Shir Balaadhan Oo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ku Yeesheen Toronto

 


Toronto, Canada - Shir balaadhan ayaa maalinti Sabtidii ay isugu  yimaadee n  taageerayaasha xisbiga Kulmiye e magaalada Toronto ee dalka Canada. Ujeeda dooyinka shirkaas ayaa isugu jiray guud ahaan arimo badan oo la  xi dhiidha  xa alada Somaliland iyo gaar  ah aan dar dar galinta hawlaha  xisbi ga ee laanta magaalada Toronto.

Waxaa shirka isku soo duba riday soona qabanqaabiyay gudi sedex xubnood ka koobnaa oo loo xilsaaray hawshatan gudidan oo kala ah
Md Ismaciil  Faar ax  Ib rahim, Md Cilmi Ciise Gaboobe iyo Md  Faa rax Abokor Khayre.Waxaa xubnihii Shirka isugu yimid ugu horayn shirka u furay Md Faarax Abokor  Kh ayre oo ka mid ahaa gudidii  qa banqaabinta shirka kana waramay hawlihii ay soo  qabte en ee loo diray iyo ajandaha ay u soo diyaariyeen shirka  halk aasna  furtaan kii lagu bilaabay aayadaha Qur'aanka EBBE.

Waxaa ugu horayn warbixin kooban oo ku saabsan hawlaha  xisbi ga halkaa ka soo jeediyay Maxamed Beergeel oo ah xubin ka  tirs an golaha dhexe ee  xisbi ga waxaa kale oo khudbad gubaabo   taar ikh iyo waanaba isugu jirta halkaa ka akhriyay Md Ducaale  Maxa med Xirsi.
Marwo Saynab Yusuf Xaji Adan  Qab ile oo ka mid ah  gu dida fulinta ee waqooyiga Maraykan ee  xisbi ga Kulmiye  ay aa ka  w arbixisay dalkii. Marwo Saynab Yusuf Xaji Adan oo dhawaan ka soo  l aabatay dalkii ayaa warbixin dheer halkaa ka soo  jeedi say, warbi xintaas oo  is ugu jirtay xaalada guud ee dalkii hada ku  suganya hay haday ahayd mid  siyaas aded iyo haday ahayd mid bulshaba. Marwo  Sa ynab waxay aad uga hadashay  d hibaatoyinka haysatay  dhaliny arada reer Somaliland ee ah shaqo la'aanta baahday, barnaamij  la 'aanta xukuumada Daahir Rayaale aanay ugu talo galin  dhalinyar ada halkaas oo ay dhalintii dalka rajadoodii noqotay inay badaha  is ku biimeeyaan. Ugu dambayn  mar wo Saynab waxay hadalkeedii ku soo  gabag abaysay in laanta xisbiga ee magaaladan Toronto ay isu diyaariso sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhaqaalaha   xisb iga ee doorasha inagu soo fool leh.

Waxaa ka mid ahaa xubnihii shirka ka hadlay
Md Maxamed  Beer geel,Md  Mus tafe C. Cartan,Dr Maxamed Rabi, Md Ducaale M. Xirsi, Mud Cumar A. K ahin  (Cu mar Case), Marwo Casha X. Qawdhan, Md Cumar Yusuf. Md  Cabdil lahi M.  Salee ban iyo Md Cawil Xaji Cumar.

Waxay dhamaan xubnahaasi ka hadleen xaalada guud ee dalka iyo xaalada  xi sbigaba iyo in dalka looga baahan yahay isbadal  siyaasa deed isla mar  ahaant aasna xisbiga Kulmiye la isla daba taago  taag eero dhaqaale iyo mid  siyaasa deedba. Xubnaha shirka ka soo qayb galay waxay dhamaan isku  raa ceen in la dar dar galiyo lana wada gaadho xubnaha iyo taageerayaasha  xi sbiga ee  laan ta magaalada Toronto. Waxaa kale oo ka mid ahayd xubnihii shirka ka soo  qa yb galay fanaanada wayn ee dalkan caanka ka ah dalkan Canada gaar ahaanna sida wayn looga yaqaano magaladan Toronto Marwo  Shamis Qardajeex oo ka mid ahayd xubnihii gubaabada halkaa ka soo  jeed iyay.

Waxaa ugu dambayn la guda galay ajandaha shirka qaybtii ugu  d ambaysay oo ahayd in gudi lagu doorto. Waxaana shirkaas lagu  do ortay 13 xubnood oo  isu gu jira 6 haween ah iyo 7 rag ah.Waxaanu xubnaha shirka lagu  doort ay idiin  s oo qori doona maalmaha soo socda hadii EBBE ogolaado.
 


 



Kulmiye.org

Toronto, Canada