“Ciidanka waa ku
waajib difaaca karaamada dadka oo daawadeyaal ma noqonayaan” Md.
Cadami
Hargeysa (TNN)- Wasiirka wasaarada Gaashaan-dhiga Somaliland Md.
Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sheegay ciidammadda Somaliland aanay u
dul qaadan doonin gardarooyinka maleeshiyada maamul goboleedka
Puntland.
Wasiirku wuxuu cambaareeyay falkii maleeshiyada Puntland ay ku
weerareen wefti ka socday So maliland oo uu hoggaaminayay Saleebaan
Yuusuf Cali Koore.
“Waxa la sugayaa oo arrintu ku mudan tahay imika Puntland nimankan
ay hayaan waxay ahaayee n shaqaale dawladeed oo adeeg bulsho
fulinayay oo deegaanka u dhashay oo hore u tagi jiray oo aanay
meeshu ka caaganayn ayay ahaayeen,”ayuu yidhi Wasiirka
Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami.
Wasiirka Gaashaan-dhigu waxa uu sheegay in jawiga Somaliland iyo
Puntland beryahan dambe soo hagaagayay hase yeeshee arrintani ay
fajiciso ku noqotay waxaanu yidhi “Maalmahan u dambeeyay jawiga lagu
jiray iyo soo dayntii markabkii la afduubay arrimahaasi marka la
eego jawi soo hagaagaya ayuu xidhiidhku u ekaa. Markaa arrintani
fajiciso gaar ah ayay nagu noqotay.”
Md, Axmed Xaaji Cali Cadami oo caawa u waramayay Telefishanka madaxa
banaan ee Horn cable, waxa la weydiiyay inay suurto gal tahay in
ciidammada qaranka Somaliland ay tallaabo milatari oo aargoosi ah ay
ka qaadaan Puntland waxaanu ku jawaabay “Waxa weeye Ciidanku wixii
meel ka dhac ah ee qadaf ku ah ummaddiisa cabsi gelinaya iyo wixii
cago juglayn u muuqan kara u dul qaad an maayaan.”
“Talaabo kasta oo la qaadaana waxay leedahay talaabadeeda,
talaabadan imika dhacday waanu ka xun nahay sidaanu uga xun nahayna
waa la gaadhsiiyay Puntland, waajib baanay nagu tahay difaaca
karaamadda ummadda iyo dalka. Ciidankuna daawadeyaal ma
noqonayaan,”ayuu yidhi Was iirka Gaashaan-dhigu.
Wasiirka Gaashaan-dhigu waxa uu sheegay in arrintani ay shaki hor
leh soo kala dhex gelinayso S omaliland iyo maamul goboleedka
Majeerteeniya.
Source: Somaliland.Org
|