|
Shir Balaadhan Oo
Gudida Iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee Magaalada Toronto Ku
Soo Dhaweeyeen Xildhibaan Cumar Sanwayne
Toronto (TNN)- Gudida iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee
magaalada Toronto ayaa maalintii Sabtidii si weyn shir balaadhan ugu
soo dhaweeyay xildhibaan Cumar Sanweyne oo booqasho khaas ah ku
jooga maagalada Toronto. Xildhibaan Cumar Sanwayne oo ka tirsan
gudida arimaha dibada ee golaha wakilada Somaliland ayaa hada
booqasho bil ah ah ku jooga magaaladan Toron to. Shirkani
wuxuu oo ka dhacay bariga magaalada Toronto ee xaafada Scarborough
halkaas oo ugu horayn ay ku furtay khudbad isugu jirtay mahadnaq soo
dhawayn, gubaabo iyo warbixinba marwo Saynab Yusuf Xaji Adan oo ah
gudoomiyaha xisbiga ee laanta Toronto isla markaana ah xoghayaha
guud ee xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan. Marwo Saynab waxaa ay
si faahf aa hsan uga hadashay doorka iyo mas’uuliyada qurba
joogga reer Somaliland ka saaran qarani mada iyo hana qaadka
dimuqraadiyada ee dalkii hooyo. Marwo Saynab waxay ka warantay in
xisbi ga Kulmiye ku tiirsan yahay kuna dhaqdhaqaaqo kaalmada iyo
tibaruca ay ka helaan taagee rayaashooda qurbejoogga ah halka
ay xisbiga Udub ee talada hayaa ay si sharci darro ah u istic
m aalaan dhaqaalihii qaranka oo iyaga Udub iyo dawladiina ay isku
milmeen. Ugu dambayn marwo Saynab waxay ka codsatay dhamaan
taageerayaashii in guntiga dhiisha la iskaga dhigohawshii olalahana
loo wada diyaar garoobo waxaanay hadalki ku soo dhawaysay xildhibaan
Cumar San wayne.
Xildhibaan Cumar Sanwayne ayaa ugu horayn u mahadnaqay gudidii iyo
taageerayaashi halkaa isugu yimid ugana waramay waxay tahay bal hada
xukuumadu iyo xilka xildhibaanada golaha wakiilada saarani wuxuu
yahay. Xildhibaan Cumar Sanwayne ayaa si faahfaahsan uga waramay in
dawladu ay tahay sedex laamood oo kala ah xeer dejinta ( labada gole
ee wakiilada iyo guur tida), garsoorka (maxkamadaha) iyo
fulinta oo ah madaxweynaha iyo wasiiradiisa. Mudane Cum ar
waxaa uu sheegay sedexda lamood sida uu distoorku qeexayo in ay
yihiin sedex laamood oo isu misaaman si siman awood u wada leh. Md
Cumar waxaa u sheegay in qayb ka mid ah awood ihii laamaha ee
xeer dejinta iyo garsoorkiibba ay laanta fulinto (Madaxtooyada iyo
wasiiradu) ay xoog ku qaadateen. Waxaana uu mudane Cumar tusaale
arintaas uga soo qaatay in madaxtoo yada Somliland ay sanadkii
inna dhaafay ay albaabada u xidhatay golihii sharciga ahaa ee
shaca bku soo doortay. Md Cumar Sanwayne waxaa kale oo kaa waramay
doorashooyinka hadba dib u dhacay iyo xeeladaha ay wado xukuumada
Riyaale ee ah in khalkhal ay galiso geedi socodka dimoqraadiyadeed
si aan doorashooyin dalka uga dhicin.
Ugu dambayn waxaa uu xildhibaanku aad uga waramay dhibaatooyinka ka
jira dalkii oo masuqm aasuqu ka mid yahay, shaqo li’do ka mid
tahay cadaalad xumadu ka mid tahay iyo dhalintii ahayd kariimkii
dalka oo badaha isku biimaynaya. Mudane Cumar waxaa u sheegay in
xukuumada Daahir Riyaale aanay sideedii sanadoodna aanay horena wax
shaqooyin ah ugu samayn dhalinyarada dalka ku shaqo la' imikana aan
la ga rajo qabin in yihiin kuwii shaqooyin abuuri lahaa.
Waxaa ugu damabyntii halkaa ka hadlay Md Ducaale Maxamed Xirsi oo ah
odayaasha magaalada Toronto halkaasna kaga waramay in dalku aad ugu
baahanyahay isbadel siyaasadeed . Md Duc aale Maxamed Xirsi
waxaa uu ka waramay in shacab ahaan aynu ilaashano geedi socodka
dimuq raadiyaadeed taas oo ah furihii ama muftaaxii aqoonsiga
qaranimada jimhuriyada Somaliland. Md Ducaale waxaa uu aad uga digay
khatarta ku xeeran jamhuuriyada Somaliland iyo sidii shacab ahaan la
isakaga kaashan lahaa in dalka laga ilaaliyo cadowyada kala duwan ee
u soo hanqal taa gaya. Md Ducaale waxaa u aad u amaanay
muwaadiniinta reer Somaliland oo nabadooda ka soo shaqaystay walina
si adag u ilaashada , waxaana ku dhiiri galiyay dadweynihii halkaa
isugu yimid inay isbarbar taagaan xaqa iyo dimuqraadiyada si dalkii
ay uga qabsoonto doorashooyin xor oo xalaalii. Waxaana shirkii lagu
soo gabagabeeyay su’aalo loo soo jeediyay md Cumar oo la
xidhiid ha dalkii halkaasna uu si hufan uga jawaabay xildhibaan
Cumar Sanwayne.
Maxamud Lafcanbe
Toronto, Canada
|
|