Madaxweyne Siilaanyo Oo Caawa Shaaca Ka Qaaday Mushahar Kordhinta Ciidamada Iyo Shaqaalaha

 




Hargeysa  January 12th, 2011 (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa shaaca ka qaaday inuu Ciidamada kala duwan iyo shaqaalaha dawlada ugu kordhiyay mushaharkii ay qaadan jireen.

Sidaasi waxa caawa baahisay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo sheegtay in qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamuud Maxamuud (Siilaanyo) uu 100% u kordhiyay  mus haharkii Ciidamada kala duwan ee dalka iyo shaqaalaha dawladda, waxaanu warku intaasi ku daray mushahar kordhintan laga bilaabayo Bishan January 2011-ka.

Wax tafaasiil ah lagama bixin wareegtada uu madaxweynuhu mushaharka ugu kordhiyay ciidamada iyo shaqaaleweynaha dawlada Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa xiligii lagu jiray olalihii  do orashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee 2010-kii barnaamijkiisii siyaa sadeed ee uu dadweynaha u soo bandhigay ku sheegay inay ciidammadda iyo shaqaalaha dawlada ay mushaharooyinka u kordhiyaan 300%.

Go’aankan madaxtooyada ayaa ku soo beegmay xili aanay wali Wasaarada Maaliyadu odoroska  Mii saaniyad sanadeedka xukuumadda dhexe ee 2011-ka u gudbin Golaha Wakiilada. Ciidamada iyo  sha qaalaha dawlada oo beryahanba naawilayay mushahar kordhintii xisbiga KULMIYE u balan qaaday ayaa ku diirsaday go’aanka Madaxweynaha.



Source: Somaliland.Org