LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO
TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM XASAN MAXAMED CASHUUR- (Xasan Kamas)
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga
Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii,
Asxaabtii marxuum Xasan Maxamed Cahuur, iyo si gaar ah Jaaliyadda
Somaliland ee Cardiff, UK
XASAN MAXAMED CASHUUR waxuu aha oday ka mid ah madaxdhaqameedka
Wales iyo UK guud ahaan, raggi dalkan ku noolaa muddo ka badan 50
sano ee dhidibada u taagay xidhiidhka labada dal ee UK iyo
Somaliland. Waxuu ahaa odayadii kaalmada iyo banaanbaxyada ku
taageeri jiray halgankii SNM
XASAN MAXAMED CASHUUR waxa lagu aasay maanta Cardiff 10/09/2013
Xasan Kamas waxuu ahaa nin afgaaban, cibaado badan, xanta ka xanaaqa,
run sheeg aan ka laaban xaqqa, oon ka dheeraan masjidka iyo meel
kheyr lagu hayo. Nin kaalin weyn kaga jiray bulshada Cardiff.
Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka XASAN MAXAMED CASHUUR, inuu
Jannatul Fardows ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto
iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo samir
iyo duco.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha SL
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga
eci.advisor@gmail.com
|