Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley,Suldaan Ismaaciil Suldaan Ca bdiraxman,oo hambalyo, bogaadin iyo ducaba u diray Halyeyga Somaliland, Orodyahanka Caalamigaa ee  Mo Faarax

 

 

Hargeysa (TNN)-Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman,oo wareysui gaar ah siiyey Shabakadda Caalamiga ee Timacade News,ayaa isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka guud ahaan  shacabka Gobolka Gabileyba, Hambalyo,bogaadin iyo duco aan la soo koobi karayn u diray Halyey ga Somaliland ,Orodyahanka Caalamiga ah , ee Mo Faarax.

 

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxan,wuxuu ka warramay sida ay dhammaan shacabka Somaliland iyo X umuumada Somalilandba ,ugu diirsadeeen , ugu farxeen ,una soo dhaweeyeen Guusha ballaadhan ee uu ka soo hoyeeyey tartankii Caalamiga ahaa ee lagu qabtay carriga Ingiriiska iyo magaca uu u soo hooye y Dakiisa Hooyo ee Somaliland.

 

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman,wuxuu ugu danabentii  Ilaahay uga baryey inuu Mo Faarax guulo badan soo hooyo, Rabbina u fududeeyo ,kuna garab galo,aamiin.

 



Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland