Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu Chief of Cabinetka Xilka ka qaadayo, Sifirna u magacaabayo Wasiirka Madaxtooyadda

 

 


Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu Chief of Cabinetka Xilka ka qaadayo, Sifirna u  magacaaba yo Wasiirka Madaxtooyadda



Hargeysa dEC 27,2010 (TNN)-Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu wado qorshe uu xilka kaga qaadayo Chief of Cabinetka  Mad axtooyadda Xirsi X Cali Xasan isla markaana uu ku magacaabayo Wasaarad cusub oo Madaxtooyadu yeelato oo lagu wado inuu wasiir uga dhigo Maxamud C/laahi Jaamac Sifir.

Qorshahan uu Madaxweynuhu maagan yahay inuu labadaas masuul xilka ugu kala qaado ayaa la  sh eegay inay ahayd xeelad muddo badan soo jiitamaysay, taasoo Madaxweynuhu in badan ku  doonay ay inuu helo meel uu kaga baxsado eedaha loogu soo jeediyay jagada Chief of Cabinetka oo ay  dad ka reer Somaliland fahmi waayeen Macnaha ay jagadaasi leedahay oo aan Nidaamka Dawladeed ee dalka meelna ka soo galin.

Arrintani waxay soo shaac baxday tan iyo intii uu Sifir dalka ku soo laabtay ee Madaxweyne  Siilaan yana Cafiska ugu fidiyay isagoo muddo badan ku hawlanaa dibin-daabyada Qaranimadda Somaliland, isla markaana uu ku hawlanaa dhismaha Dawladda Midnimadda Somaliyeed oo ah cadawga kowaad ee Somaliland. Oo xilal muhiim ahna ka soo qabtay maamuladii kala danbeeyay ee ay Qaramada  Mido obay Soomaliya u soo dhiseen

Ilaa hada Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah ugumuu dhawaaqin arrintan hase yeeshee waxa ay  da dka ka faalooda Arrimaha Siyaasadda ee ku dhaw dhaw Madaxtooyadu si weyn u hadal hayaan in Qorshahani soo if-bixi doono wakhti dhaw, iyadoo durtaba Suuqa la soo galiyay Hordhaceeda si ay dadka dhegahoodu ula sii qabsadaan oo aanay anfariir ku noqon sidii Chief of Cabinetka oo kale.

Xulashada Siilaanyo ee Sifir ayaa la sheegayaa inay tahay arrin uu u arko inuu wax kaga bedeli  doo no hawlaha culus ee horyaal, kuwaasoo uu u arko inuu yahay Siyaasi galangal badan leh oo dalka  G udihiisa iyo dibediisaba wax uga qaban kara isla markaana ka leexin kara ra’yul caamka ka soo  horje eda Xilka Chief of Cabinetka oo ay dadweynaha iyo Siyaasiyiintuba u arkayeen mid qaldan.
 


Wargeyska Waaheen