Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan ayaa si adag uga hadlay warar Been abuura oo war baahinta qaar lagu baahiyay

 


SUldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan ,oo ka mida Madaxd Dhaqameedka Somaliland ,ayaa ka hadl ay warar been abuura , oo war baahinta qaar ka mid ihi ka faafiyeen,  isagoo ku tilmaamay mid ka bax san anshaxa Saxaafada, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay arimo dhawra, nuqul ka mi d ihina oo soo gaadhay war baahinta ayaa u dhignaa sidan:
 

" Bismilaahi RAXMAAN
  ALXAMDULILAAHI RABICALAMIIN


Walalayaal waxaa qoraalkan igu kalifay in an cadeeyo in aanay waxba ka jirin qoraalo dhawr ah oo S axaafada qaar ka mida ku soo baxay mudooyinkii u danbeeyay , oo layga been abuuray ANIGOO AH SU LDAAN ISMAACIIL SULDAAN CABDIRAXMAAN.

Waxaa baryahan danbe soo baxay dad aan ILAAHAY Ka cabsanayn Aakhiro in la tagayana aan xisaa btaba ku darsan, ay caadaysteen in ay maalin walba been cad oo aan geedna loogu soo gabanayn ay Saxaafada ku fidiyaan, iyagoo cidayd oonaan ka fidiya wax ala waxay doonaan ka sheegaya, iskuna a rka in ay wax wanaagsan oo magac iyo Sharaf ay helayaan,sidii qoladii 'reer Bini Israail ee marka lagu yidhaahdo Arlada Ha fasahaadinina, odhan jiray manihin kuwo wax fasahaadiye ,ee waxaan nahay ku wo wax islaaxiya.


Waxa kale oo iyana wax lalayaabo ah in masuuliyiin Saxaafada qaar ka mida ah ay gacan siiyaan dadk a aan kor ku soo xusay, iyagoo meel kaga dhacaya waajibaadkii ka saarnaa masuuliyada ay hayaan iyo dhawrsanantii mihnada Saxaafada.

Hadaba waxaan masuuliyiinta Saxaafada leeyahay,walaalayaal waxaad tihiin masuuliyiin umada xilka saaran yahay ee bal dib iskugu noqda oo ficilka qaldan ku badala ficil wanaagsan. Qodaladan iyagu ca adaystay waxaan leeyahay ha noqonina reer Bini Israailkii habowsanaa ,wixii hore ee aad ka been ab uurteena madaxdana, waxaa laydiinka fadhiyaa cadaynteeda.

Waayo , way muuqataa in damiirkiinii idinka qaban waayay oo aad ka xishoon waydeen,caadana aad ka dhigateen,ilahayna aad ka biqi wayden , umalayn maayo in aad wax kale ka baqaysaane, sharciga dalka ayaynu ku kala bixiye halaydinka helo cadayteeda.Wixii damiir lehna waxaan leeyahay Ilaahay ka cabsada, oo aakhiradiina ha ku seegina been iyo dhaleecayn.

Markaan intaa dhaafo waxaa dhawr jeer Saxafada qaarkeed lagu faafiyay arimo aniga SULDAAN ISM AACIIL ahaan laygaga been abuurayo.

Waxaana ugu danbaysay maqaal 10,02,2015 kuna soo baxay OODWAYNENEWS Oo uu ku qoran yahay ninka lagu magacabo MUSTAFE SH ABUUBAKAR,Hadaba waxaan cadaynayaa in aan wax alaale wax ka jiraan aanay jirin qoraalkaasi.

A - Arinta Badhasaabka Saraar loo magacaabay , ee uu ka hadlayna , waa mid been abuura,  waayo magacaabista Badhasaabyada , waxaa xaq u leh Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland,Gobolka uu u magacaabayo iyo dhaqaalaha uu siinayaba, Beesha aan odayga u ahay iyo beelaha kale toona wax u yaala maaha ,beeshuna raali bay ku tahay .

B - Arinta Xusbiga Kulmiye ee uu sheegay inay jiraan garabyo kala qaybsan, Xusbiga Kulmiye gudihiis  a, waxaan leeyahay malaha waad garan laadahaye, anigu ma ihi Siyaasi ee waxaan ahay Madax Dhaq ameed ,Kulmiyana wax yar maaha , ee waa Xisbi Qaran , Suldaan baanan u ahay Kulmiye iyo labada Xusbi Qaran ee kalaba

C - Arinta kale ee uu ninkaasi ku dhaleeceeyay maqaalkiisa, waxan leeyahay waa aflagaado iyo cay u u isaguun u badheedhay,  Madaxda Dhaqanka iyo masuuliyiinta kaleba waxay iga mudan yihiin ixtiraa m iyo qadarin ,waxaasina maaha afkayga, waanan ka raali galinayaa, xaalna waan ka siinayaa aflagaa dadaa uu kula dul dhacay," ayuu hadalkiisa kaga baxay suldaan ismaaciil.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland