Madaxweyne Siilaanyo reer Gabiley ma waxaad ugu abaal g uday inaad is tiraahdo tuhun kala gali, oo saamigii ay dalka ku lahaayeena ha siin

 



Dadka reer Gabiley waxay tiir dhexaad u yihiin wadankan Somaliland, haday noqoto halgankii dalka lagu xoreeyey, ama aqoonta iyo dhaqaalaha lagu dhisay qarankan Somaliland.
Reer Gabiley waxay taageero hiil iyo hooba siiyeen xisbiga Kulmiye. Dowladii Madaxweyne Rayaale waxay samaysay arimo badan oo ay doonaysay ku soo jiidato reer Gabiley, laakiin reer Gabiley dheg umay  dhigi n maadama ay yihiin dad qowl leh oo jecel inay rabitaankooda ka miro dhaliyaan.

Reer Gabiley waxay si midnimo leh codkooda u siiyeen xisbiga Kulmiye, sida laga wada warqabo. Madaxweyne Axmed Siilaanyo golihiisa wassiirada, reer Gabiley si weyn bay u soo dhaweeyeen jagada  a y ka heleen ee ah in Dr Maxamed Cabdilaahi noqdo Wasiirka arimaha dibada. Waana xaq reer gabiley lee yihiin , haday noqoto tiradayda iyo dhaqaalaha gobal ka soo baxa, iyo waliba siday reer Gabiley ugu soo halgameen xisbiga Kulmiye.

Madaxweynuhu wuxuu magacaabay afar cisho ka hor madaxdii hayadaha dowlada iyo agaasimayaashii guud ee wasaaradaha intoodii badnayd. Madaxweyne Axmed Siilaanyo si badheedha u baal maray reer Gabiley xaq ku lahaayeen hayadaha uu magacaabay. Dalkastaa wuxuu samiga dowladnimo ku qeybsadaa qoomiyadaha ku nool ama haday qoomiyad kaliyii ku nooshahayna beelaha qoomiyadaasi ka kooban  tah ay. Dalkeena waa nimco u gaara inay ku nool yihiin dad isku Isira, oo ah Qabiilooyinka Soomaliyeen ee  de egaan ahaan leh dalka iyo qaranka Somaliland. Beelaha Somaliland inay si dheeli tiran u qaybsadaan  xila lka dowlada waa arin saxa oo xaq iyo cadaalada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waa masuuliyad saaran inuu beelkasta xaqeeda siiyo, oo aanu u sadbursiimo siin ciduu ka dhashay. Madaxweyne siilaanyo wuxuu reer Gabiley u magacaabay labo jago oo kaliya, kontanka haydoo ee magacaabay. labadaa jagana wax hoosta kaga ladhnaa oo ku hoos jiray  xum aan qarsoon, oo ah inuu jilibada reer gabiley doonayey in uu tuhun shaki kala dhex dhigo. Waxaanadse M adaxweyne xisaabta ku darsan, in reer Gabiley ay hadalka iyo ficilka dadka ay galiyaan sheybaadh(Labo ratory) ka dibna aanu ilbiriqsiyo ku ogaano dantuu qofkaasi lahaa. Midna waligaa madaxa ku hayso ma n ihin dad tuhun lagu kala dhex abuuri karo. Reer Gabiley tolfiiqdu maaha waxaanu dhaqan u leenahay oo kaliya, ee jeenigu ee waa qeyb ka mida unugyadayada dhiiga.


Ciidamada amnigu qaranka u xil saarani waa rukunka dalka. Waxaana kala yag leelay oo sees adag u dhi gay General Xasan Yoonis iyo  General Maxamed Xasan Jidhif.
General Nuux Ismaacil taani wuxuu maanta ciidanka qaranka ka dhigay mid ka mida ciidanka ugu xooga ba dan bariga Afrika, wuxuuna sugay xuduudihii dalka. General Nuux Ismaaciil taani ciidamad qaranka ee uu hogaamiyaha u yahay waa kuwa iyagoo Eebe kaashanaya suurto galiyey in doorashdii si nabadgalyo ah ku dhacdo , ee dhabiga u qoray butidan Alshabaab la baxday ee bariga afrika ka qowlaysata. Dadka reer Somaliland ee sida saxdaa u fikiraa oo dhani waxay isku raacsan yihiin inuu General Nuux Ismaacil inuu ahaado jananka ciidan inay tahay dan qaran.

Madaxweyne markaa waxaad reer Gabiley aad kontankaa hayaadood ka siisay waa hal jago, oo ah  la ta liyaha Arimaha Siyaasada. Danta jagadaa ka lahaydna waxay ahayd oo doonaysay inaad tuhun shakii  be esha ku kala dhex abuuro. Ee waxaanad  ogeyn in reer Gabiley hadal aanay dhadhamin in aanay liqin. Kuwii bahdaa ee taladaad ku siiyey wey ku lugooyeen.

Ragan reer Gabiley ee aad kawada xayuubisay xilalkii ay hayeen, waa ragii aqoontooda ku dhisay qaran ka Somaliland. Markaa miyaanay ahayn Siyaad Barrehii dad reerkiisaa uun ku badali jiray dadka. Somaliland waa qaran u taagan cadaalad iyo wax wada qaybsi. Looma soo dagaalamin Garbahaaray ku b adal Garadag.

siyaasiyiinta reer Gabiley ee xisbiga Kulmiye ka tirsan iyo Suldaanka iyo cuqaasha reer Gabiley waa inay si dega dega uga tashadaan , waayo waad og tihiin dareenka cakiran ee reer Gabiley qabaan.

Waxaan halkan ka hanbalyeynayaa Dr Obolos iska casilada uu iska casilay Gudigii Cusbitalka. May ahayn arin u qalanta Dr Obolos iyo reer Gabiley , in la yiraahdo Guddi farsamo waa saamigii aad qaranka ku lah aydeen. Iscasilaadaadudu kama turjimaysi dareenkaaga shakhsi oo kaliya, ee waxay ka turjumaysaa dar eenka reer Gabiley.


Waxa kale oo reer Gabiley u arkaan gardaro aan geed loogu soo gaban in cashuurtii kastamka Kalbeydh loo bixiyey magac cusub , waaba dheef gobalka ka soo gashee. Magacyadan cusub waxa ka mida cashuu rta Bariga, macnaheeduna waa cashuurta Kalbeydh. Magaca kale ee loo bixiyeyana waa cashuurta kasta mada, magacaasina waa jamac wuxuu sheegayaa kastamo badan. Laakiin waxa jira hal kasatam o oo ah Kastamka Kalbeydh, oo ah halkay ka timaado dakhliga dowlda dhexe, waayo cashuurta dekada Berbera ma hoos timaado wasaarada Maaliyada.


 

 

 

Maxamed Xasan Axmed
Arabsiyo, Gobalka Gabiley