Somaliland Oo Garnaqsi Buuxa Ka Hor Jeedisay Kulan Ay Ku Dhan Yihiin Xubnaha Dawladaha Waaweyn ee Joogtada Ku Ah Golaha Amaanka Iyo Nuxurka Doodda Dhex Martay

 



New York,September 12,2011, (TNN)-Somaliland iyo Xubnaha Dawladdaha waaweyn ee joogtada ku ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, ayaa dood garnaqsi ah jilbah is-dhigay.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, shalay gelinkii hore ayaa Wasiirka Ar rimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar, waxa uu dood dheer oo garnaqsi ah ka jeedi yey kulan saacado qaatay oo ay ku dhan yihiin Xubnaha Dawladdaha waaweyn ee Joogtada ku ah Gola ha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka).

Kulankan oo ka dambeeyey Codsi ay Somaliland hore ugu jeedisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoob ay in ay Somaliland fursad u siiyaan dhagaysiga garnaqsigeeda oo uu Golahaasi aqbalay, ka dibna lagu m arti qaaday Somaliland ayaa Wasiirka Arrimaha Dibeddu waxa uu sababeeyey xaqa ay Somaliland u leed ahay in ay Beesha Caalamku Aqoonsato iyo in ay gacan taageero ah ka gaysato dedaalka ay la timid So maliland ee dhinacyada Nabad gelyada, Dhaqaalaha, Dimuqraadiyada, la dagaalanka Argagixisada iyo Bu dhcad baddeeda iyo weliba dhismaha Dawladdnimo ku dhisan Maamul wanaag.

Sidaana waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibeddu u sheegay mar uu Xalay Wargeyska Saxansaxo khadka Tale efanka kula xidhiidhay waxna ka weydiiyey, isaga oo ku sugan New York, nuxurka Doodii uu ka jeediyey kulanka uu la yeeshay Golaha Amaanka.

Wasiirka oo faahfaahinaya Qodobada ay ku dhisnayd Doodiisa ah in ay Somaliland xaq u leedahay in la a qoonsado, waxa uu sheegay in ay Doodiisu ku dhisnayd Taariikhda runta ah ee Somaliland, waxa ay qabs atay ee ay xudunta u yihiin Dawladdnimada ku dhisan Nabadgelyada, Maamul Wanaaga iyo Dimuqraadiy ada iyo weliba doorka aan la dafiri karin ee ay ku leedahay Nabadgelyada Mandaqada, la dagaalanka Arg agixisada iyo Budhcad baddeeda iyo sida uu Aqoonsiga Somaliland dan ugu yahay Nabadgelyo waarta i yo xasilooni lagu soo dabaalo Dalalka iyo Deegaamada Gobolka ee Nabadgelyo darradu ka taagan tahay, sida Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibeddu waxa uu sheegay in uu ka qayb galayaashii kulanka taabsiiyey sida ay Somali land u tabayso taageeradii Beesha Caalamka iyo in ay weli ka sugayso intaba.

Xubnaha Dawladdaha waaweyn ee Joogtada ku ah Golaha Amaanka ayaa waxa ay iyaguna si darandoori ah Wasiirka Wax uga weydiiyeen su’aalo la xidhiidha kaalinta ay Somaliland ka qaadan karto Nabad lagu soo dabaalo Somalia, La dagaalanka Budhcad Baddeeda iyo Argagixisada, waxa kale oo ay wax ka weydii yeen waxyaabaha Somaliland u suurto galiyey in ay iskeed wax u qabsato, kuna guulaysato in ay kala d ambayn iyo sharci ku dabaasho gayigeeda, isla markaana ay joogtayso Nabadgelyada.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sheegay in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey kaalinta ay Somaliland imikaba ku leedahay la dagaalanka Argagixisada iyo Budhcad baddeed a, Duniduna ka markhaati tahay iyo Taariikhda dhismaha Qaranimada Somaliland.

Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa uu kulanka u qadimay mawqifka Dawladda iyo Shacabka Somaliland iyo baahida ay u qabaan Aqoonsiga Qaranimada Somaliland ee Beesha Caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland ayaa isla shalay gelinkii dambe waxa uu dood dheer oo taa ho re la mid ahayd ka jeediyey kulan ay ku marti qaadeen Wakiilada Qaramada Midoobay ee Sideed Dawlad ood oo Afrikan ah, qaarkoodna xubno ka yihiin Golaha Amaanka.

Wasiirku waxa uu Dawladahaa Afrikaanka ah oo ay ka mid ahaayeen Koonfur Afrika, Itoobiya, Kenya, Ga bon, Nigeria, Uganda iyo kuwa kale u jeediyey garnaqsi ay dhumucdiisu tahay xaqa ay Somaliland ugu lee dahay Dawladdaha Afrikaanka ah in ay qadariyaan waxa ay qabsatay iyo kaalinta ay xogogaal ka yihiin ee ay ka qaadato Nabadgelyada Gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland waxa uu xubnahaasi u sheegay in aanu Aqoonsiga Somaliland cidna wax u dhimaynin, balse uu wax tar iyo faa’iido u yahay Deganaanshaha Gobolka iyo Horumarka lo oga baahan yahay Bulshooyinka iyo Dawladdaha Afrikaanka ah, isaga oo ku soo hal qabsanaya Aqoons iga ay Beesha Caalamku dhawaan aqoonsatay Dawladda Koonfurta Sudan, waxa uu yidhi “Waad ogtihiin oo waxa dhawaan la aqoonsaday Dawladda Cusub ee Koonfurta Sudan, waxaanu ahaa mid ay Dawladd aasi iyo dadkeeduba xaq u lahaayeen mana jirto cid uu Aqoonsigaasi wax u dhimay, sidaa si la mid ah ay ey Somaliland xaq ugu leedahay in Beesha Caalamku iyo Wadamada Afrikaanka ahiba inay garawsadaan oo ay aqoonsadaan Dawladdnimada ka hana qaaday Somaliland iyo go’aanka Shacabka Somaliland-ba”.

 


Wargeyska Saxan Saxo