“Barnaamijyada Horumarinta Waxa Aanu Ka Samaynaa Deegaamada Ay Suurtagal Ka Tahay In Aanu Ka Fulino, Hadii Aad Eegto Somalia Iyo S/land Waxa Aad Si Cad U Arkaysaa In S/land Tahay Halka Ku Haboon”

 

 

Ambassador-ka Midawga Yurub U Qaabilsan Somaliland iyo Somalia, Georges-Marc Andre


Hargeysa, (TNN) – Wefti uu hogaaminayey Ambassadorka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Georges-Marc Andre oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyey socdaal ku joogay dalka oo shalay ka amba baxay dalka ayaa hadlay Barnaamijyada Horumarineed ee Somaliland ay ka wadaan Midawga Yurub oo ay ka mid yihiin la dagaalanka Saboolnimada, Budhcad Badeeda iyo Kobcinta Dhaqaalaha.

Weftigan oo intii aanay ka dhoofin dalka Shirjaraa’id ku qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa kaga hadlay Barnaamijiyada horumarineed, heshiiska budhcad baddeeda ee Sey chelles lagaga soo wareejinayo Maxaabiista Budhcad Baddeeda iyada oo loo soo wareejinayo Xa bsiyada Somaliland.

Ugu horayn Ambassadorka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo ka hadlaya xu ska maalinta Haweenka aduunka ayaa tilmaamay in Haweenku ay door mug leh ku leeyihiin bulsh ada Somaliland, maadaama oo ay yihiin aqlabiyada shacabka, waxaanu yidhi “Xuska maalinta haw eenka ee waa mid muhiim ah, maadaama oo ay yihiin aqlabiyada bulshada, isla markaana maalin waliba waa maalinta haweenka, maxaa yeelay waxa ay xanaaneeyaan caruurta, barbaariyaan waxna baraan waanay u shaqeeyaan siday u quudin lahaayeen, hadii bulshadu ay u socoto jiha da saxda ah, marka ay dhacaan wax aan qurux badnayni oo dhibaato badani ay la soo daristo ama Khilaafyada iyo dagaalada oo badanaa dhibanaha ugu badani ay yihiin Dumar iyo Caruurta”.

Georges-Marc Andre, mar uu ka hadlayey siyaabaha loo horumarin karo Bulshada ee looga horta gi karo caqabadaha ay saboolnimadu ka mid tahay ayaa waxa uu yidhi “Waa inaynu nidhaahnaa sideebaa bulshada loo horumarin karaa, sidee ayay bulshadu wada jir ugu shaqayn kartaa iyaga oo is qadarinaya, Taas oo ah inaynu wajahno waxa aan ogahay in shacabka Somaliland ay filaya an inay ka gudbaan caqabadaha horumar la’aanta oo ay guulaystaan, waxa aanu ka hadalnay Siyaasada, Horumarka, waxa aanu ka hadalnay sidee ayaynu u kobcin lahayn Ganacsiga, sidee ayaynu u taageernaa Shacabka Somaliland, oo aynu sidoo kale ula dagaalami lahayn Budhcad Ba ddeeda iyo Fakhriga oo aanu u horumarin lahayn tayada bulshada oo laga taageeri karo dhinacy ada waxbarashada iyo sidii haweenku door mug leh ay uga ciyaari lahaayeen oo ay uga qayb gali lahaayeen hawlala waxbarashada, taas oo inta badana laga horjoogsadaa.

Taasina waa wixii aanu saaka isla falanqaynay, oo aanu ka wada hadlanay Madaxweyne Siilaanyo , waxaanan odhan karaa dhamaan mawduucyadaasi waa kuwo wanaagsan”.

Ambassadorka Midawga Yurub u qaabilsan arimaha Somaliland iyo Somalia oo xukuumada Madax weyne Siilaanyo ku amaanay doorka ay ka ciyaartay la dagaalanka budhcad baddeeda ayaa wa xa uu yidhi “Waxa aanu Madaxweynaha ugu hambalyeynayaa sida dawladda Somaliland ay ula dagaalantay budhcad baddeeda, waxaan Madaxweynaha Somaliland ku bogaadinayaa heshiiskii uu saxeexay ee maxaabiista Budhcad baddeeda ee Seychelles ku xidhan loo soo wareejiyo Xabsi yada Somaliland, waxa kale oo aanu isla eegnay arimaha budhcad baddeeda oo ah arin saamayn ku leh aduunka. Xiligana Maamul goboleedka Somalia ee Puntland oo ah ubucda ay ka unkanto budhcad baddeedu ayaa waxa ay xaqiiqdu noqotay inay ka dhalatay faqriga, habka ugu wanaag san ee lagula dagaalami karo budhcad baddeeduna waxa weeyaan, inaynu samayno horumarin ah kobcinta dhaqaalaha iyo in la hubiyo in ku dhaqanka sharciga lagu fidiyo gobolka.

Sida aan hore u idhi haweenku waxa ay yihiin kuwa maamula qoyska oo haddii uu waxoogaa dakh li ah ay helaan waxa ay ugu diraan caruurta Iskuulada. Waxaana jira dumar badan oo iyaguna u soo baxay sidii ay ganacsi u abuuri lahaayeen”

Ambassadorku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Sidaaad ogtihiin barnaamijyada  horum arineed ee inta badan aanu fulino waxa aanu ka samaynaa meelaha ama deegaanada ay suurta gal ku tahay in aanu ka fulino, hadii aad eegto Somalia iyo halkan waxa aad si cad u arkaysaa in Somaliland ay tahay halka barnaamijyada horumarineed ay ku wanaagsan yihiin in laga hirgaliyo, waxa aan ku siinayaa tusaale ah Caawimada Midawga Yurub ee sanadkii 2008-dii ilaa 2013-ka ee dhinaca hurumarinta in ka badan 500 Milyan oo Yuuroo aanu 70% ka mid ah aanu galinay Somalil and, isla wakhtigaana EU-du waxa ay ku maalgalisay 242 Miyan Euro ilaa imika gargaarka bani’a adanimo.

Sidaa daraadeed maaha talaabada kaliya ee aanu qaadnay, waxa aanu ka shaqaynaynaa oo aa nu mashaariic badan oo maalgalineed aanu ku samaynaynaa dhinaca Biyaha oo aanu hada barna amij weyn aanu bilaabayno, waxa aanu kordhinayn ka shaqaynta iyo horumarinta Waxbarasha da, Horumarinta Baadiyaha iyo sidoo kale Xoolaha Nool.

Barnaamijyada aanu Maalgalino waxa ay noo ogolaanayaan in Xoolaha Somaliland iyo Gobolkaba loo dhoofiyo wadamada jaarka ah, gaar ahaana Gacanka Cadan, iyadoo sanadkii la soo dhaafayn a dekeda Berbera laga dhoofiyey xoolo gaadhaya 4.2, kuwaas oo loo dhoofiyey gacanka Cadan, taasina waxa ay muujinaysaa talaabada hore loogu qaaday Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland”.

source:haatuf