Somaliland 20 sanadood ayey dib u noqotay!!

 



(May ahayn in maanta aynu ku murano,shirkii London Somaliland kaga qayb gashay sax buu ah aa iyo qalad buu ahaa,balse waxay ahayd in cidii dembigaa intaa leeg ka gashay Ummadda  Soma liland in sharciga la horkeeno).



Bishan Feb 2011 waxaa magaalada London ka dhacay SHIR,lagu qabtay goobta loo yaqaan  Wilt on Park-1078.Ujeedada shirku waxay ahayd in warbixino laga dhegaysto kooxda ka kooban  wad amada daneeya arimaha Soomaaliya ee loo yaqaan Contact groups ,ma aha shir maanta  bilowa day ee waa shirar taxane ah,marar badan oo hore ayaa la qabtay,wadamo kala duwan ayaa ho re loogu soo qabtay,weligeedna Somaliland kama qayb gelin,Dowladihii Somaliland soo maray iyo shacabkuna mowqif cad ayey ka lahaayeen.



Shirka Somaliland laguma casuumin,kamana hadal ee cida keliya ee la casuumay,kana hadashay ee Soomaaliya metelaysay waxay ahayd kooxda loo yaqaan TFG ee uu Wasiirka arimaha dibada ka yahay Maxamed Cabdillahi Omaar.Waxaa iyana jiray,koox la socotay ,soo raacday oo uu soo casuumay Maxamed Cabdillahi Oomaar,kuwaas oo ula shaqaynayey hab Goboleedyo ,waxayna kala ahaayeen Somaliland , Puntland iyo Galmudug.


Intii shirku socday mar keliya ayaa la xusay amase la maqlay magaca Somaliland,markaana  wax aa loogu yeedhay Gobolada Wooyiga ee nabadu ka jirto sida Somaliland iyo Puntland. Cidkasta oo intaa waxa ka badan sheegtaa waa cid ka been sheegaysa shirkii ka dhacay Wilton Park Lon don.



Shirkaa ka dhacay London ee Somaliland ay kaga qayb gashay Gobol ka mid ah Soomaaliya wuxu u Somaliland u soo jiiday arimo badan oo ay ka mid yihiin:-



1. Waxaa meel laga dhacay dib ula soo noqoshadii gooni isu taagii Somaliland ku dhawaaqday 18 May 1991, Somaliland-na waxaa xilligan loola dhaqmay sidii gobol ka mid ah Soomaaliya.

2. Waxaa si badheedh ah loogu tuntay Dastuurka Qaranka Somaliland Q1aad ilaa Q129,waxaan odhan karaa qodobada uu ka kooban yahay Dastuurka Somaliland iyo Xeerkiisaba waa jebiyey.

3. Waxaa mugdi weynu soo galay siyaasada arimaha dibada ee Xukuumada Somaliland ka talisa xilligan,lamina garan karo talaabooyinka u qarsoon Xisbiga talada dalka haya,haddii aan si  dha qso ah talaabooyin looga qaadinna waxaa dhici karta in ay yimaadaan arimo shirkan ka culus.

4. Waxaa la simay oo maanta isku miisaan ka noqday arimaha Soomaaliya , Puntland iyo Somalil and.

5. Waxaa durbaba oo baxaya warar sheegaya in la doonayo Somaliland laga hirgeliyo amase la dhaqan geliyo qoraalka loo yaqaan (Dastuurka Qabyada ah ee TFG), howshiisiina waa la bilaabay aa dhowaan.


6. Waa cadahay in uu jiro qorshayaal u qarsoon Xukuumada xilligan xilka dalka haysa,waxaa mar khaati cad u ah kulankii 2010 dhexmaray Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo ninka la Maraykanka ah ee la yidhaahdo Donald Payne,waxaa kaloo markhaati cad ah hadaladii dhowaan ka soo jeedhay Ma xamed Cabdillahi Oomaar mar uu la kulmay qaar ka mid Jaaliyada reer Somaliland ee degan wada nka Norway.



7. Waxaa Somaliland hore u yimid shaqsiyaad aad ugu ololeeya siyaasada kooxda Sheekh  Shari if,weliba xilligan jooga dalka gudihiisa.



Talo Soo jeedin:-

1. Waxaan ka codsanayaa Golayaasha sharci dejintu in ay talaabo cad ka qaadaan,Xukuumada xilligan xilka dalka haysa,lana qeexo siyaasada arimaha dibada ee Somaliland.



2. Waxaa haboon in si wada jir ah loo tixgeliyo Dastuurka iyo Xeerarka wadanka u yaala cidii  jebi sana meel looga soo wada jeesto.



3. Waa in labada Xisbi Qaran ee Mucaaridka ahi(UDUB IYO UCID) ay joojiyaan dhamaan wixii wada shaqayn ah ee ay la leeyihiin Xukumada maanta dalka ka jirta.



4. Waa in si deg deg ah wada tashi Qaran looga yeeshaa xaalada cusub ee la soo deristay Soma liland xilligan.



5. Waa in si deg deg ah loo wacyi geliyaa ,loola socodsiiyaa dhamaan shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibada in Somaliland ay jar ka sii dhacayso,loona baahan yahay in la badbaadiyo Qar anka Somaliland.



6. Waxaan ugu baaqayaa shacabka reer Somaliland in aanay gelin qalad la mid ah kii 1 July 1960 ay galeen.





Anigu waan yaabanahay ee ma
20 sanadood aynu haddana dib u noqonaa ?


 

 

 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com