WARSAXAAFADEED SLF/05-2010/MEDIA-1-SO
19 Meey 2010



KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA SOMALILAND WAA XILKAS U BAAHAN IN LA IS GARABTAAGO.
 


Ururka Somaliland Forum waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Komishanka  Doorashoo yinka Qaranka Somaliland sida xilkasnimada leh ee ay u wadaan hawshii loo igmaday oo ah suurogelinta qabashada doorashooyinka Somaliland. Komishanku waxa uu ku ammaanan yahay sida ay u abaabuleen diiwaan gelinta iyo beddelaadda waraaqaha aqoonsiga iyo  co daynta, go'aanka adag ee ay ka gaadheen muddaynta doorashada Madaxtooyada oo ay maantaba ku dhawaaqeen xilliga uu furmayo Olalaha doorashadu, iyo guud ahaan sida ay u dareensan yihiin xilka qarannimo ee ka saaran hawlaha mas'uuliyadda badan ee ay  qaad een.

Waxa kale oo uu Ururka Somaliland Forum hambalyo iyo bogaadin usoo jeedinayaa  dhamm aan shaqaalihii ka hawl galay qaybinta waraaqaha aqoonsiga ee cusub, gaar ahaan  Arday da Jaamacadaha, oo si waddaniyad ah door aad u muhiim ah uga qaatay hirgelinta  qaybin ta kaadhadhka cusub. Ururka Somaliland Forum wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in Somaliland ay ku nabad-iyo-caano maashay wax-qabsiga ummaddeeda iyada oo aan hore iyo  danbay so toona ku xidhin taageero dibedeed waxa ay qabsan karto ummaddeedu. Waxa sidaa  da rteed uu Somaliland Forum dhallinyarada waddaniyiinta ah ku dhiirrigelinayaa in ay  ogaada an in qof kasta oo muwaadin ah uu xil gaar ahi ka saaran yahay ka qaybqaashada dhiska tiirarka qarannimo oo ay doorashadu ka mid tahay.

Waxa uu ururka Somaliland forum xusuusinayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar  ah aanna inta mas'uuliyaddu gaar uga saaran tahay habsami u socodka doorashada  (komish anka, dhinacyada loolanka ugu jira hanashada maamulka waddanka, shaqaalaha), in  waxq a badka dhabta ahi uu ku xidhan yahay in ay dhacdo doorasho xaq ahi, oo ay ku dhacdo  w aqtigaa loo cayimay. Xubnaha Ururka Somaliland Forum waxay Ilaahey uga baryayaan in komishanka iyo dhamaan inta ku howlan meelmarinta doorashooyinka uu ku guuleeyo  haw laha iyo masuuliyadda baaxadda leh ee hayaan.

Ururka Somaliland Forum wuxuu shacbi-waynaha Somaliland ku ammaanayaa sida  habsami da leh ee uu uga qayb galay qaadashada Kaadhka cusub. Waxaana uu ka codsanayaa  dad waynaha inay si anshax iyo waddaninimo ku dheehantahay ay u hirgeliyaan  doorashooyi nka, u codeeyaan si nadiif ah, una taageeraan Komishanka Qaranka sidii ay si nabad ah  in oogu qabsoomi lahayd doorashooyinka sanadkan. Komishanka qaranku waa xilkas u  baah an in la isku garabtaago hawsha ballaadhan ee ay ummadda u hayaan.

Ugu danbeyn waxa uu ururku ugu baaqayaa dhammaan axsaabta siyaasadda iyo  saxaafad da Somaliland in la dhawro heshiiskii anshaxa doorashooyinka (Code of Conduct) lagana fogaado waxkasta oo dhaawici kara habsami u socodka arrimaha doorashooyinka qaranka.

Guul iyo Gobannimo,

Ururka Somaliland Forum
 


_____________________________________

Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay ku jiraan muwaadiniinta Somaliland ee qurba-joogga ah iyo kuwa ku nool waddanka gudihiisuba. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxana uu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani waxa uu rumaysan yahay in dadka Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda. Wixii faahfaahin ah ee arrintan ku saabsan, fadlan la soo xidhiidh xubnaha Guddiga Dhexe ee Somaliland Forum adiga oo u diraya email: chair@somalilandforum.com.