“S/Land 20 Sano Ayey Koontiinar Ku Jirtay, Qadiyadeedu Dhabta Sh. Shariif Haday Ku Jirto Waa In Laga Raadiyo, Shirkii Nairobi-Na Waxa Uu Ahaa Mid Taariikhi Ah” Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir

 

 

Hargeysa, May 30, 2011 (TNN) – Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa taag eeray talaabooyinka xukuumadda madaxwayne Axmed Siilaanyo kaga qayb galayso shirarka caalamka, kaas oo tilmaamay in albaab walba loo garaaco aqoonsiga Somaliland, isla markaana amaan u soo jeediyey wasiirka khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo ku sifeeyey diblomaasi qadiyadda Somaliland ka iibinaya beesha caa lamka.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa kale oo xukuumadda ku booriyey inay shacbiga kala tashato talaabo kasta oo u qaadayso inay shirar caalami ah ka qayb gasho, sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Somalia lagala hadlo arimaha aqoonsiga, taas oo uu ku sababeeyey cida ay wax iskaga keen xidhan yihiin inay tahay Somalia.

Suldaanka ayaa waxa kale oo uu talaabo mihiim ah oo wasaarada khaarajigu qaaday ku tilmaamay shirkii magaaladda Nairobi todobaadkii hore ku dhexmaray wafti ka socda xukuumadda Somaliland iyo xubno ka socda golaha amaanka qaramada midoobay.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa sidaa waxa uu ku sheegay mar uu xalay waraysi khaas ah khadka tilifoonka wargeyska Haatuf ku siiyey isaga oo ku sugan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ugu horayna isaga oo ka hadlay qadiyadda Somaliland iyo caqabadaha hortaagan, waxa uu yidhi “Somaliland 20 sano ayey Koontiinar ku jirtay, iin-yada iyo Koontiinar aynu iska dayno waxba inoo tari mayso’e halkaasna waligeen ka dhaqaaqi mayno, talaabadda wasaarada arimaha dibadu qaaday waa mid wakhti hore in la qaado loo baahnaa, hadana Alle imika ayuu qadaray, markaa waa in laga wada tashado wax kasta oo dalkani ku horumari karo, waxaana inaga inala gudboon inaynu dalkeena sidii uu aqoonsi u heli lahaa aynu ka arinsano”.

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayay shirkii Nairobi ka dhacay todobaadkii hore ee Somaliland ka qayb gashay iyo sida uu u arko, waxa uu yidhi “Hore ayaan u sheegay wasiirka arimaha dibadda Somaliland Maxamed C/laahi inuu yahay Diblomaasi qadiyadeena ka iibin kara beesha caalamka, waana nin xaqa aynu ku leenahay aduunyadda inooga soo ridi kara, shirkii ay ka qayb galeen waftigii uu hogaaminayeyna waxaan u arkaa shir caalami ah, sababta oo ah wali hore umay dhicin inaynu si gaar ah u horfadhiisano Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, markaa waan dhiiri galinayaa dadaalkaas uu wado wasiirka khaarajiga oo ah run ahaantii nin diblomaasi ah, shirkii Nairobi-na waxa uu ahaa mid taariikhi ah”.

“Qadiyadda aqoonsigeenu hadii ay dhabta Sheekh Shariif ku jirto waa inaynu kala soo baxno, marka runta laga hadlona cida ay wax inagaga xidhan yihiin waa Somalia markaa waa in albaab walba loo garaaco sidii ummaddani ay beesha caalamka ugu mid noqon lahayd. Caalamku wuu inoo soo jeedsanayaa marka uu arko inaka oo Koonfur ka dalbanayna aqoonsiga aynu xaqa ugu leenahay, markaa waxaan ku baaqayaa in shacbi iyo dawladd-ba la iska wada kaashado sidii dalkani uga mid noqon lahaa beesha caalamka”

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir xuskii 18-ka May ee sanadkan, waxa uu yidhi “Xuskii 18-ka May ee sanadkan waxaan u arkaa mid taariikhi ah oo aan wali hore uga dhicin Somaliland, run ahaantii waxaan odhan karaa masaafad dheer oo uu inoo jiray aqoonsigu ayuu inagu dhaweeyey waana talaabo loo qaaday dhinaca aqoonsiga. Markaad eegto sidii ay shacbiga Somaliland u muujiyeen dareenkooda gooni iskutaaga waxay ahayd arin mucjiso ah oo aad looga wada mabsuuday caalamkana indhihiisii soo jeedisay. Ictiraafkuna sidiisaba waxa uu ku jiraa dhaqdhaqaaqa xukuumadda iyo shacbigu ay ku muujiyaan rabitaankooda inay beesha caalamka ka mid noqdaan, markaa waxaan ku baaqayaa in sidii aynu rabitaankeena u muujinay aynu mar walba u muujino waayo dunidda hadii aanad adigu qadiyaddaada ka iibinin waxba kuu qabanmayso”.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir mar wax laga waydiiyey sida uu u arko khilaafka cakiran ee soo kala dhexgalay xisbul xaakimka Kulmiye, waxa uu yidhi “Xisbi waliba waxa uu leeyahay distuur u gaar ah afkaarta qaarna waxa diidi kara distuurka xisbiga u yaala afkaarna waa mid taa ka duwan oo madaxda xisbigu ka wada hadli karaan, markaa anigu waxaan taa kaga gudbayaa joojiya khilaafka oo markaad doorashadii ku guulaysateen yaan la idin fahmi waayin”.

Suldaan Maxamed ayaa isaga oo ka hadlaya sida uu arko xisaanadda laga qaaday maayarka Gabilay iyo sida uu u arko, waxa uu yidhi “Maayarku xilka la saaray hadii uu sidiisa uga soo baxo in la dulmiyo ma haboona, hadii uu wax khalday oo uu sharcigu baalmaro-na waa in uu qabto. Golaha deegaanka shacbigaa soo doortay wanaagiisa iyo xumaantiisana shacbigaa ka markhaati kici, waxaan taas kaga hadhayaa maayarkaa Gabilay ee xasaanadda laga qaaday shacbiga reer Gabilay ayaa ka markhaati kici hadii uu wax u qabtay iyo hadii aanu waxba ku soo kordhin-ba”.

 

Source: Haatuf