Ciidamadda Boliiska oo Xildhibaan Dhugad iyo kooxdiisa ka hor istaagay inay galaan Xarunta Golaha Guurtidda iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo wadahadal u furay

 

Hargaysa(Timacade News)-Ciidamadda Booliiska Somaliland ayaa iyagoo fulinaya amar uu ku simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtiddu ka soo saaray afar xildhibaan oo ku  kac ay anshax daro ka hor istaagay maanta inay xildhibaanadaasi galaan Golaha.

Xildhibaanadan oo uu hogaaminayo guddoomiyihii hore ee Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida ee xil ka qaadistuusu saababtay khilaafka ka taagan Golaha ayaa saaka markii laga hor istaagay ay isku dhaceen Ciidanka Booliiska iyagoo ku dhawaaqaya inay sharci daro tahay go’aanka Golahooda lagaga hor istaagayo balse Ciidanku waxay ku  adkayst een fulinta amarkaasi waxaanay kala eryeen xubnahaasi oo in muddo muran ku dhex maray albaabka hore ee Xarunta Baarlamaanka Somaliland

Hase ahaatee intii ay ishaysteen Xildhibaanadaas iyo askartu waxa soo kala dhexgalay Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida  waxa anu xildhibaanadaas u balan qaaday in arrinta wadahadal lagu dhameeyo waanay ka aq baleen

Wararkii ugu danbeeyay ee la xidhiidhay dhexdhexaadinta uu Suldaanku ka galay  arrint an ayaa la sheegayaa inay socdaan waxaana galabta ay yeesheen fadhi wadajir ah oo ka dhacay Guriga Suldaanka ilaa hadana ma jiro wax go’aan ah oo ka soo baxay

 


Source:Waaheen