Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah ee Somcable oo sheegtay in ay dhawaan bilaabayso adeegyadeeda.

 



waxaanu rajaynayaa inay shirkado kalana nagu dayandoonaan Yuusuf Cabdalla...


Hargaysa(TNN);-Shirkadda SOMCABLE ayaa sheegtay in uu gabagabo marayo rakibaadda qalabkii  d haqaajin lahaa adeegyada shirkada laga sugayey mudada dheer isla dhawaan bilaabayso shaqada isticmaalka adeega casriga ah ee ay bulshada reer Somaliland sida weyn u sugayaan,sidaasina  wax aa cadeeyay madaxa waaxda hormarinta ganacsiga ee Shirkadda Somcable Yuusuf Xuseen Cabdalla oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa.


Madaxa waaxda hor u marinta ee shirkada Somcable waxaa uu faah faahin ka bixiyay qorshaha  dha w ee hawlaha shirkadda iyo halkay wax u marayaan “qorshihii aanu ugu talo galay hawlaha  shirkad du wuu noo dhamaystiranyahay waxa ugu muhiimsan ee aanu maanta doonayno inaan bulshada u shgeegnana waxaa weeye qaabka aanu doonayno inaanu shaqada u bilawno”


Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi “rantii shaqaalayntii iyo in la bilaabo shaqadii mida u muhiimsan ee aanu doonayno in aanu maanta aad uga warano waxa weeyi,habka aanu doonayno in aanu shaqada u gelino dadka oo ah in aanu samayn doono maalin furan oo aanu isugu yeedhi doono dhalinyarta,xooga iyo cid alla cidii shaqayn karta si ay u soo gudbiyaan CV-yadooda ka dibna aanu u bilawno ka dibna aanu u samayn doono imtixaan ku salaysan wixii isku khibrad ah,tababar eyaashii,f arsama yaqaanadii qof walba si uu u helo shaqaduu doonayo iyo ta uu ku fiican yahay taasian insha allaahu dhawaan baanu idiin soo sheegi doonaa” ayuu yidhi mr yuusuf.


Waxaa kale oo uu mr Yuusuf intaasi ku daray in ay shirkadu gabagabo marinayso ilaa 1000 KM oo ay gaadhsiinayo xadhigga waayarka ah ee soomaraya Badda hoosteeda waxaanu xusay inay shaqaale farabadan u qaadan doonaan arimahaasi si ay u dhamayso shirkadu hawlaha baaxadda leh ee laga sugayo “waxaanu soo wadnaa hawlo balaadhan oo labada sanadood ee soo socda dadka  mashqu ulin doona”.


Yuusuf Cabdalla waxa uu xusay in aanay waxba ka qabin hadii ay shirkado kale dalka keenaan is ga adhsiin casri ah waxaana uu yidhi “waxaan rajaynayaa inay shirkado kalana nagu dayandoonaan”



Madaxa horumarinta waaxda ganacsiga ee shirkadda Somcabel Mr Yuusuf Xuseen waxuu intaa ku  d aray inay shirkadu doonayso inay maalin gaara u samayn doonto baahinta ama ku dhawaaqidda  qa abka ay shirkaddu shaqaalaha u qoranayso.

 



Khaddar C.muuse
Timacade News Desk
Hargaysa Somaliland