Suldaanka Guud
ee Beelaha Subeer Awal Sul daan C/rasaaq
Suldaan Cabdillahi Suldaan
Cabdiraxmaan ......
“ Laga
Bilaabo Maanta (26 Oct,09) waxaan u Magacaabay Walaalkay Xasan
Suldaan Cabdillahi Suldaan C/raxmaan in uu sii hayo Xilka Saldanada
Guud ee Subeer Awal Anigana uu Wakiil iga yahay”
Suldaan C/rasaaq Suldaan
Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer
Aw al Suldaan C/rasaaq Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa
maanta x ilkii Suldaanimada si meel ku gaadh ah ugu wareejiyay Xasan
Suldaan Cab dill ahi oo ay Wallaalo yihiin. Xil ku
wareejintan oo ka dhacday Guri uu Dagan ya hay Suldaan
Cabdirasaaq ayaa waxa uu ku macneeyay mar hadii uu yah ay Nin
Qurbo joog ah in uu Xilka sii hayo Nin Dalka gudihiisa ku sugan.
Qoraal dheer oo Maanta Suldaanku u akhriyay Bahda Warbaahinta ayaa
wa xa uu ku sheegay in Culaysyo badan oo dhanka dibadaha ka saarani
aanay u suurto galinaynin in uu halkan sii joogo. Sidoo kale waxa uu
qoraalkaasi ku sharxay Maraaxilkii kala duwanaa ee ay Saladanadu soo
Martay tan iyo Mar kii uu Aabihii geeriyooday Suldaan
Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan. “ Waxa aynu ka wada dheregsanahay
Taariikhdii iyo Maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay
Saladanadani oo ka mid ah kuwa ugu faca wayn leh Saladanada ha
Somaliland. Tan iyo Maalintii la I Caleemo saaray oo ku beegnayd
28-ka Bisha June, Sanadkii 1988, ka dib Geeridii Aabahay Suldaan
Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, waxaan Tallo
Wadareed Beeleed ka dib u ambo baxay Qurbaha si aan u dhammaystirto
waxbarashadaydii sare ee Jaamacad eed. Waxa aan Mudadaa Xilka
u sii wakiishay Labadii Marxuum ee kala ahaa: Suldaan Saxardiid iyo
Suldaan Maxamed, Naxariistii Janno Illaahay Labadood aba ha ka
waraabiyo’e.”
Qoraalkaasi isaga oo sii wada waxa uu Suldaanku ku yidhi oo intaasi
sii raaci yay “ Mar hadii ay Aniga I saaran tahay Caleentii
Saldanada Subeer Awal ha sa ahaatee, aan Muddo dheer ahaa
Qurbo joog, Hawlo iyo Qabyo badanina ay ii taal dibada, waxa lagama
maarmaan noqotay in aan ku laabto Dibada si aan ugu tabaabulshaysto
gudashada Xilkaygii. Mudadaasi aan Maqanahay ayaa waxay keenaysaa “
Vacuum” ama Fooggo. Si aanay Jagadu marnaba u bannaanaan ayaan mar
labaad wada tashi la yeeshay Beelaha Subeer Awal (Guddo iyo Dibadba)
Aniga oo si gaar ah ula sii tashaday Qoyska Tallada ha ya ee Reer
Suldaan si looga sidii loo dabooli lahaa foogadaasi ka imanaysa
Maqnaanshahayga ku meel gaadhka ah.”
Waxa iyaguna halkaasi hadalo kala duwan ka jeediyay Aden Suldaan
Cabdira xmaan Suldaan Diiriye iyo Suldaan Cismaan Xaaji Cali Kooshin,
waxaanay she egeen in ay sidaasi la ogyihiin.
Suldaanka Cusub ee Xilka sii haynaya Suldaan Xasan Suldaan Diiriye
oo isag una halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa guud ahaan
Shacabka Reer Som aliland gaar ahaan Beelaha Subeer Awal ka
codsaday in ay Illaahay uga soo baryaan in uu Illaaahay u fududeeyo
Xilkaasi cusub. Waxaanu halkaasi ka sh eegay in Maanta wixii
ka danbeeya mar hadii uu Suldaan noqday in uu Faraha ka laabtay
Saaxada Siyaasada.
Mustafe Future
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeysa Office
|