SOCDAALKAYGII SOMALILAND QAYBTII KOOWAAD BY: BADMAAH



Naftu waxay tabaysay dalkii hooyo,waxay ku daashay dhaxanta iyo dhibaa tada qurbaha, gaar ahaan qaarada europe. Aragtida qarsoon  ee madaxa qiyaaso waxa ii muuqday burbur iyo dib u dhac,waxa kale oo ii muuqday siyaasada dalka oo iyana jiho-wareersan.

Dayaarad yar oo hawadu hadba gees u wado ayaan ka soo raacay magaal ada Addis-ababa,saacad iyo rubuc kadib ayay soo caga dhigatay gegada dayaaradaha ee Hargeysa,Somaliland.Anigoo weli aad uga fakiraya xaalada gegada dayaaradaha ee Hargeysa ayaanu ka soo degnay dayaaradii  yara yd.

Waxa iigu horeeyay ee aan indhaha qac ku siiyay waxa uu ahaa dhismahii gaboobay ee gegadu lahaan jirtay.Waxa iigu yaabka badnaa waxa uu ahaa dad badan oo diyaarada hoos yimi,kuna dhawaaqayay (waar baalka ila  qab ta)! Waxa ay mar qudha gacmaha saareen baalkii dayaarada,ayagoo isku dayaya inay xejiyaan,si aanay dabayl xooganayd oo dhacaysay dhinac u  ri din inta laga dagaayo,alaabtana ama shandadaha laga dejinaayo,waayo dh inac ayaa miisaanku u badnaa! Taasi waxay ku tusaysaa dayaaradaha yar yar ee gegada hargeysa soo fadhiistaa inaanay ahayn kuwo waqtigan la adeegsan karayo,aadna u duug ah, gaar ahaan kuwa ay Daallo adeegsato.


Hore u soconay,gaadhnay xafiiska socdaalka,u dhiibnay dal-ku-galkii,bixin ay $30 cashuur ah iyo $20 saraf ah. Markii aanu ka baxnay waxa dhina ca bariga iiga muuqday 2ba dhisme oo cusub,meel yar oo baabuurta la dhigo Waxa aan isweydiiyay warkii lahaa aad ayaa wax loogu kordhiyay  gegada dayaaradaha ee hargeysa intii uu wasiir warancade xilkiisa la wareeg ay!


Isla markiiba waxa aanu gaadhnay dhismayaal shacabku dhisteen, kuna t axan wadada hareeraheeda,kana mid yahay hotelka magaca qalaad loo
baxshay ee la yidhaa Ambassador Hotel iyo dhismayaal guryo ah oo aad
qurxoon,balse wadada ayaa ahayd mid aan la dayac tirin,habsocodka baab uurtuna waxa uu ahaa mid aan habaysnayn,cidina ka masuul ahayn.


Guud ahaan magaalada hargeysa si xooggan ayay u fiday,ganacsiguna wu u xoogaystay,dugsiyada,jaamacadaha iyo malcaamadahu si xad dhaaf ah ayay u kordheen.Waxa kale oo i xiisa geliyay masaajidada oo xaafad wal ba laga dhisay,ma-sha allaah.Dadka oo salaada u dareeraya masaajidada  ,car uurta iyo dumarka oo iyana aad ugu badan malcaamadaha.


Dhinaca kale,waxa aan la kulmay xaalada siyaasadeed oo aad isugu murug tay,muran xooggani taaganyahay,mudac-mudac ku taag arrinku maray o.Hadaan dib u jaleeco arrimaha ayaamahaa dalka soo maray waxa ka mid ahaa:

Dagaaladii ka dhacay deegaanka Gabiley.
Dhex-dhexaadintii oo lagu guul daraystay.
Dilkii ka dhacay jifooyinka agtooda.
Dawladda oo ku guul daraysatay xallintooda.
Diiwaangelintii oo ay dawladu laashay.
Khilaaf siyaasadeed oo go’aankaasi dhaliyay.
Golaha wakiilada oo xil ka xayuubin madaxweyne soo jeediyay.
Golaha fulinta oo soo jeediyay in la bedelo shirgudoonka G/wakiilada.
Xubin udub ah,kana tirsan golaha wakiilada oo baastoolad adeegsaday.
Golaha fulinta oo xidhay golaha wakiilada.
Mudaharaadyo ka dhashay arrimahaa murugsanaa.
laba muwaadin oo ciidamadu ku dileen banaanbaxyo.
Inaha hadaan ku dhaafo dhacdooyinkii aan socdaalkaygii horaantiisii
la kulmay,waxa aan dul mari doonaa …….

La soco qaybta 2aad
 

 


Allaah ayaa mahad leh.
Xuseen Badmaax