Shirkada Somtel oo Tartan Xifdiga Quraanka Kariimka ah u Qabatey
Madarasadaha Quraanka lagu Barto ee Tog-Wajaale
Tog-Wajaale (TNN)- Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Somtel ayaa,
tartan xifdiga Quraank a ah u qabatay shaley laba madarasdood oo
kamid ah madaarista Xifdiga Quraanka Kariimka la gu barto ee
Magaalada Tog-Wajaale.
Furitaankii tartankan xifdiga quraanka kariimka ee shirkada Somtel u
qabatey madaarista quraa nka Tog-Wajaale waxaa kasoo qeyb galey
Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxum ed Cabdi, Maamulaha
Shirkada Dahabshiil Barre Axmed C/laahi, Maamulaha Shirkada Somtel
ee Tog-Wajaale Idiris Daa,uud Muuse,Imaamyada Masaajidada Tog-Wajaale
Sheekh Maxamed Ibr aahim iyo Daa,uud Maax, iyo Maamulka madaarista
xifdiga quraanka kariimka ah ee Tog-Waj aale iyo dadweyne aad u tira
badan.
Waxaana furitaanka taratankan quraanka kariimka ah ee Shirkada
Somtel u qabatey madaaris ta xifdiga quraanka kariimka ah ee Tog-Wajaale
oo ah kii u horeeyay ee noociisa ah oo Shirkad aha isgaadhsiintu ay u
qabtaan tartanka quraanka Degmada Tog-Wajaale waxaa uigu horeyn
hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi
Muxumed Cabdi, oo shir kada Somtel uga mahad celiyay tartanka ay u
qabatey bisha ramadaan ardeyda yaryar ee quraanka kariimka ah barta
taas, oo Gudoomiyhu ku tilmaamay arin dhiira galin iyo qiima weyn
ugu fadhida guud ahaan dadweynaha Tog-Wajaale islamarkaana ay uga
mahad celinayaan Shirkada Somtel sida ay u xasuusatey iyo doorka ay
siisay tartanka quraanka ee madarasahad Tog-Wajaale.
Waxaa kale, oo isaguna halkaa hadal ka jeediyay Gudoomiyaha Shirkada
Dahabshiil ee Tog-Wa jaale Barre Axmed C/laahi, oo isaguna faafaahin
ka bixiyay doorka ay shirkada Dahabshiil ku le edahay bulshada iyo
sida ay mar walba uga warhayaan dhibaatooyinka soo food saara
bulsha da haday yihiin dhinaca abaaraha iyo arimaha culus ee soo food
saara bulshadaba, waxa kale oo Mr Barre carabka ku dhuftey in
tartankan ay shirkada Somtel iskeed uga timid balse aanay aheyn wax
laga dalbadey ama laga codsadey.
Waxa kale oo isaguna kalmado kooban halkaa ka jeediyay, Maamulaha
Shirkada Somtel ee Tog-Wajaale Idiris Daa,uud Muuse oo sheegay in ay
aad ugu faraxsan yihiin mowduuca ay Shirkada Somtel ugu qabatey,
madaarista quraanka kariimka ee Tog-Wajaale tartankan oo ah kii u
hore eyay ee noociisa ah oo shirkadaha isgaadhsiintu ku dhiiri
galinayaan bisha ramadaan ee barak eysan da,yarta baranaya quraanka
kariimka ah arintan oo uu ku tilmaamay isaguna mid ay Shir kada ahaan
iyagu qabteen haseyeeshee aan laga dalbanin.
Sidoo nkale waxa iyaguna halkaa ka jeediyay hadalo wacdi ah oo ay
tilmaan kaga bixinayaan qi imaha uu bulshada u leeyahay quraanka
kariimka ah iyo barashadiisaba imaayada masaajidada Tog-Wajaale
Sheekh Maxamed Ibraahim, iyo Sheekh Daa,uud Maax waxaan hadaladoodii
kamid ahaa.
“wax la qiyaasi karo ma aha fadliga quraanka kariimka ahi
leeyahay”Sidaa waxa yidhi Sheekh M axamed Ibraahim imaamka
Masjid-
Nuur ee Magaalada Tog-Wajaale.
“Quraanka kariimka ah waxaa la inooga baahan yahey in aynu la
noolaano”Sidaana waxa yidhi Sheekh Daa,uud Maax imaamka
Masjidu
Raxma ee Magaalada Tog-Wajaale.
Waxa kale oo isaguna halkaa hadal mahad celin iyo guubaabo isugu
jira ka jeediyay Abiib Xasan Cilmi, oo ku hadlayay magaca madaarista
Tog-Wajaale ee shirkada Somtel u qabatey tartanka xifdiga quraanka
kariimka ah waxaanu Abiib siweyn ugu mahad celiyay Shirkada Somtel
isagoo uga mahad celiyay tartankan ay bisha barakeysan ee Ramadaan u
qabteen da,yarta mudada baranayay quraanka kariimka ah oo da,doodu
aad u yareyd.
Dadweynaha iyo Ganacastada ku dhaqan Degmada Tog-Wajaale ee kutaala
xuduuda u dhexey sa Itoobiya iyo Somaliland ayaa siweyn u soo
dhaweeyay bnarnaamijkan ay Shirkada Somtel ugu qabatey madaarista
quraanka tartanka quraanka taas, oo marar hore laga qabtey Tog-wa jaale
haseyeeshee, dhinaca Shirkadaha isgaadhsiinta ay markii u horeysay.
Wariye C/raxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
Email:hiiraan2007@gmail.com
|