Faalo:
Tageero Badnaanta Xisbiga iyo Tayo La’aanta Masuuliyiinta Xisbiga
Kulmiye Ee Sweden
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa
ha ahaato.
Ilaahay wuxuu aduunkan ku abuuray bani’aadam, kuwaas oo uu ilaahay
siiyey ku noolaans haha iyo waliba ku tasarufkiisa, Wuxuu
ilaahay ka dhigay kuwo ka kooban rag iyo dumar waxaa kale oo ay ku
kala duwan yihiin xagga midabka, xaga dhaqanka, luuqadaha, iyo diim
ahaba, laakiinse waxay ka siman yihiin dadka kan adduunka ku nooli
inay arkaan indhahoo du dhagahooduna maqlaan wax kasta oo la
odhan karo waa wanaag amaba way wanaags an yihiin sidoo kale
wax kasta oo la odhan karo waa xumaan amba waa xun yihiin.
Akhristoow waxa in mudo ah si is dabo jog ah dhegahayga uga badatay
kalsooni darada a y tageerayaasha xisbiga Kulmiye Ee wadanka
Sweden ku qabaan masuuliyiinta loo caleemo daaray Hogaanka Xisbiga
ee wadankan.
Wadanka Sweden ayaa lagu Qiyaasa wadanka Labaad ee yurub uu ugu
tageeradaba bad an yahay Xisbaga Kulmiye marka laga yimaado
Wadanka UK oo xarun o ah Tageerayaasha Xisbiga ee Qaradan Yurub
Maanta (Sabti) ayaa waxan Booqasho ku joogay Magaalada Jönköping ee
Caasimada Go bolka Småland Ka dib marki laga soo baxay Salaada
Duhur ayaa nin aanu saxiibo nahay oo ka mid ah Tageeyaasha Xisbiga
Kulmiye oo og in aan ka mid ahay garabka isbedel doonka ah ee
Xisbiga Udub igu khasbay in aan u raaco shir ay kula kulmayaan
Gudida Guud ee xis biga Kulmiye
Isaga oo u arka in manta Xisbiyada iyo Ururada mucaaradku kuwo isku
dan ah hadafkooda koowaadna yahay Isbedel ka dhaca Wadanka iyo
Regime-ka oo laga Xoreeyo wadanka
Waxba yuu hadalku ila durkine waxaanu soo gaadhnay meeshi u ka
dhacayay Kulanka Loo Balansanaa ee Dhex marayay Gudida Cusub ee
Xisbiga Kulmiye ee Wadankan Sweden iyo Xubno iyo Tageerayaal ka mid
ah Jönköping
Gudida waxa Horkacaya Gudoomiya Xisbiga ee wadanka Sweden oo ay ku
lamaan yihiin Xog-hayisa iyo Gud.Dhaqaalaha ee Xisbaga
Waxanu meeshi tagnay shirka oo marka Bilaabmaya oo dadku ay qul
qulayaan madasha lagu qabanayo shir doceedkan
Wax Cabaar ah markaan meeshi fadhino ayaan waxa Bilaabmay Kulanki la
isugu yimi oo aaad moodo mid bila Ajande ah.Waxa markiiba meesha
iiga muuqday dad aad moodo wada Shacab.Waxa in mudo ah igu adkaatay
in aan aqoonsado wejiyada Gudoomiyaha iyo gudida kale.
Si Kastaba ha ahaate waxa halki ka bilaabmay hadal aan lahayn meel
uu ka bilaabmay iyo meel uu ku dhamaanayo midna.Waxa la yidhi “Hadii
meesha aad ka timi aanad aqoon mees ha aad ku socoto ma
Garatid” markiiba waxaan aqoonsaday dadka meesha wada jooga in aanay
is karti dhaamin.Waxa i muuqatay in hogaanku naf-bidaayo
tageerayaasha
Halka tageerayaasho ay u hanqal tagayaan hadalo ama Qudbad ay u
jeediyaan Masuuliyii nta loo balamiyay in ay la kulmayaan
Akhristoow waxa meeshi ku meeraystay hadal aan madax iyo mijo lahayn
Waxaan is waydiyay Toloow Gudida cusub miyaanay weli fadhi baran?
Ma dad siyaasada ku cusub baa?
Ma yihiin Kuwo Awood u leh in ay qabtaan hawsha loo igmaday?
Maw Eegtahay in Xisbigi Kulmiye ee Sweden mid lagu kala Hadaafay?
Markiiba waxa i muuqatay in Awoodi iyo Xidhiidhki ka dhexeeyay
Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye uu Wiiqmay
Hase ahaate waxaan hada u kuur gali doona meesha aya Salaada ka
xidhmi la’dahay
Waxba yaan hadal kugu Daaline waxaa meeshi lagu so kala dareeray
iyadoo kulanki meesha loo tegay aan u muuqan mid lahaa Bar Bilaw iyo
Bar Dhamaad
Waxana Hubaal ah hadii arimuhu sidaa ku si Socdaan in Xisbiga
Kulmiye uu Saqiiro
Waxaan jeclahay In aan Gadaal idiinka Soo Gudbiyo Qormooyin aad u
xiiso badan oo arintan ku taxa-luqa kuna salaysan Xaqiiqda iyo
Meesha sartu Ka Qudhuntay!
Guul iyo Gobanimo
Mahadsanidin Dhamaan
Mohamed Hassan Xaleef
xaleev@hotmail.com
|