Wasiirka Wasaaradda
Arrimaha Dibada Somali land,Mudane Cabdilaahi
Maxamed Ducaale
“Somaliland Waa Qaran Aan
Arrimihiisa Gudaha La Soo Faro Gelin Karin, Weftigii Midowga
Yurub-na …..”
“Anigu Nin Qabiil Ma ihi, Wasiir Qaran baan ahay beesha aan ka soo
jeedaana iyada ayay u taala cida….” Wasiirka Arr. Dibada Somaliland
Hargeysa(Ramaas) Aug. 14, 2009 - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada
So maliland, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in
Somaliland ta hay Qaran madax banaan oo aan arrimihiisa gudaha
la soo faro gelin karin, isla markaana uu beesha caalamka ka
dhexeeyo xukuumadiisa iskaashi iyo ixtira am.
Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu galabta ku
qabtay xafii skiisa, oo uu kaga hadlay weftigii ka socday
Midowga Yurub ee baajiyey socd aal ay 12-kii bishan ku iman
lahaayeen Somaliland, arrimaha doorashada iyo aragtidiisa ku wajahan
go’aankii dhawaan Golaha Wakiiladu ansixiyeen ee ku saabsanaa in
xukuumada iyo Komishanka Doorashooyinku ka noqdaan qaraa rkii
ahaa in la galo doorasho aan lagu salayn liiska diiwaangelinta
codbixiye yaasha.
Wasiirka Arrimaha Dibadu wuxuu mar kale ku celiyey in xukuumadda
Somalila nd ay ka go’an tahay in ay doorashada madaxtooyada ay ku
qabsoonto xilligii loo muddeeyey ee 27-ka bisha September ee fooda
innagu soo haysa, waxa anu yidhi “Anigoo ka duulaya go’aanka
Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxaan shacbiga Somaliland gudo
iyo dibadba iyo beesha caalamkaba in xuku u mada Somaliland
sidii ay horeba u balanqaaday ay uga go’an tahay qabasha da
doorashadii loo cayimay 27-ka September 2009 duruuftu si kastaba ha
aha atee, doorashadu waa inay u qabsoontaa si nabadgelyo iyo xalaal
ah.
Caalamkana waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka soo qaybgalaan sidii
doorasho oyinkii horeba ay uga soo qaybgaleen, Qaran ahaan waynu
haysanaa waayo-aragnimadii saddexdii doorasho ee hore iyo im
kaaniyaatkii lagu qaban lahaa ba.”
Wasiirku wuxuu beeniyey war sheegay in xukuumada Somaliland ay
baajisay wefti ka socday Midowga Yurub, oo 12-kii bishan socdaal ku
iman lahaa dalka, waxaanu yidhi “Nasiib darro weftigaasi saacadii
ugu dambeysay subaxdii ay ahayd inay dalka yimaadaan way ka
cudur-daarteen markii hore waxay noogu soo sheegeen telefoon inay
baaqdeen waxaanay sheegeen inay qoraal raali gelin ahna ay soo qori
doonaan, warqada ay soo qoreena xagga xukuumada aniga(wasiirka) ayaa
la igu soo hagaajiyeen, warqadaasi nuxurkeedu ahaa oo ay yidhaahdeen
waanu ka xunnahay in aanu nimaadno iyadoo ay nagu timid duruuf.
Waxaanay yidhaahdeen inay iman doonaan mar kale, qoraal ayaan ugu
jawaa bay aan leenahay xukuumada, baarlamaanka, komishanka iyo
dawlada oo dha mi waa idiin diyaar ee markaad diyaar garowdaan
noo soo sheega.”
“Wararkan kale ee sheegaya in weftigaas Midowga Yurub ay xukuumadu
baaji say arrintaasi waa wax aanay waxba ka jirin, waxaan rajaynayaa
inay iyaguna (weftiga) ay wax ka yidhaahdaan arrintan saxaafada
maxaliga ahi qortay, wax ba kama jiraan waana been, ayuu yidhi
mudane Ducaale.
Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa kale oo uu naqdiyey go’aankii Golaha
Wakiila du dhawaan ka soo baxay ee la xidhiidhay in laga noqdo
go’aankii Komishanka ee lagu laalay diiwaangelintii codbixiyeyaasha,
waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa in aan in yar ka yara
taabto mooshinkan ka socda, baarlam aanka (Wakiilada) ee ay
maalintii dhawayd soo saareen, waxaanu leeyahay Qaranku wuxuu u
baahan yahay in loo tudho maanta in la yidhaahdo maamuus ka xayuubin
xilli ay doorashadiiba ay ka hadhay usbuucyo, waxaan u arkaa
arrintani in ay tahay mid fawdo ah khalkhalna gelin karta Qaranka.
Cidii arrintan wada tallada aanu siinaynaa waa inay ka waantoobaan
cawaaqib xumada ka dhalan karta, doorasho iyo abaabul ayaa inoo
yaala caalamkuna way ina soo wada eegayaan waxaanu xukuumad ahaan
jecel nahay in si wadajir ah doorashada loo wada galo, iyadoo wixii
la kala tabanayana laga wada hadlo.
Intaas ka dib weriyeyaashii shirkaasi jaraa’id ka qaybgalay waxa ay
weydiiye en Wasiirka Arrimaha Dibada su’aalo u dhacay sidan.
S: Wasiir, Gudoomiyaha UCID iyo Xoghayaha Guud ee Kulmiye waxay
sheegeen in xukuumadu ay weftiga baajisay oo ay tidhi ma qaadi karno
amnigiina, arrint aasi miyaanay jirin?
J: Waa arrin fajiciso ah, wax allaale iyo wax ka jiraana ma jiraan
waxa ku kelif tay duqa Gudoomiyaha UCID iyo Xoghayaha Guud ee
Kulmiye iyaga weydiiya waxa ku kalifay, Midowga Yurubna waad weydiin
kartaan oo Midowga Yurub halkan (Hargeysa) xafiis ayay ku leeyihiin.
Beryahan dambe waxaynu maqleynay in rag cararayeen oo ay lahaayeen
wax aanu caalamka iyo deeq bixiyeyaasha u sheegaynaa in
dimuqraadiyadii ay lun tay oo xukuumada Rayaale la saaro
cadaadis xukuumada Somaliland iyo caala mka waxa ka dhexeeya
iskaashi wada jir iyo is ixtiraam.
Somaliland waa Qaran jira arrimaha gudaha Somaliland-na cidi ma faro
gelin karto, in rag dibada u carareen oo ay yidhaahdeen meeshii waa
la kala yaacay ee noo soo gurmada taasi waa nasiib darro manay
dhicin illaa 1991-kii inagaa wax lafo-guraynay.
Ma aha in anaga (Somaliland) shirar naloogu qabto Jibtuui, Nairobi
iyo Addis ababa midna dalkeenii wuu inoo dhisan yahay dastuurna
waynu leenahay.
S: Wasiir waxa jiray in todobaadkan la sheegayay in nin aad walaalo
tihiin la caleemo saaray oo laga dhigay Suldaan arrintaasi maxaad
kala socotaa, mase bogaadisay Suldaanka?
J: Anigu nin qabiil ma ahi Wasiir Qaran baan ahay Somaliland oo
dhana wasiir baan u wada ahay, beesha aan ka soo jeedaana iyadaa
cida ay doonaysa cale emo saaran karta, waxa isna la ii
sheegayay nin kale oo walaalkay ah. Siciid Yuusuf Ducaale isagana
waa la caleemo saaray baan maqlayay.
Wax lug ah oo aan ku leenahayna ma jirto, cidna ma aan bogaadin
reeraha Sa laadiintooda iyo kala doorashadooda midna shuqul
kuma lihin mana sameyso madax dhaqameed mana rido.
Source: Ramaasnews
|