Madaxweyne Siilaanyo iyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoob ay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amp. Aogustine Mahiga oo kulan yeeshay

 

 

Hargeysa  (TNN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland md. Axmed Max’ed Max’ud ( Siilaanyo ) ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula yeshay wafti uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amp. Aogustine Mahiga.

Kulankan balaadhan ee uu madaxweynaha JSL la yeeshay ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan S/land iyo Somalia oo maalintii shalay booqasho shaqo ku yimid dalka waxay ka wada hadleen xidhiidhka wadashaqayneed iyo xoojinta iskaashiga u dhaxeeya jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha JSL md. Axmed Max’ed Max’ud ayaa uga waramay xaaladda guud ee dalka sida  siyaasad da, nabadgalyada, hanaqaadka dimuqraadiyadda iyo maamul wanaaga.

Madaxweynahu waxa uu si gaar ah uga hadlay xaaladda abaareed iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta meelo badan oo ka tirsan dhulka s/land iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la xoojiyo doorka ay ka qaataan hayadaha qaramada midoobay taakulada iyo samato bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Waxanu Madaxweynuhu ka dalbaday in ay gargaar caalami oo degdeg ah lasoo gaadhaan dadka ku  tabaa loobay abaaraha.

Amp. Aogustine Mahiga ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia  ay aa tilmaamay taageerada UN-tu ay u hayso horumarka s/land ee dhinacyada dimuqraadiyadda, nabad gal yada iyo maamul wanaaga.

Amp. Mahiga waxa uu sheegay in hayadaha qaramada midoobay ay u hawl gali doonaan wax ka  qabasha da xaaladaha bini-aadannimo ee ay sobobeen abaaraha soo noqnoqday ee ka jira guud ahaan mandaqad da geeska Africa gaar ahaana Somaliland.

Waxa uu xusay sida ay lama huraanka u tahay in layska kaashado nabadeynta iyo xakamaynta kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dhismaha nabadda iyo xasiloonida mandaqadda geeska Africa.

Dhinaca xukuumadda waxa kulankaasi ku wehelinayay madaxweynaha JSL M/weyne ku xigeenka  Somalila nd, wasiirada wasaaradaha Armaha dibedda, Arimaha gudaha, Qorshaynta qaranka iyo horumarinta, Che if of capinet-ka iyo la taliyaha m/weynah ee dhinaca aqoonsi raadinta.

Mr: Aogustine ayaa isla maantaba ka degay Xarunta Maamul Goboleedka Puntland, halkaasna waxa uu wadahadalo kula yeeshay Madaxweynaha Puntland iyo Xukuumadiisa, waxyaabaha ugu waaweyn ee ay kawada hadleena waxay ahayd inuu Ogolaado Faroole inuu yimaado Shir Somaliya lagu Heshiisiinayo oo ka dhacay Dalka Kenya.

Source:Waaheen