Todobaadka iyo Somaliland: "Safarkii Itoobiya iyo UK"

 


Guuleed: "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Danahayga gaarka ah, ta guudbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan garabkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaan ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'sanbaan, gaadh aan u taagnahay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u sheegaa".

Geeddi: " Reer guuraa ayaan ahay, nin guurguurayaan ahay. Reer Geediyaan, hadba gees u rarayaa, Guushaad ka hadashay iyo geyigaad tilmaantay, nin u heellan baan ahay, Arrimaha dalkeenna, geesta aad ka joogto, geesta kalaan ka taagnahay. Guddoonkii la doortaan garabkiisa taagnahay, waxse aanaan garanayn, labadeenan geeljire, kay gartiisu saxantahay, dadweynoow gartaa naqa, idinkaa garsoore ah."

Guuleed: Waaryaahe Geeddi, oo shalay adigoo xafiiska Badhasaabka sii gelaya ayaan arkayey;e, maxaa jirey.?

Geeddi: Dee badhasaabka ayaan soo salaamayey---sidii loogu magacaabay badhasaabka gobolka Maroodijeex miyaan indho saarayba.

Guuleed: Oo hore miyaad u taqaannay--- mise beeshoo dhan baa ku xaadiraysa xafiiskiisa---maxaad ka doontay? Miyaad u shaxaad tagtay.

Geeddi: Waar dee aqoon la'aan baa ku haysa, beeshaydana garanmaysid, tiisana garanmayside, miyaad taqaan mujaahid Xamarji?

Guuleed: Waar beeshiisu mid la garanwaayo ma ahe---ma waxa aad iga doonaysaa Cadduur baa adeer u ah iyo garyaqaanadii Somaliland.

Geeddi: Adigaaba u abtirinaya'e, anigu waxa aan ugu tegey, arrin ka weyn waxa aad ka hadlayso. Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarji) isagoo 12 jir ah ayuu ku biirey Ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM. Isagoo 15 jir ah ayuu soo raacay ciidankii soomajeestayaasha ahaa ee SNM, ee weerarka xooggan ku soo qaaday magaaladan Hargeysa. Dagaalkaasi markii uu waxyar socday ayuu ku dhaawacmay. Anigu halka aan ku bartay dhaawacaasuu ahaa, intii ka danbaysay aqoon fiican baa naga dhaxaysay. Waa nin u qalma in loo hambalyeeyo--- sidaasaan ugu tegey. Waxa la ii sheegay in uu buug qorayo oo uu kaga warramayo taariikhnololeedkiisii ilaa maanta. Adigu miyaanaad u hambalyeynayn.

Guuleed: Maxaad iigu qasbaysaa, qof aanaan garanayn. Iga gaadhsii oo waxaad ku tidhaahdaa nin aanu makhaayaddaa hawada sare ku kulanno ayaa kuu soo hambalyeynayey. Haddii uu waxoogaa kuu soo dhiibo dee ha ila gees marin ee i ogow. Waxa aanse ku weydiiyey. Dagaalkii ka dhacay Buuhoodle agtiisa muxuu ku dhammaaday?

Geeddi: Dagaalkaasi mid ku salaysan siyaasad ma uu ahayn ee waa dhacdo naxdin leh oo ku soo beegantay maalintii ciidda. Ilaahay baynu uga baryeynaa sida ugu fiican in hawshaasi ku dhammaato.

Guuleed: Dee aamiinta uun badi. Waxa aadse ka warrantaa Madaxweynihii miyuu iloobay in uu yahay  ma daxwene, waa maxay qaabkan jilicsan ee is dhexyaaca ah ee uu ku tegey LONDON.?

