Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee Tog-wajaale Oo Isku Soo Bax Ballaadhan Sameeyey Iyo Marwada Gudomiyaha Ma gaalada Oo Sheegtay In Ay Ka Baxday Xisbiga Udub

 

Dhoola-tuskan ay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku soo dibad baxeen fagaarahaasi ayaa waxa kala qayb galay Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye

Tog-Wajaale (TNN) -Taageerayasha Xisbiga Mucaaradka Kulmiye ee Degmada Tog-wajaale ayaa w areegoodii sadexaad ee kaltanka Ololaha Doorashada iskugu soo baxay Garoonka kubada cagta ee Tog-wajaale Stadium.

Isku soo baxan ay cududdooda taageero ku muujinayeen taageerayaash Xisbiga Kulmiye ayaa si wayn loo soo agaasimay, laguna soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka .

Dhoola-tuskan ay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku soo dibad baxeen fagaarahaasi ayaa waxa kala qayb galay Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, iyo madaxda xafiiska Xisbiga ee Wajaale.

Waxa ugu horrayn halkaa ka hadlay C/raxmaan Maxamed Xuseen (Shidaar) oo ka tirsan Golaha  d hexe ee Xisbiga Kulmiye oo Dadwaynaha halkaa iskugu yimid uga digay nidaam Cusub oo uu ku  til maamay khaa'inimo ay soo maleegayaan Dawlada iyo Xisbigeeda Udub, isaga oo farta ku fiiqaya  w axa uu yidhi: "Waxaan Dadwaynaha uga digayaa khad cusub oo ay la soo baxday Xukuumadan  fa dhiidka noqotay ee sii gabaabsiga ah, khadkaas oo ah in ay iibsadaan kaadhadhkii Diiwaan galinta ee dhawaantan la qaybiyey, lamana garanayo sababta ay u iibsanayaan, kolay wax uunbay ku  fal ayaan ee ka digtoonaada oo Ilaashada kaadhadhkiina oo ah kii muwaadinimada, Balse aan ahayn oo kaliya kii aad ku codayn lahaydeen. Waxa kale oo suurto gal ah in muwaadinka laga waayo uu ku kasban doono ciqaab". Waxa kale oo uu hadalkiisa ku daray " Dadwaynaha reer Togwajaale  wa xan ku dardaarayaa in ay nabad galyada Ilaashadaan oo ay ta magaaladooda ilaashadaan, maad aama ay xuduud ku yaalaan oo ay tahay magaalo xarun u ah Ganacsiga". ayuu yidhi Shidaar.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xafiiska Xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-wajaale Cumar Maxamed Maxamud (Xoodiye) oo isagu ka waaniyey taageerayaashooda in aanay yeelin sidii ay yeeleen taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Wajaale isku soo baxoodii shalay oo uu ku sheegay in ay shiidayeen Xafiisyadooda ku dhex yaala magaalada, iyo taageerayaasha ay ku yaqaanaan Xisbiga oo uu xusay in iyagana iyaga oo suuqa jooga lagu dhex shiiday. Isaga oo  dar daaraya taageerayaashiisa waxa uu yidhi: "Ha yeelina sidii ay yeeleen shalay Taageerayaasha  Udub ee ay ku dhagax-tuurayeen Xafiisyada iyo taageerayaasha ay iska soo hor-jeedaan".

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Cali Tubeec Axmed oo ka tirsan ganacsatada Magaalada iyo  Oday aasha Deegaanka oo si wayn u taageera Xisbiga Kulmiye oo isagu ku dheeraaday Dayacaada  balla adhan ee ka muuqata Adeegyada Arrimaha Bulshada oo uu xusay in ay hagratay Xukuumadu  Deg madan oo Dakhli fiicani ka soo galo oo Gawsaha uun ka shaqaysiisa, Cabasho kasta oo loo gayn  jir ayna ka dhigi jirtay Hal bacaad lagu lisay. Isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi:- "Waad ogtihiin  Xukuu mada hada jirtaa inay hagratay Magaaladeenan oo baahiyo badan oo Arrimaha bulshada ah oo ku habsaday aanay midna waxba uga tarin, Waad ogtihiin in Biyo la'aanta ina haysata ee ay inagu  ka liftay in aynu isku meel ka wada cabno Eyda magaalada, inaga oo ku dul naala goob wada biyo ah, Waad ogtihiin in Hooyada umusha ahi in aanay haysanin meel ay ku Umusho, oo inta dhakhtarada Hargaysa ama Gabiley lagu sii wado ay isku go'aan, Waad ogtihiin Waxbarasho la'aanta inagu  hab satay, maxay Xukuumadani inala hor iman kartaa maanta ee ay inoo waydiisan kartaa Cod iyo  Ta ageero. Inagoo Toban jeer oo hore u gudbinay cabashadeena iyo baahiyaheena oo mid kaliyana aanay ka soo jawaabin, oo qaylo dhaanteeni ay ka dhigeen hal bacaad lagu lisay. Iskaba daa  jawa abtooda eh ay inoo soo diraan uun kuwo Gawsahooduuni shaqeeyo .

Waxa kale oo iyaduna halkaa ka hadashay Xaawa Aadan oo ah Marwada Guddoomiyaha Degmada Tog-wajaale Qawrax Muuse oo Shaacisay in ay ka baxday Xisbiga Udub oo ay hore u ahaan jirtay, kuna biirtay Xisbiga Kulmiye, iyada oo sheegtay in ay ku raacday Dadwaynaha doonistooda oo ah Isbadal, isla markaana door biday in ay la raadiso waxa Akhyaarteedu raadinayaan. Dantuna ku jirto halka inta badan ee Magaaladu doonayaan. Waxaanay xustay in ay dhib iyo dheefba la  wad aagayso Walaalaheeda reer Tog-wajaale oo ay diidan tahay in ay noqoto Qayrkeed ka hadha.


 


C/risaaq Maxamuud Awdaahir (dhago)
Timacade News Network TNN
abdidhago@hotmail.com
Tog-Wajaale,Somaliland