SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
Xasan C. Madar

 

Isdhiib…isdhiib…isdhiib.. waa kaa ereygu, waa ereyga koowaad ee dhegahaagu maqlayaan markaad dhegaysato sheekada dhoofka ee dhallinyarada beryahan… ereyga labaad waa ‘qaxooti’… kuye haddii dacwaddaadu wanaagsanaato waxa laguu aqoonsanayaa qaxooti oo hore ayaad sharciga ka helaysaa…Goormay qaxootinimadu noqotay wax lagu faano?


Ereyga ‘isdhiib’ wuxu ahaan jiray welina dunida ka yahay mid aayo daran. Laba macno ayuu leeyahay iyo laba sababood oo la isku dhiibo. Mid waa in Ilaahay la isku dhiibo oo la micno ah islaamnimo, iyo Alle u hoggaansan. Midna waa in cadow ku  har eereeyey oo aanad ka baxsan karin la isku dhiibo oo markaad gacantiisa gasho siduu doono kaa yeeli karo.

Labadaa midkee buu yahay isdhiibkan casriga ah ee innagu soo biiray markii qurbaha la tegay? Waxay ila tahay inaanu macno saddexaad qaadan karin balse uu labadaa mid uun hoos imanayo.


Qoramadani maaha cilmi baadhis durugsan oo la sameeyey balse ujeeddadeedu waa is-xasuusin iyo in lagu baraarugo, waxna la iska weydiiyo sidii looga gudbi lahaa  waa yaha adage ee inna horyaal.


Weligeedba soomaali way socdaali jirtay, way tacabbiri jirtay, way dhoofi jirtay. Dhoofku wuxu ahaa mid ujeeddo cad leh. Waxa loo dhoofi jiray xoogsi dhaqaale  tara nsi iyo aqoon raadis.

Soomaalidii u horraysay ee dhooftay waxay ahaayeen raggii maraakiibta raaci jiray ee la odhan jiray seaman. Mar kale waxa loo dhoofi jiray Afrikada bari. Dad badan oo halkaa tegay kamay soo noqon oo way degeen. Waxay ku roonaayeen kamay fogayn halkay ka dhoofeen, xidhiidh joogto ahna way la lahaayeen dadkoodii. Waxa xigay  dh oofkii xoogsiga ahaa ee loo tegay dalalka khaliijka Carabta. Halkaasna waa laga soo shaqaysan jiray oo ninku, ragga ayaa u dhoofi jiree, xoolo buuran oo uu guri ka  dhis to, kana guursado, ganacsina ka sameeyo ayuu kala iman jiray.

Hadduu qofku helo wuxu doonayey dib buu u soo noqonayey isagoo wixii uu soo  hel ay dalkiisa gashan jiray. Hadduu ku hungoobo doonistiisa oo filashadiisii waayo  mee sha iskama fadhiyi jirine dib buu u soo noqon jiray.

Maxamed Kaahin Fedhoole oo nin gabyaa ah ayaa cabbiraya sababtuu u dhoofay, wu xuu kala kulmay, iyo wuxuu yeelay markuu filashadiisii waayey.

Markii hore isagoo nolol wanaagsan haysta uun baa taar u baxay, filashadiisu waxay ahayd inuu lacag tuulan soo heli doono. Wuxu gabaygan kaga warramayaa siduu u noolaa, kaalintuu nolosha bulshada kaga jiray iyo sida maruun taar ugu baxay ee uu habeen u go’aansaday inuu xoogsi tago.

 


Taalloolayaal iyo anoo taaggi Siraw jooga

Toomaha Walwaaleed anoo Torog ku maalaaya

Anigoo tusmada reerkayaga talada goynaaya

Taajkiyo garoomaha anoo laygu wada tiirshay

Ayuun baa la ii tumay durbaan taarna ii yimide

Dabadeed tallaabo iyo orod taw ku soo idhiye

 


Wuxu ka warramayaa filashadiisii ahayd inuu lacag tuulan heli doono. Isagoo taa  ma skaxda ku haya ayuu ka soo degay magaalada Cadan ee dalka Yaman oo berigaa  so omaalida woqooyigu tegi jirtay. Durbadiiba waxa kala duwanaaday wuxuu filanayey iyo wuxuu la kulmay.

 


Tammuunkii ku imid meel jinnoo lays tamadinayne

Tawaahida waxaan lahaa fuluus tuulan baad heliye

Tabtaan ku arkay iyo caynkan ay tahay ma moodeyne

 


Wuxu talo u jeedinayaa inta ka dambaysa ee uu dalkii kaga yimid ee uu filayo in  sidi isa oo kale ay halkan ku soo hammiyeyso. Wuxu u sheegayaa jaadka ay yihiin dadkii uu meesha ugu tegay. Wuxu ka warramayaa rag soddon gu’ joogay oo weli  nolo sha ka fara madhan, raggaas oon halkanna waxba ka taransanayn, halkii ay ka  yima addeen iyo baylahdiina dib ugu noqon waayey.