Geeddi: Weligaa baad indhaha ka lalin jirtay, wanaagga iyo horumarka dalka. Maxaa kuu diidey in aad aragto soo dhoweyntii Itoobiya ee baanboydii sidii ay u taagnaayeen madaarkii Booli/Addisabeba ay diidi (Dhici) gaadheen. Bal kaarbadkii casaa eeg, hadalkii wasiirka arrimaha dibedda eeg. Maxaa waxaasoo dhan aad indhaha uga lalinaysaa.

Guuleed: Waar wixii wanaagsan ee muuqda indhaha kama lalin karo'e waan ku diirsadaaye, waxa aan  tilm aamaa ama aan farta ku godaa wixii qaldan. Waxaa buu u egaaday hoggaamiyhii KULMIYE. Maxaa u diidey in ugu yaraan ay ka horyimaaddaan xubno ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee UK. Xataa Wasiir ka Qaxootigana alla ha ka dhigee ama dee cid uun saancaddale ah. Isagii oo iska lugaynaya oo dhex socda dadkii rakaabka caadiga ah , ayuu iska soo baxay baa la yidhi. Dabadeed na dad is dhex yaacaya oo qama amaya oo sidii xero-jaadda qaylinaya ayaa kadinkii is tubay. Waxa la yidhi fool xumo ka weynaydba lama
arag.

 

 

 

Geeddi: Mar haddii hadalkaaga uu u bato waxa la yidhi, maba sii dhegaystoe. Waxa aad ka warrantaa aqoonsigan foodda soo saarmay miyaanaad ogayn?

Guuleed: Waa baad i xasuusisay. Waxa aan maqlay odhaah tidhaahda "Belaayo hurudda lama toosiyo". Siilaanyo ma laga yaabaa in uu belaayo innaga jiiftay innagu kiciyo?

Geeddi: Waa maxay belaayada uu kicinayaa, miyaanaad maqal in maanta ay Jaamac M Qaalib iyo Cismaan Kalluun ba ka shaqaynayaa raadinta aqoonsiga, oo hawshu meel fiican marayso. Labadii Shariif ee Xamar fadhiyey, waxa ay yidhaahdeen "Unuka waxba kama khabno akhoonsiga soomaalilaynta".

Guuleed: Alloow nimaan wax ogayn ha cadaabin. Waa laba kooxood oo isu dhuumanaya kooxi malaa waxa ay is yidhaahdeen halkanaa aqoonsigu ka dhowyahay ee tijaabiya. Qolo hore looga adkaaday oo Jaamac-yare ka mid ahaana waxa ay is leeyihiin maantaa jaanis idiin soo baxay. Beesha Direed ee koonfurtuna hawshii berigii qabyowday bay bilaabeen. Dhaqdhaqaaqyada socda waanu la soconnaa, oo dadkani kor iyo kal waa wada indho. Yaan lagu dagmin ee xaajada ha laga fiirsado. Ilaa Cumar Geellaha Madaarka kaga horyimi ee gurigiisiina kaga yimi Cismaan Kalluun----ayaad iiga warramaysaa. Warku sida uu nagu soo gaadhaa waa basiiiiiiiiiid. Ee waxa aan ku odhan lahaa saaxiibadaa u sheeg, in aanay ku degdegin hawshaas ee ay gunta ka soo bilaabaan.

Geeddi: Waa maxay gunta ay ka soo bilaabayaan.?

Guuleed: Madaxweyne, Siilaanyo, marka hore talada ha u gudbiyo xisbigiisa KULMIYE, marka xigtana labada xisbi qaran ee kale UDUB iyo UCID ha u soo bandhigo, dabadeedna labada gole,Wakiilada iyo Guurtida. sidaasaa dadkuna ,ku difaaci karaa go'aanka xukuumada. Laakiin meeraysi maafii. Mise, sidii Daahir Rayaale buu odhandoonaa "Cid kale ila talin mayso, aniga ayaa madaxweyne ah". Arki doonnee.

Tu danbaynu lahaan.
 

 

 

 

 

 

Sayid-Axmed M. Yuusuf Dhegey
Sweden