JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Email:
afhayeenka_jsl@yahoo.com,afhayeenka@gmail.com,(E-m: private) cukuse@hotmail.com
Date: 13/12/2010
Hargeisa
War-Saxaafadeed
Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu
Maanta soo saaray Di greeto Madaxweyne oo uu Cafis ugu fidiyey
Muwaadinka Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), ka dib markii uu
Tix-geliyey Codsiga Muwaadinka oo Arjigiisa ku Cadeyey inuu yahay
Muwaadan u hogaansan oo Aaminsan Qaran-nimada iyo Jiritaanka
Jamhuuriyada Somaliland.
Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi Sidan:-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad xubintiisa 5aad ee Dstuurka JSL.
Markaan La Tashaday: Tallooyinka Masuuliyiinta ay Arrintani khusayso.
Markaan Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.
Waxaan Go’aansaday:-
In laga bilaabo taariikhda manta aan cafis gaar ahaaneed u fidiyo
Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), oo Qaran-nimada Somaliland ka
soo hor-jeeday in muddo ah.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|