu Siyaad Barre kula jiray shacabka reer Somaliland waxaa dib loo  bil aabay arimihii asaasiga ahaa ee ay u baahnaayeen shacabka reer Somaliland, iyadoo waxbarashada da’ yarta xoogga la saaraayay, waxaana arrintaasi gacan wayn ka gaystay dawladaha reer Yurub oo inoo soo marin jiray caawimooyinka haayadaha Caalamiga ah ee ay kamid ahayd UICEF.

Wakhtigaasi wixii ka danbeeyay waxaa dib u soo kabtay waxbarashada dalkani Somaliland, iyada oo la bilaabay heerka koowaad ee waxbarashada dugsiyada hoose oo ahaa 1 ilaa 4aad, hadaynu u soo laabano heerka waxbarasho ee gobolkan Togdheer waxaa uu isna kala sinnaa gobolada dalka  burb urkii uu u gaystay keligii taliye Maxamed Siyaad Barre, waxaase uu gobolku kadib xornimadii uu ka x oroobay maamulkii madoobaa ee kaligi taliye Siyaad uu maalinba maalinta ka danbaysa kor u sii  kac ay heerkiisa waxbarasho isaga oo maamulka gobolka iyo kan dalkuba ay ku dadaalayeen sidii ay  dal kan waxbarashadiisa uga midho dhalin lahaayeen.

Waxaa si xawliya kor ugu kobcay mudo yar inkasta oo ay jirtay caqabado badan oo soo  foodsaaar ay masuuliyiintii iyo qorayaashii manhajyada ardayda wax loogu dhigayay, waxaana sidaynu kor ku soo xusnay gacan wayn arintaasi ka gaystay wadamada reer Yurub oo kaalmada inoo soo  marinay ay haayadaha Caalamiga ah .

Waxbarashada gobolkan Togdheer waxay kor u kacday in ka badan 95% waxaa kaloo iyana xadi  be lay dugsiyada gaar ka looleeyahay oo aad arkayso dugsiyo badan oo ku yaalla magaalda  daafahee da oo laga dhigto luuqado iyo xirfado intaba, waxaa kaloo iyana kordhay jaamacadaha gobolka halka ay awelki hore gobolku lahaan jiray jaamacadda gobolka oo qudha (University of Burao) waxaad  in ta badan ku arkaysaa hotellada waawayn ee gobolka xaflado si isdaba jooga loogu qabanaayo  kum anaan arday ah oo qalin jabinaysa taasina waxay ku tusaysaa korodhka waxbarashada ee gobolka .


Dowladda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay ku dhawaaqday in ay bilaash ka dhigtay waxbarashada dugsiyada aasaasiga ah ee hoose iyo dhexe, ta asi ayaa ka farxisay balaayiin dad oo kamida Umadda reer Somaliland halka ay qaar kalena ka  naxe en waxaaa arintaasi ku farxay dhamaan umadii laga qaadi jiray laavagta dugsiyada, iyadoo inta  bad an ay ku haysay dhibaato badan , waxaa dhici jirtay in ay waalidku cadho daraadeed ay u qabtaan shaqo kasta oo ka hortimaadda, inkasta oo aanay jirin wax shaqo ah ay qabtaanba hadana waxay inta badan ka fakari jireen sidii ubadkooda aan loogu soo eryi lahayn taas oo ay bad iyo beriba ay u mari jireen, waxayna ogaayeen in uu sugaayo macalin la sugayo (nin la sugayoow adna yaad sugin) dadka iyagu aan ku farxin lacag la’anta ay wasaaraddu ku dhawaaqday waxaa kamid ahaa  macalim iintii ka qaadan jiray ardayda lacagta xad dhaafka ah, taasna waxaa kuu cadaynaysa qayladii aadka u dheerayd ee kasoo yeedhaysay afka macalimiinta iyagoo ay qaar kasooo horjeesteen go’aan kii wasaarada waxbarasha halka ay qaarna ka caajiseen bixinta xiisaskii ay siin jireen ardayda.

Hadaba mar aan la kumay arday kamida ardayda dugsiyada hoose dhexe oo lagu maga caabo  C/ris aaq Maxamed Ismaaciil ayaa waxa uu ii sharraxay qaabka uu dusigoodu shaqeeyo “Waxaan dhigtaa dugsiga hoose iyo dhexe sare ee Shiikh Ibraahin, dugsigayagu waxaa uu kamid yahay dugsiyada ugu ardayda badan, uguna dhismayaasha badan ee gobolka waxaa dugsigayaga ku dhacay isbadel  wa yn, kadib markii wasaaraddu ku dhawaaqday in ay ka daysay ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe fiigii ay ka qaadi jireen macalimiintu waxaana hoos u dhac laga dareemayaa heerka waxbarasho ee dugsiga waxaa ay macalimiintayadu ku dhawaaqeen inay la shirayaan, waxaana aan ku  faraxsann ahay isbadalka uu ku dhawaaqay Maddaxwaynahayagu”.


Dhanka kale waxaan la kulmay qaar kamida maamulayaasha dugsiayada hoose iyo dhexe ee gobolka oo ii sheegay in ay macalimiintu ka cabanaysay dhanka dhaqaalaha oo ay sheegeen in aanay  kaafi nayn noloshooda iyo tan reerkoda.


Wakhtigan waxaa dugsiyada gobolkan Togdheer laga dareemayaa hoos u dhac ku yimid waxbarasha da dugsiyadii ay dawladdu ka daysday fiigii, iyada oo aanay la qabin dugsiyada kale ee gaarka loo leeyahay.
 

 

 

 

 

 

Axmed Hanad Gurey Baqaye
Magaalada Burco – Somaliland
Email:- hanad_baqaye@hotmail.com