Taageeradii Xisbiga Kulmiye oo gaadhay halkii ugu sarraysay---Maxaa sabab u ah?

 



 

Dedaalka bulshada reer Somaliland waa mid ay ka siman yihiin shacbi ahaan dhammaan  g obolada Awdal, Maroodijeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Soolba. Waa laga yaabaa in  a khristuhu is weydiiyo, maxaa isu keenay dedaalka dadka iyo taageerada Kulmiye. Si  nab ad gelyo ah, si xor ah, ayaa bulshada reer Somaliland ay u cabbiraan dareenkooda.

Adduunyada marka la qiimaynayo tartanka xisbiyada waxa ku dhaca hadba isbeddel, oo maanta xisbigii taageerada haystay, berrito wuu waayaa. Marka la galo tartankana waa laga badiyaa. Taasoo Xisbigaasi uu dib u xisaabtamo isna weydiiyo---- maxaa keenay  sa luugga.. Taa dhiggeeda waxa ah xisbiga taageerada fiican helay isna waxa uu isweydiiyaa maxaa keenay taageeradaas. Labadaa weydiimood, ayaa xisbi kastaaba ka shidaal  qaat aa, oo haddii uu taageero waayey, waxa uu wax ka bedelaa siyaasaddiisa.

Haddii uu xisbigu dareemo taageero fiican waa uu ku fara adaygaa. Muhiimaddu waxa  we eye, fahamka uu xisbi kastaaba fahmo halka uu taaganyahay. Waxa jirtay xilliyada qaar la soo maray in Xisbiga UDUB uu helay taageeradii ugu heer sarraysay, laakiin aanuu  fah mi sababta keentay taageeradaas. Waxa jirtay xilliyo kale oo xisbiga Kulmiye helay  taage ero fiican, balse aanuu fahmin halka uu ka helay taageerada. Taasina waxa ay  horseed daa in bulshadu ka sii jeesato Xisbiyadaba marka danbe. Xisbiga UCID baan weli fahmin, sababta uu uga heer hooseeyo labada xisbi ee kale. Haddii uu fahmayna weli kuma ay  dh iirran in ay wax ka bedelaan sababta hoos u dhigtay Xisbigaas. Waxa la odhan karaa UCID waa xisbi heli kara kaalinta koowaad, isagoo ka faa'iidaysanaya saluugga labada xisbi ee kale, laakiin waa in marka hore uu UCID gartaa sababta hortaagan.

Yaan qalinku ila taraarine, maxaa maanta keenay taageeradan cirka iyo dhulka ah ee  la gu taageeray KULMIYE. Heerka ay maanta taagantahay taageerada Kulmiye waa heer la odhan karo waa heerkii ugu sarreeyey. Waxa hubaal ah haddii aanuu fahmin Kulmiye taageeradaas, in aanuu ku fara adaygi karin. Erayadii ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda, waxa ay ka mid yihiin sababaha uu taageerada ballaadhan ku helay Kulmiye. Waxa hubaal ah in dhanka kale ee hoggaanka Xisbiga UDUB uu u tafaxaydanayo sidii uu taageeradaas u burburin lahaa. Waxaase muhiim ah, in aan kolba la qaldin  bulsh ada ee ay iyagu doortaan xisbiga ay dooranayaan iyo hoggaanka ay dooranayaan, oo haddii uu dhaami waayi kii ka horreeyey isagana ay bedeli karaan. Waxa ayaan darro ah in bulshada kolba loo abuuro dhalanteed, laakiin sida ay maanta u go'aansadeen in ay taageeraan xisbiga ay doonayaan, ha u go'aansadaan hoggaankooda.

Waa hubaal in uu Kulmiye helay taageero aad u ballaadhan, balse aynu eegno sida uu ka yeelo maamulka maanta jiraa. Ma laga yaabaa in doorashoba dhiciweydo, oo carqalad  ho rleh uu maamulku abuuro. Mase laga yaabaa in sanaaduuqda lagu shubto mase laga  ya abaa......... Ilaahay waxa aynu ka baryaynaa sidii roon. Kollayba anigu qof baan ahay  mu waadin ah, in la bedelo maamul soo taagnaa sannado badan waxa aan u arkaa in ay  tah ay geesinimo iyo ilbaxnimo bulsheed. Waa in aan dadka lagu kala qaybin qabiil, waa in  taa geerada ugu badan uu Kulmiye ka helaa gobolka Awdal, taasaa inoo muujinaysa in ay  bul shadeenu bislaatay oo ay bedeli karto maamulkii ay u aragto in aanuu waxba qabanayn, iyadoon loo eegin qabiil.

Kulmiye hel taageero ee ma xejisan karaa taageeradaas, mise wuu garanwaayi ? Arki  do onnee. Dawladdu ma oggolaan doontaa rabitaanka dadka mise waa ay carqaladayn  doo ntaa? Iyadana arki doonee. Sidii roon Alloow. Bulsho baahan weeyeee.....bashabash iyo barwaaqo Allahayoow na sii aamiin.
 

 

 

Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden