Dad Somaliland ku nool Dalka Kenya oo ku jaah wareersan as al ahaan halka ay ka soo jeedaan iyagoona baadi goob ugu jira Qabilka ay ka soo Jeedaan (Layaabka Aduunka)




Soomaali ku nool dalkaas Kenya ayaa waxaa la sheegay inay ku jaah wareersan yihiin asal ahaan halka ay ka soo jeedaan iyagoona ay Soomaalidaas baadi goob ugu jiraan sidii ay u ogaan lahaaye en halka ay ka yimaadeen iyo sida ay ku soo gaareen dalkaas Kenya.

Soomaalidaan oo ku nool magaalada Maralal ee gobolka Samburu ee dalkaas Kenya ayaa waxay sh eegeen inkastoo ay noqdeen dad Kenyaati ah inay asal ahaan ka yimaadeen dalka Somaliland, iya goona sheegay inay hayaan cadeeymo sax ah oo sheegaayo inay aabayaashood ay ka soo jeedeen Somaliland maadaama uu xilligii uu Ingiriisku gumeysanaayey Somaliland loo keenay ciidan ahaan dal ka Kenya taasna ay keentay inay iska noqdaan dad Keenyaati ah oo ayna lumiyeen dhalashadoodii saxda ahayd.



 



 

 


Ugu dambeyntiina iyadoo dadkaas Soomaalida ah ay hadda sidaas baadi goob ugu jiraan asal ahaa ntoodii ayaa waxaa la is weydiin karaan mustaqbalka sida ay dadka Soomaaliyeed noqon doonaan kuwaas oo ah kuwo si baaxad leh ugu kala firiray dalalka aduunka iyadoona ay dadka Soomaaliyeed ay burburkii dalkooda ka dib ay u kalyaaceen dalalka aduunka oo dhan taas oo keeni karta dhaqan doorsoomid weyn oo ay ku iloobaan asal ahaantooda, gaar ahaana jiilasha soo socdo ee ku bar baa ro wadamadaas loo soo qaxay.

 

 

 

 

 

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com