“Soomaaliya waxa halkaasi geeyay wixii burburay ayuun baa la isku dayayaa in dib loo soo dhiso”



 


Hargeysa December 21st, 2010 (TNN)- siyaasiga Maxamed Cabdilaahi Jaamac (Sifir) ayaa  maan ta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dhawaan Madaxweynaha Somaliland u fidiyay cafis ka dib markii uu sheegay inuu ka tooban keenay mowqifkiisii Soomaali weynimo ee uu aaminsanaa.

Mr. Sifir, oo ka soo degay madaarka Magaalada Hargeysa wuxuu sheegay in wakhtigan la  gaad hay xiligii lagu shaqayn lahaa rabitaanka iyo iraadada shacbiga Somaliland.

Maxamed Cabdilaahi Sifir oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay inuu rasmi ahaan uga noqday  fi kirkii Somali weyn ee uu aaminsanaa wuxuu ku dooday in Somaliland ay la mid tahay dalalkii  ho re u midoobay ee haddana dib u kala noqday “Midowga Soofiyeeti markii uu burburay 22  dawl adood ayuu ahaa, Yuguslafaakiya shan dal ayay kala noqotay Jogoslafaakiya laba ayay  noqot ay markaa waxaasi oo dhami waxay ku tusaysaa marka wax shaqayn waayo. Soomaaliya waxa halkaasi geeyay wixii burburay ayuun baa la isku dayayaa in dib loo soo dhiso. Markaa waa in dib loo eego wixii hore shaqayn waaya’e maxaa shaqaynaya. Waxaan ku kalsoon nahay  wadad an Somaliland jeexday ee nabadda ah, ee dimuqraadiyada ah, ee sharciyadda ah.”

Mr. Sifir, oo la weydiiyay inuu ka qeyb qaadanayo siyaasada dalka wuxuu sheegay inuu ka qeyb gali doono haddii uu doono. Wuxuu tilmaamay inuu afartii sanadood ee la soo dhaafay uu ku  ma qnaa dalka Maraykanka.

Maxamed Sifir wuxuu dawladii Cabdilaahi Yuusuf ee Dalka Soomaaliya loogu soo dhisay Nairobi uu ka soo qabtay Raysal Wasaare Ku xigeen iyo Wasiir.

Sanadkii 2000-dii ayay Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa ansixiyay go’aan qofka Somaliland u dhashay ka qeyb qaata shirarka Soomaliya ka dhigaya inuu galay khiyaamo qaran.
 



Source: Somaliland.Org