Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Boqor Muxumed Geele Se ed oo Si Wadajir ah u Cambaareeyay Falka Saaka Ka Dhacay Deegaanka Seemaal ee U Dhexeeya Ceel-bardaale iyo Buqdhada

 

 

 


Gabiley, 5 Dec 2011(TNN)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Boqor Muxumed Geele Seed ayaa si wadajir ah u cambaareeyay falka dilka ah ee habeenkii xalay ahaa ka dhacay Deegaanka Seemaal ee u dhexeeya Ceel-Bardaale iyo Buqdhada waxaanay si adag ugu dhaliileen falkaasi halkaa ka dha cay Xukuumada oo ka gaabisay in ay ka qaado talaabo ay ku kala bogsadaan dadka halkaa isku ha yaa.

Boqorka iyo Suldaanku waxay sidaa ku sheegeen Shir jaraa,id ay goor dhaweyd ku qabteen Huteel ka New-Gabiley ee Magaalada Gabiley, waxaana halkaa si adag ugu dhaliilay Xukuumada Somaliland gaar ahaan Xukuumada Axmed Siilaanyo Boqor Muxumed Geele Seed oo ka mid ah Madaxdhaqamee dka Gabiley, waxaanu farta ku fiiqey in Xukuumada Axmed Siilaanyo ay xooga saartey oo kaliya Kalshaale haseyeeshee, ay in badan dhayalsatey Arimaha ka taagan Ceelbardaale waxaanu sabab uga dhigay in deegaankan cid kastaaba kusoo gaban karto islamrkaana lagu fogaynayo dhawaan nabadii ka dhacady.

"Waxaan leeyahay aad iyo aad ayaan ugu dhaliileynaa Xukuumada Axmed Siilaanyo talaabadii looga baahnaa in ay ka qaadaan Deegaankan waayo mabay dhacdeen in dillaka noocan oo kala ahi kasoo noqnoqdaan maanta cid kastaa kusoo dhex dhuumanaysa si la isugu dilo dadka deegaankaas oo colaad hor lihi ka bilaabmaan sidaa klashaale xooga u saartey umaad saarin Ceel-bardaale ayaan ku leeyahay talaabadii la idiinka baahna aqabta oo Maamul adag ka howlgaliya"Sidaa waxa yidhi Boqor Muxumed Geele Seed oo kamid ah madax-dhaqameedka Gabiley.

Sidoo kalena Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa isaguna Xukuumada ugu baaqey in ay sida ugu dhakhsaha badan uga howl gasho talaabadn falka dilka foosha xun ahi ka dhacay islamarkaana loog a baahan yahay in ay xaqiijiso cidii ka danbaysay falkaasi, waxaanu uga baaqey umada halkaa dega n in ay si qoto dheer u hubiyaan cidii falkaa gaysatay oo aanay ku degdegin , waxa kale oo Suldaank u ku baaqey in la adkeeyo Nabed gelyada, maadama ay suurtagl tahay in dad iyaga isku dilayaa arin tan ka danbeeyeen.

 



Wariye C/raxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
Timacade News Gabiley Office
Email:hiiraan2007@gmail.com