Shir Balaadhan oo taageerayaasha xisbiga UDUB ee UK ku qabteen bariga magaalada London
 


London (TNN)- Shirkan oo in muddo ahba lagu soo jiray qanbanqaabadiisa aadna looga  dareem ay abaabulkiisa magalada London iyo guud ahaanba dalkan Ingiriiska

Maanta oo ay bishu ahayd 03/04/10 waxa lagu qabtay bariga magaalada London (East Lond on) gaar ahaan guriga la yidhaahdo Oxford House shir aad u balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ku kulmeen xubnaha iyo tageerayaasha xisbiga talada dalka haya ee Udub.


Shirkan oo in muddo ahba lagu soo jiray qanbanqaabadiisa aadna looga dareemay abaabulkiisa magalada London iyo guud ahaanba dalkan Ingiriiska, Ayaa ugu dambaystii galabta 03/04/10 ka furmay guriga Oxford House ee East London. Dadka ka soo qayb galay oo ka koobnaa  qay baha bulshadu ka koobantahay sida Rag iyo Dumarba, madaxdhaqameedyo, aqoonyahano, culamaa''udiin, dhalinyaro iyo waxgarad kale oo aad u farabadan oo kala yimid dhamaan magaalooyinka xisbigu ka jiro.


Haddaba, markii ay isu soo dhamaadeen ergooyin shirka loogu talo galay ayaa waxa shirkii ku furmay jawi farxad iyo degaanshiiyo aad u saraysa.
shirka udub5


Siciid xasan biixi oo ah gudoomiyaha xisbiga ee London, ah xubin guddiga fulinta UK oo ahaa ninka shirka daadihinayey ayaa ku furay shirka ayaado quraan oo uu akhriyey mid ka mid ah ergooyinka. Kadib waxaa mikrafoonka lagu wareejiyey gudoomiye ku xigeenka xisbiga ee UK Faysal cilmi cali oo ka waramay heerarkii uu soo maray xisbigu iyo waxqabadkii iyo halka uu maanta joogo xisbigu.Dabadeed waxa lagu soo lagu soo dhaweeyey xubno cusub oo ku soo biiray xisbiga kuwaas kasoo digo rogtay xisbiga Kulmiye.

Dr Mohamed Aw Daahir oo ah xoghayaha UK ayaa u mahadnaqay xubnaha cusub kuna soo dhaweeyey xisbiga. intaa ka dib waxaa mikrafoon loo dhiibay ibraahim Salebaan(talaabo) oo si faahfaahsan uga waramay wax qabadkii dawlada dhinacyada kala duwan ee horumarinta bulshada.


Waxa iyaguna goobaabo iyo talooyin soo jeediyey Dr.Cabdiraxmaan Maxamed (Heliyo), Marwo Saado Cabdi iyo Wakiilka Soomaalilaand ee dalka Ireland. Boqor Cismaan (Boqor Buurmadaw) ayaa soo jeejiyey qudbad dheer oo taabanaysay dhinacyo badan. Shirkii waxa xidhey guddoomiyaha oo u mahadnaqay dadkii shirka ka soo qayb galay.





Amaano Allah
Dr. Maxamed Aw Daahir
Xoghayaha UDUB UK