M/weyne Siillaanyo Wuxuu Si Ba’an U Dhaliili Jirey Safaraddii Ray aale Oo Uu Ku Tilmaami Jirey Temeshle Iyo Dalxiis, Maantase Muxuu La Soo Guryo Noqon?

 


Daahir Rayaale mudadii uu xilka hayey marka uu socdaal ku tegayo Yurub Iyo Maraykan wuxuu  dala lkaa ku tegi jirey martiqaad rasmi ah, waxaanu heli jirey qaabilaad la sii qorsheeyey, waxaanu Siilaan yo ku tilmaami jirey safaradii Rayaale ku tegi jirey Yurub iyo mareykan temeshle iyo dalxiis.

Waxayna dadweynuhu filayeen haddii uu madaxweyne noqdo Siillaanyo, in uu Yurub iyo Mareykan k u tegi doono qaabilaad ka meeqaam saraysa tii Rayaale, waxaase dhacday in uu madaxweyne  Siilla anyo uu dalka ingiriiska tegey isaga oo aan dawladda ingiriiska ka haysan wax martiqaad ah, waxaan u hadda maqan yahay muddo ku dhaw afar todobaad, iyada weliba ay dalka ka aloosnaayeen markii uu tegey dagaalo sokeeye oo ka sodey dhinaca bariga iyo iyada oo markaa ifafaaleheedu soo  muuq dey foolkaanahan ka qarxay golaha wakiilada, waxayna dadka siyaasada indho indheeyaa  tilmaama yaan in Rayaale in aanu dalka ka tegi jirin iyada oo ay jiraan xaalado cakiran, waxayna tilmaamayaa n in uu xataa safaradii soo gaabin jirey haddii dhibaato dalka ku soo korodho.

Safarka aad ku tagto dal shisheeye ah adiga masuul qaran oo aan wax martiqaad ah haysan iskaba daa waxaad ka soo faa’iido’e dawladda aad wadankeeda joogto waxaad ula mid tahay qof caadi ah oo la mid ah dadka magan gelyo doonka ah, ilaalinta amaankaagana masuuliyad qaar ahi kama  saar n a dawladda aad wadankeeda joogtid.

Waxaana wax laga naxo ahayd markii madaxweyne Siilaanyo uu ka tedey garoonka dayuuradaha  c aalamiga ah ee Hitro kuna yaala magaalada London, waxaa halkaa ku soo dhoweeyey oo garoonka ugu yimid labaataneeyo qof oo u badnaa fannaaniinta jogta London. Kamana dhex muuqan hal qof o ka tirsan baarlamaanka iyo xukuumada ingiriiska, waxaynu naqaanay xil ummada lala dhex joogo o o loogu shaqeeyo, waxaase beryahan dambe la arkay marka laga soo bilaabo doorashadii  baarlamaan ka ee 2005-tii oo rag badan oo qurba joog ahi ay ku jiraan, guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee  go laha wakiiladuna wuxuu sheegay in ay xildhibaano golaha ka maqan muddo labo sano ka badan ay gaarkooda jaamacado ka dhigtaaan wadamada dibedda, waxayna marba soo qortaan buu yidhi  war qad dhakhtar oo ay nagu qiyaameeyaan.

Hadaba m/weyne Siilaanyo iyo wasiiradiisa oo u badan qurba joog waxay ku hawlan yihiin qancinta qurba joogtii mudada dheer lacagta laga qaadi jirey ee xilalkana loogu balan qaaday, waxayna dad badani is weydiinayaan faa’iida ka dhalan karta habdhaqanka noocan ah?

Waxaa kale oo is weydiin leh fariintii uu Xil: Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan golaha wakiilada ugu  miisa anka wayn ee xisbiga kulmiye uu u diray m/weyne Siillaanyo fariintaasoo ahayd in uu Siillaanyo ka  t egey ragii isaga kursiga saaray, isaga oo carabka ku dhuftay in wasiirada qurba joogta ah qaarkood ku lugleeyihiin mashaqada ka aloosan golaha wakiilada ummaddana ay majaro habaabiyeen oo ay si khaldan wax ugu sheegeen, isaga oo ka digey haddii Siillaanyo u dhega nuglaado wasiirada qurba  jo ogta ah cawaaqibka ka dhalan kara in uu yahay mid aan fiicnayn.

Hadaba marka aan isku soo wada duubo m/weyne Siilaanyo waxaa ka hor imanaysa maah maahdii s oomaaliyeed ahayd LABA DARAN MID DOORO.

Maah maahdan oo la macno nopqon karta heestii ahayd WAA LABA BARBAAROO BADHTAMMAHA HAL BAWLAHA MIDBA BAAL I HAYSTE’E, BEERKA JANTAYAA XAYDHA JECLIYAA.

 

 

 


 

C/risaaq Suudi Nuur
Hargeysa Somaliland
Tell:4425243