 



Waxa tuban kun tamar laawe aan tacabna eegayne

Talaatiin gu’ qaar joogay baan toob u xaasiline

Tanna xoogsi kama soo taraan taasna laga waaye

 



Mar kale wuxu ka warramayaa dhibaatada haysataa waxay tahay iyo halka uu ka tallaabsan la’ayahay. Wuxu eedda saarayaa aqoondarrada ka haysata noloshan magaalo ee uu ku soo biiray. Wuxu ka warramayaa sida aqoontii xoolo dhaqasho ee uu lahaa aanay halkan waxba uga tarayn. Markuu dhulkiisa joogay wuxu ahaa nin aqoon badan u leh nolosha uu ku nool yahay oon waxba ku seegganayn. Halkan uu yimidse aqoontaasi ka shaqayn wayday.
 



Mar haddaanan Teeb iyo waraaq Teybal dhiganaynin

Turjubaan afkiisii haddaanan ugu tiraabaynin

Mar haddaanan faaltuu tegiyo turugsi raacaynin



Kol haddanan Tilifoonka iyo taarka qabanaynin

Marse hadduu tabtaa yahay kuwii teedhi seben joogey

Way tala xumaan xoogsigaan tan uga jeedaaye



Tacliin aabahay wuxu i baray tooyad soo godole

Tiska oodda iyo baan iqiin tirada xoolaaye

Intii aan tuldaha baas wad wadey rag iga tooreeye


 


Wuxu istusayaa in sii joogistiisu nacasnimo iyo dadnimo la’aan tahay. Wuxu ku fikirayaa siduu u heli lahaa nooligii uu dib ugu dhoofi lahaa si aanu dhan walba seeg u noqon. Tolkiis iyo dadkii uu yaqaannay buu ka codsanayaa inay taban taabiyaan oo dib u dhoofiyaan:

 


Waxba gabaygu yuu ila tafine waxaan ku taalleeyey

Mugga waan tegaayaa haddaan taabo nooliga e

Tabantaabo gacal baan rabaa tolow ha lay dhoofsho

 


Haddaba waxa weydiintu tahay maxaa iska beddelay habkii loo dhoofi jiray?. Maxaa soo kordhay ee wanaag ah, maxaase la waayey?



Maanta markii la dhoofay ee Yurub iyo Ameerika la tegay waa laga yaabaa qofku  in ta uu meesha ku cusub yahay inuu woxogaa hanti ah dhaqdo oo dalkiisa dib u soo  d histo. Hammigiisa hore waa xoogsi iyo dib u soo noqosho, marka dambese way la sii fogaataa oo siduu xubnaha qoyska kolba mid si tuugo iyo khiyaamo ah ugu sii  kaxay nayo ayaa hawadu jiidataa. Hantidii uu soo dhistay waxba uguma taallo. Kharash  dh eeraad ah buu ku bixiyaa ilaalinteeda.

Ka la qabsan waayaa dib uma soo noqdo. Dabayl raac buu noqdaa, noloshiisuna  wax ay noqotaa mid guul darro ku dhammaata. Waa ta in badan soomaalida haysata. Dhibaatadu in badan waa aqoon darro. Aqoondarradaas ayaa keenaysa in  dhaldhala a lka Yurub la moodo wax la leeyahay oo khayaali lagu noolaado. Dhaldhalaalkaa  aqo ondarradu keentay wuxu qofka aaminsiiyaa inuu hunguri ku nool noqdo, inuu illaawo xaqiiqada dhabta ah ee uu u yimid. Wuxu garan waayaa in ujeeddo hunguriga  dhaaf siisan oo loo nool yahay jirto.

Intooda aqoonta lihi iyagu way dhaamaan balse laftooda wuu ka baaba’aa  ham miga inay aqoontooda dalkooda iyo dadkooda wax ugu taraan. In ka mid ahi dalkii  bay ku laabtaan halkaasna waxay la kulmaan aqoon darro iyo bulsho aqoonta la col ah oo aanay waxba ka beddeli karin. Dib bay halhaleel diyaaradda ugu soo noqdaan. Markaasna waxay ka mid noqdaan bulsho aqooneed ka taariikh duwan oo ay ku  milm aan. Waxay ka xuubsiibtaan dhaqankii iyo mararka qaar diintii. Waxay qaarkood  ful iye u noqdaan ujeeddooyin shisheeye. Iyaga laftoodu qaar nolosha ku xiiqsan bay noqdaan. Hunguri ku nooshii oo jaadka kale ah bay noqdaan. Dano shisheeye inay fuliyaan ayey u taagan yihiin. In badan oo ka badbaaddaa way jiraan, waxase ay ka badin waayaan culayska waayaha ku xeeran.

Kuwii nolosha ku hungoobay waxa qaar ka mid ahi hunguri ka galaa arrimaha  siyaas adda. Hadday woxogaa shilimaad ah healaan dib bay u soo noqdaan oo waxay  gaca nta ku dhigaan odayaal hawl aan toodi ahayn gacanta ku haya. Halkaas bay  siyaasa ddii hoggaankii ummadda gacanta ku dhigaan. Dhanna way u wadi waayaan  ummad dii. Iska daba wareeg baa xaalku ahaadaa oo halkii shalay laga dhaqaaqay baa  maan ta lagu soo noqdaa.

