Hambalyo shacbiga reer Somaliland, Madax weyna ha Cusub,Komishanka Doorashoyinka iyo Ciidanka Qaranka

 

Suldaanka Guud ee Subeer Awal , Suldaan Xasan


Hargeysa (TNN)-Ugu horeyn waxaa mahad leh allaha weyn ee umad islaama inaga dhigay marka xiga shacbiga sharafka badan ee reer somali land ee guusha  mucjis aadka ah ka soo hooyay doorashooyinkii madaxtooyada jsland 2010 komishanka doorashooyinka qaranka oo baal dahaba ka galay taariikhda qarankani Somaliland

Marka xiga ciidamada qaranka jsland ee milatariga iyo janankooda ciidamada  ama anka jsland heeganka buuxa ugu jira ciidooda iyo shacabkooda ilaalinaayayna  am niga guud ee qarankani intaa ka dib shacbi weynaha reer somali land ee carur iyo cirooleba sida xaragada ah uga soo dabaashay maraaxilkii doorashooyinka sland ee sida weyn isku xil saaray inay wanaajiyaan hab socodkii doorashada gebo gebo

Hambalyo iyo duco balaadhan madaxweynaha cusub ee cududa shacabka reer  sl and ku soo baxay mudane axmed maxed maxud siilaanyo iyo ku xigeenkiisa saylici waxaan eebe uga baryayaa inuu eebe guushaa maanta ay soomaliland ugu  dab aal degayso ugu biiriyo guul taa la mida inay mudo gaaban ka soo hooyaan  aqoon sigii dblamaasiyadeed ee dalkani u baahnaa allena ka yeelo xukuumadii horumarka wada tashiga kor u qaadida maqaamka dhaqan dhaqaale siyaasadeed bulsheed adeega guud ee aasaasiga ah kor u qaadaayay jamhuriyadani somali land rajada shacabkana himiladooda oo idil xaqiijinaayay mustaqbalka dhow iyo ka fogba  gu ulna ka soo hooynaayay cadaalada hayadaha garsoor ee qarankan lib weyna ka gaadha la dagaalanka musuq maasuqa hantida umadan xoojinta midnimada  shaca bka, adkaynta nabadgelyada guud daryeelka shaqaalaha dalka casriyeynta  waxb arashada iyo adeegyada caafimaadka sigib tirka baahiyaha reer miyiga oo ah  ma ato iyo daryeelidooda dad iyo duunyoba iyo inuu eebe inooga yeelo xukuumadii  g uul weyn ka gaadha biyo laanta ku baahsan deegaamadeena oo idil kuna xasilisa biyo soo saar ku fidsan gayigeena oo idil allena u fududeeyo samaynta jidadka  mi yi iyo magaaloba isku soo wada xooriyoo xukuumadii qarankani ku liibaano ee guul iyo horumar taariikhi ah sees adag oo dhaxal gala u jeexda himilada shacabku  hiig sanaayo ka midho dhalintiisa lagu badhaadho lagu bogsado cashar weyna u  noqo ta tusaale culus mandaqada geeska iyo caalamkaba allahayoow inoo aqbal aamiin aamiin.

 


Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdi Raxman Suldan Diiriye