Abwaanku goor kasta iyo goob kasta wuxu u taagan yahay dareenka dadka. Abwaan Ismaaciil Aw Aadan oo ka warramaya sida soomaalidu xilligan ugu jabtay dh oofka wuxu gabaygiisa ‘Dib U dhoofa’ ku leeyahay:

 



Dul ahaanba Soomaalidii debedda soo aadday


Duqaydiyo barbaartuba ku lume degello shaydaane


Dayow iyo wareer baa ku dhacay duulashii tegaye

 



Wuxu
si xanuun leh innoo taabsiinayaa xaalka dhabta ah iyo waayaha ay ku sugan yihiin dad badan oo soomaalidii u dhooftay inay wax soo taransato:


 


Kuman doorsan kumanyaal dibjiray kuman dugaagoobay

Kuman qaad daliigoo sidii adhiga daaqaaya
Iyo kuman khamrigu daashadoo daasad wada haysta

Iyo kuman xashiishadi dishoo wada daroogaysan

*******

In markii lagu wareeray noloshii qurbaha xayndaabkii la weydaartay oo jar laga daatay iyo sida loo dhaqan doorsoomay buu abwaanku dareenkeenna mar kale taabsiinayaa:



Iyo kuman dalooshaday dhegtoo dahab ka laadlaadshay.


Iyo kuman timaha loo daboo dumar la moodaayo


Iyo kuman naftoodana dayacay ehelna doonaynin


Iyo kuman dafiray aabbe iyo hooyadii dihatay
Iyo kuman durriyadday dhaleen dub u xanuuneynin



Wuxu haddana abwaanku inna tusayaa inaan dhibaatadu ku ekayn uun qofka balse ay si aan ka soo kabasho lahayn u taabatay qoyskii oo u kala daadisay iyo mugdiaga aqoondarrada ah ee meelna looga bixi waayey:


*******

Iyo kuman dalaaqoo ka tagay Dahabadii xaaska

Iyo kuman damiinoon fahmayn deriska loo meersho

Iyo kuman aqoon kale ka dama diina garanaynin.

Iyo kuman sidii awr da`furay dacayda laallaadin

*******

In badani inay dhaqankii iyo diintii ka tageen oo ku dayasho shisheeye dan moodeen baa murtida abwaanku innoo soo tebinaysaa:

*******

Iyo kuman ibleys duufsadoo gaal ku dayanaaya

Iyo kuman dalkoodiyo afkiyo diida dhaqankooda

Iyo kuman xil iyo dawlad iyo qaran danayneynin

*******

In badan oo dadkii dhoofay ahi waxay ku mashquuleen ka sheekayn siyaasad aanay waxba ku soo kordhinayn, isku dir, baas abuur iyo qabyaalad:


*******

Iyo kuman siyaasad ku dawakhay dabin u qoolkeeda

Iyo kuman dorraatiyo wax tegay dumin ka sheekeeya

Iyo kuman degaankiyo bulshada deyr u kala ooda

Iyo kuman belaayada dab iyo digo ku nooleeya

*******

Halkaa abwaanku kagama hadhine wuxu talo ku soo jeedinayaa oo murtidiisu ku biyo shubmaysaa in la is daba qabto oo dib loogu dhoofo dalkii:

*******

Intaasaa dadkiinnii ku jira debedda dhoobnaaye

Doog raaca geeddiga rarmay oo meella degi waayey

Dib baa looga sheekayn haddaan laga digtoonaanne


Dulli aan Ilaah idinku qaban yaan la daa`imine
Dalkeenniyo dadkeennii qabtoo dib ugu soo dhoofa.


 



Haaa..bal hadda ogow dadka qurbaha tegay ma wada xuma, mana wada xumaan  ka raan. In badani waa qoysas si wanaagsan u nool, in badani waa aqoonyahanno, in  b adanina way shaqaystaan. Dadka dalka jooga ee colaadaha, dhaqaale burburka iyo shaqa la’aantu ku habsadeen waxay ku badbaadeen xoolaha ehelladooda qurba joogga ahi soo diraan. Waa lagu liibaanay xilli baahi badan loo qabay. Walaacu maaha kuwaasi, walaacu waa waxa aayaha soomaalida qurbaha tagtay ku dambayn doono. Ma noqon doonaan kuwo dalkoodii dib ugu soo noqda oo dhaqankii iyo jiritaankii  soo maalinimo badbaadiya mise haba wanaagsanaadeene waxay noqon doonaan kuwo la falgala ummado kale oo nolol iyo duni aan toodii ahayn ku milma?



Sida muuqata kii qurbaha tegay dib u soo noqon maayo, kii ku dhashay hadalkiisa daa, kii joogayna wuu sii socdaa, dhulka Eebbena ma cidloobo oo haddii qolo ka baxdo, qolo cammirta ayaa loo keenaa.

 

 

Xasan C. Madar
nabaadiino@yahoo.com